Sign in to follow this  
General Duke

A message to Zakaria, Aways, Turki, IndaCade, Mansuur

Recommended Posts

Zakaria

 

Waxaa soomaliyeey noo soo carfeysa saxan saxo udgoon badan oo ka timid dalka aanu wallaha nahay ee Jabuuti, waxaa naloogu bishaareeyey in ciidamada Itobia bixi doonaan insha allahu ayna imaan doonaan kuwa qaramada midoobey nala joogi doonaan inta aan cagaheena isku taageyno oo aan ciidamadeena tababar naloo siinayo kadibna la qaranmeeynayo waa wax lagu farxo waa arin in la soo dhoweeyo mudan waa nimco rabi.

 

Marka ma waxaanu qaadan karnaa in aanu ogolaano in nalaga ciideeyo Jawaabtu waa maya mana u dulqaadan karno in maanta ooo aan yidiilo nasoo gashay nalaga kala tuuro, waxaa ayaan dara ah in raga uu ka midka yahay Zakeriye Xaji Cabdi oo intuu ka tegay is bahaysigii doontey inuu isu soo sharaxo dal aan dalkisii ahayn markii uu ku soo hungoobey intuu shaarkii bedeshay yiri anaa kusime u ah Sheekh Shariif, oo inta meel ka hadley yiri Wasiirka ariimaha dibada Itobia ayuu la shirey taana ay ahayd dacaayad raqiisa oo Sheekh Shariif iyo Ibaraahim Caddowba beeniyeen.

 

dacaayadii hada mar labaad inuu Zekeriye la soo kaco markii la weydiiyena xageed ka ogaatey yiri meeshaa naloo joogaa oo dad baa noo soo waramey, taas oo uu macnaheedu ahaa maxaad nabadii u soo de dejineysaan aan ku sii qaraabno Isbahaysi dibada wareega oo macno uu ku fadhiyaana uusan jirin, taa soo maaha yaan nabad weligeed lahelin maatada uun sidaa haku dhamaato ana caruurteydu basaboor bey heystaan oo dalkaa Ingiriiska bey ku nool yihiin wixii ba'yana waa yeelkood ana Casmaraan ka qaxweynayaa oo aan magan u ahay.

 

Su'aasha meesha taalaa waa Zekeriye Dad Miyuu Aqbalayaa arintaa aan kor ku cadeeyey walee waa maya yeeli meyno oo diidnay, anigu waxaan qabaa in soomali hadaan nahay aanu is xisaabino oo aan fikirno yaa dan wakhtigan xaadirka ah noo wada? oo aan is bar bardhig intaan samayno qaadano qofka daacada ah diintuna ka dhabtahay oo aan boowsanin sida Sheekh Shariif oo ilaa Heer Jaamacadeed ka Gaarey cilmi hadaad u leedahay diintaada wax badan baad kala bad baadin kartaa hadalkaaguna waa mid sax ah waayo macnihii diinta ayuu fahmayaa marka beentu waa ka xaaraan, Asluubtu diintey ku jirtaa weli lama maqal Sheekh Shariif oo hadal ka dhoco taasna waa alle ka cabsi qofkaas ayaana wax lagu aamini karaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Daahir Aweys, hadaan soo qaato waa sheekh waa nin diintiisa aad ugu dhegen mana aha wax uu ada bilaabay ilaa markuu ciidamada qalabka sida ahaa ayuu diintiisa haystey oo waaba kaga horeeyey dad badan oo wadaado ah balse dhibta haystaa waxay tahay bacdamaa uu yahay nin la ugaarsanyo oo durbiin weyn lagu eegaayo liiskii jinina ku jirameel uu maanta aadana uusan weli iclaamin karin Asmara inuu joogo inta Illahay meel kale u bidhaaminaayo in uu yiraahdo Sheekh Daahir Nabada yaan la keenin ee dhiigu ha iska daato Sheekh Daahir mayeeli karno,

 

waa nasoo karey dagaalka naf baan joognaa hadiiba aan heleyno wada hadal Itoobia iiga baxayso waxaan dhiig u sii dhoowro waa igu doqonnimo ayuu Sheekh Shariina leeyahay marka adinku Casmar iska jooga nagauna barya alle ayaan meel lafadhinaa in dalkeenii oo nabada Itobiana naga saarey aanku ku dakeyno insha allah. marka qaska naga daaya reer casmaroow oo idinku eed hagelina.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Turki muxuu yiri ciidamada UNta marka lakeeno soomaliyeey waa inaad la dagaalantaan oo weligeen madagaal unbaan ku jireeynaa dhiiga ha daato miyaa goormaan dal jira iyo dad shar dunida ku mara noqoneynaa, bal hadalkaa u fiirsada Itobia ayaan ka dacwooneyney oo banaabaxyo badan ka samayney meelkasta qof soomaliya oo damiir leh degaan u ah dibad iyo gudaba waa laga mudaharaadey sawiradii dadkii lagu xasuuqey la qeybi mahadaan hadana dhahnaa Un dooni meyno anagii baaba is aamineynin oo hubkii wada haysana hadhowna isku leeyneyna marka Un in ciidamadeeda lakeeno waa khasab si aan uga soo kabsano diiftii mudada 18ka sano iyo rafaadkii la soo marey oo aan helno bal in xabad shan qarteed aanu maqli weyno doorasho xorana aanu gaarno insha allah dad jira aanu noqono dunida oo dhan Qaxooti baanu ku nahay waa tii hore loo yiri HEYBAD WAXAAD KU LEEDAHAY DAKAAGA HOOYO, marka meeshii heybada lagu lahaa baanu eegeynaa in aanu helno gaarno tiigsano aduunkaa hore umarey ee Tukiyoo dib hanoo celin.

 

 

Turki soow maaha Ninkii Calankii BUlugleey oo Kismaayo ka babanaya ka dejiyey ee saarey Calan Madow ee markii la weydiiyeyna yiri oo mareey ahayde maxay macno leedahay, Turki muu joogin xogna kama hayo marada uu sheegayo sida lagu helay iyo ragii dhibta u soo marey ee SYL, dhiig badan inuu ku daatey maba oga oo Laxdhukani Abaar MOOg.

 

marka nin aanba garaneyn Qiimaha BUlugleey miyaa in dalkan iyo sida loo dejinayo in lagala tashado mudan jawaabtu waa maya, waxaa laga yabaa in wakhtigaas inuusan dhalan ama uu Kilinka 5aad uu joogay marka maba garan karo waxa uu hada u dagaalamaayo maaha inuu dalka difaacayo ee cadaawad uu u qabo weeye Itobia bacdamaa ay dadkiisii xasuuqdey ee lama oran karo soomaliya iyo BUlugleey ayuu difaacayaa tas waa been.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Indha Cade, sow maaha ninkii Itobiya u fooriyey ee yiri iska dalkeenee Ardisababa ayaan idiinku imaaneynaa, markuu arkay iney soo dhaqaaqeena diyaarad ku boodey ee isaga Mansuur israaceen Xaj aan waajib ku ahayn wakhtigaa asaga ah aadey, miyuusan ahayn ninkii Kenya kula soo shiri jirey Mareykan lacagtana kaga soo qaadan jirey, misuun ahayn ninkii Beeraha dadku lahaayeen canshuurta kaga guran jirey, miyuusan ahayn ninkii Sidii GEEDI BAABOW dhihi jirey Odey hebel Gabadhiisa cawada ha la ii meheriyo waa gabar hadey u badato 15 jir ah, oo waxaa hadba meel ila joogta oo aanan been ka sheegeyn gabar reer Marka ah oo ka mid ah gabdhihii sidaa la yeeli jirey, oo aabaheed habeyn madow ka saarey magaaladii keenay Xamar kadibna laga soo dhoofiyey oo kenya la keenay sidaasna maraykanka lagu soo geliyey miyaa intuu Cimaaamad qaato oran kara dal baan xoreynayaa cadowga uu sheegayo waa kuwa uu ku soo casumay dalka weliba muqdisho iyo marekankuu Lacgta sida caadada u hayd Qab Qablayaasha oran jireen Argagixisaa Joogta, miyeysan kuugu imaan jirin marka ayagoo xogta kaa qaadanay maxaad maanta sheegi kartaa Indhacadoow waa dakaas oo kale dadka dhminaaya waa inaan ka diidnaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abuu Mansuur, suu u lahaa Tigree marabno dalkeena ma joogaayaan wiilala yar yar oo saqiira ah Tuute u geshay yiri waa la jihaadeynaa Tigreega taas waa jid, markuu maqley ciidamada Tigreega waa la saarayaa wareysigii lala yeeshay yiri Xataa hadii la saaro dagaal ma deyneyno soo lama oran karo dan kaluu wataa dabcan haa, marka soomaliyee waa daalney oo waa macaaney oo waa bislaaney maalin walwa dad xerya ku jiraan wax u gureynaa dhibtu waa sii korsheysaa, waa inaan Tgeero Buuxda siinaa Shirkaa Jabuuti, dadka shirka ka qeyb gelayana waxaanu ka codsaneynaa shirkaan yuusan noqon kuwii horoo kale ee waa in aad noo soo qaadaan nabad iyo barwaaqo anaguna waa idiin duceyneynaa, hadaad ku kala tagtaandhibtii dhacda idinkaa ka ma'uul noqon doona. waxaa hadalkeygii ku soo gunaanadayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this