Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: TFG hunting the armed gangs

Recommended Posts

Dabargoyn Iyo Ugaarsi Lagu Hayo Kooxaha Wax Qarxiya

Muqdisho(Calanka.com) 22-Luulyo-2007

 

Ugaarsi ba`an iyo dabar-goyn laga soo shaqeeyay ayaa waxa ey ciidamada boliska iyo sirdoonka dowladda federalka ku hayaan kooxaha weerarada iyo qaraxyada dhuumaaleysiga ka geysta caasimadda Somaliya ee Muqdisho, halkaasoo maamihii ugu danbeeyay oo kaliya lagu soo qabqabtay tiro ku dhow sodomeeyo oo qaarkood la qabtay iyagoo falal amni daro ah kula jira gacanta.

 

Ciidmada boliska iyo sirdoonkaba oo u muuqda kuwa laba jibaaray howlgaladooda ku wajahnaa la dagaalanka kooxahan ayaa timid ka dib markii gudiga amniga qaranka uu go`aansaday in wax laga qabto kooxahan fara ku tiriska ah ee qaraxyadooda dhuumaaleysiga ah ku gumaada shacab aan waxba ka galabsan, gumaadkaasoo uu ugu danbeeyay hoobiye ey soo tuureen kooxahan oo ku habsaday lix caruur ah oo sadex ka mid ah ey walaalo ahaayeen kuna ciyaarayay guryohooda hortiisa.

 

Howlgaladan dabargoynta kooxahan oo u socda si isdaba joog ah ayaa maanta waxa ey ciidamada boliska kasoo saareen isbitaal ku yaal Muqdisho oo la dhigay lix ka mid ah kooxahan sida dhuumaaleysiga waxa u weerara kuwaasoo dhaawac ku noqday iska hor imaadyo dhexmaray iyaga iyo ciidamada boliska.

 

Ciidamadan howlgalka ka fuliyay maanta Isbitaalka ey jiifeen kooxahan ayaa la sheegay in ey ahaayeen kuwa ku socda timlaan isla markaana warbixin buuxda watay.

 

Dhanka kale waxaa sidoo kale la qabtay mid ka mid ah kooxohii hoobiyaha ku qaraacay caruurtii lixda ahaa maalinimadii Khamiistii, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere.

 

Weerarada iyo qaraxyada dhuumaaleysiga oo ey geystaan kooxahan ayaa noqday kuwa sii wiiqmaya isla markaana sii diciifaya, taasoo ey saraakiisha ciidamada iyo sirdoonkuba ku macneeyeen in ey shacabka Muqdisho iyo ciidamada boliska iskumeel uga soo wada jeesteen isla markaana inta badan kooxahan lagu hayo xabsiyada.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this