Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Fagadhes burial will be in Somaliland

Recommended Posts

Maalinta Sabtida Oo Marxuun Fagadhe Lagu Aasi Doono Hargaysa

Written by Qarannews

Dec 30, 2009 at 06:24 AM

Hargaysa,(Qarannews)-Waxa maalinta sabtida la keenayaa caasimada Somaliland maydkii Ilahay ha u naxariistee marxuun Maxamuud Nuur Saalax Fagadhe oo ahaa wakiilkii Somaliland u fadhiyay dalka Faransiiska.

 

Aaska marxuunka maalinta sabtida ka dhici doona caasimada Somaliland ayaa waxa soo qaadista maydka marxuunka ayaa waxa uu maanta madaxweynahu uu u magacaabay gudi qabn qaabo oo ka kooban shan xubnood gudidaasi oo uu gudoomin doono wasiirka deegaanka mudane Maxamed Dirir Xagar.

 

Waxa kale oo gudidan ka mid ah wasiirka qorshaynta qaranka mudane Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare} gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiir ku xigeenka arimaha dibada mudane Axmed Ismail iyo wasiirku xigeenka mudane Axmed Xaashi.

 

Soo qaadista maydka marxuunka oo si aad ah loogu diyaar garoobay, ayaa ilaa maalintii uu marxuunku geeriyooday xukumada Somaliland waxa ay si aan kala joogsi ahayn ugu hawlanayd sidii ay maydka marxuunka u soo qaadi lahaayeen , taasina waanu ku guulaysanay sidaasi waxa maanta saxaafda u sheegay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada mudane Axmed Ismail.

 

Dhanka kalena waxa jira warar been abuur ah iyo buun buunin oo ay saxaafada qaarkeed ka qoraysay halka lagu aasi doono marxuunka oo ay xukumada Somaliland beenisay in ayna marnaba maydka marxuunka ku doorsanynin in la soo qaado maydka oo lagu aaso dal kale oo aan ahayn dalka Somaliland.

 

 

 

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxtooyada Oo Guddi Qabanqaabo U Magacawday Keenista Maydka Iyo Aaska Marxuun Maxamud Saalax Nuur Fagadhe

 

“Xukuumadu Jimcaha Ayey Diyaarada U Buukin Garaysay Guddi Qabanqaabana Waa Loo Magacaabay”

 

Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Wakiilada Baashe Maxamed Faarax

 

Hargeysa, December 30, 2009 (Haatuf)- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa guddi qabaqaabo u magacaabay keenista iyo aaska wakiilkii Somaliland u fadhiyey magaalada Paris ee caasimada dalka faransiiska marxuun Maxamud Saalax Nuur Fagadhe oo Axadii todobaadkan ku geeriyooday cusbitaal ku yaala caasimada faransiiska.

 

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa isagu wargayska Haatuf u xaqiijiyey in gudi qaban qaabo ay xukuumadu u magacawday keenista maydka iyo aaska marxuum Fagadhe, isagoo arinkaa ka waramayana waxa uu yidhi “maalinta jimcaha ayaa la buukin gareeyey diyaaradii marxuumka maydkiisa ka soo qaadi lahayd magaalada Paris, ka dibna dhinaca caasimada somaliland ayaa loo soo qaadayaa sidaa darteed maydka safiirka waa la keenayaa, gudi qaban qaabo oo aanan magacyadooda hayn ayaa loo magacaabay arinkaana madaxwayne ku xigeenka ayaa loo xilsaaray oo ka hawl galaya”

 

Dhinaca kale ilo xogagaal ah ayaa Haatuf u xaqiijiyey in guddida qaban qaabada ee xukuumadu magacawday oo iskugu jira wasiiro iyo masuuliyiin dawlada ka tirsan uu gudoomiye u yahay wasiirka qorshaynta qaranka Cali Ibraahin Maxamed (Cali sanyare), kuwaas oo la sheegay in ay qaban qaabin doonto sidii aas qaran loogu samayn lahaa Alle haw naxariistee marxuum Maxamud Saalax Nuur Fagadhe.

 

Ila wareedyo lagu kalsoonyahay oo u dhuun daloola qasriga madaxtooyada iyo ehelka marxuumka ayaa noo xaqiijiyey inay madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin uu si rasmiya u dhamays tiray kharashkii iyo inkaaniyaadkii lagu fulin lahaa keenista maydka marxuumka, laguna qaban lahaa aas heer qaran ah oo loo sameeyo wakiilkii Somaliland ee dalka faransiiska marxuum Fagadhe oo isagu ahaa halgamayaashii dhidibada u aasay qaranimada Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this