Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Two Driver's kill each other over 10000 Shilling with only two bullets fired...

Recommended Posts

Dilalka macna darrada oo ku soo xoogeysanaya Muqdish (Labo darawal oo shalay isku toogtay Black Sea) Muqdisho

 

 

Muddooyinkan dambe magaalada Muqdisho waxaa ku soo kordhayey dilalka macn darrada ah ee loo geysanayo ama ay isku geysanayaan dadka rayidka ah, iyadoo dilalka macna darradan ah oo ay keeneyso xaaladda maamul & kala dambeyn la’aan ee dalka ka jirta ay tii ugu dambeysay shalay ka dhacday Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho halkaasoo labo darawal ay isku dileen goob laga raaco baabuurta aada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxaana shilkaasi ku geeriyooday mid ka mid ah labadaasi darawal, halka kan kalena isagoo aad u liita uu ku sugan yahay isbitaalka Madiina

 

Labada darawal ayaa ku murmay lacag dhan 10-kun shilling Soomaaliya ah, iyadoo mid ka mid ah uu qori AK 47 ah ku taagay kan kale, kadibna uu ninkii lagu taagay qoriga uu la soo baxay bastoolad, kuna riday kii kale, iyadoo midkii bastoolada lagu riday oo sitay qoriga AK uu keebka u qabtay qorigii halkaana uu ku dilay ninkii kale.

 

Dhacdo tan la mid ah ayaa dhowaan ka dhacday Ex. Wakaaladii xoogga korontada halkaasoo labo maleeshiyo ay ku murmeen bililiqo loo geysanayey birihii daxaleystay ee wakaaladdaasi oo ay maleeshiyooyinku ka iibsanayeen kooxo ganacsato ah oo suuq uga helay birahaasi dalka dibeddiisa, waxaana ay labada maleeshiyo oo ku murmay birihii halkaasi laga qaadayey uu mid ka mid ah rasaas ku furay kii ka hor-taagnaa in uu qaato birahaasi, halka kii la dhaawacayna uu isla meeshii ku toogtay ninka dhaawaca u geystay.

 

Falalka ceykan oo kale ah ayaa noqday kuwo soo noqnoqda ayaa waxaa u sabab ah hubkii oo gacanta u galay dad waxmagarato ah oo ciddii ay doonaan ku waxyeeleynaya.

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this