Sign in to follow this  
Juje

Sarakisha Xisbul Islam are now Targets....!

Recommended Posts

Juje   

Sarkaal ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo goordhow lagu dilay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye

 

Shabelle: AFGOOYE

 

Sarkaal ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa goordhow waxaa lagu dilay inta u dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo degmad Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Sarkaalkan geeryooday oo magaciisa lagu soo gaabiyay Daalibaan ayaa kooxo hubaysan islamarkaana gaari Rooneed ah watay waxa ay Marxuumka isagoo gaari saarnaa ay ku toogteen deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magalaada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa waxa ay tibaaxayaan in 2-qof oo kale oo kamid ahaa dadkii gaariga la saarnaa Sarkaalka geeryooday ay iyana geeryoodeen mid kalana uu dhaawac soo garay.

 

Deegaanada lagu barakacay ee inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Ceelasha biyaha ayaa xaaladeedu waxa ay haatan tahay mid kacsan sida ay wararku tilmaamayaan iyadoona halkaasi lagu arkayo gaadiid dagaal oo wataan Ciidamada Ururka Xisbil Islaam.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta sar sare ee Ururka Xisbul Islaam oo ku aadan dilkan loo gaystay Sarkaalkani ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam ee magaciisa lagu soo gaabiyay Daalibaan.

Wixii warar ah ee ku soo kordhaa kala soco Shabelle.net hadii uu Ilaah inoo Saamaxo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Warar hada na soo gaaraya ayaa sheegaya in Sarkaal sarre oo ka tirsan Ururka Xsizbul Islaam ee uu hogaamiyo Sheekh Xasan daahir Aweys goor dhow lagu toogtay ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Sarkaalkan la toogtay oo magaciisa lagu soo gaabiyay 'Talibaan" ayaa waxaa toogtay koxoo hubeysan kuwasoo gaari ku horgooyay gaari uu watay sarkaalkani ka dib xabada ooda kaga qaaday.

 

Dilkan qorsheysan ayaa ilaa iyo hada la ogeyn cida ka danbeysa iyadoo ay jiraan dagaalo u dhaxeeya kooxaha islamiyiinta ayaa hadana aysan jirin ilaa iyo hada cid sheegtay dilka mas'uulkaasi.

Ururka Xisbul Islaam ayaa isan weli wax war ah ka soo saarin dilka sarkaalkaasi lagu magacaabo Talibaan kasoo daqiiqad ka hor lagu dilay ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

wixii ku soo kordha wararkeena danbe kala soco.

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

omali Islamist commander gunned down in capital

 

Posted: Oct 9, 2009 03:27 PM

 

Updated: Oct 9, 2009 03:27 PM

 

MOGADISHU, Somalia (AP) - An Islamist spokesman says gunmen have killed a senior member of Somalia's insurgency in the country's capital.

 

Hizbul Islam spokesman Mohammed Osman Aros says the group does not know who killed Ahmed Abdurahamn Odawa, known as "Taliban".

 

Local resident Mohamud Aden says Odawa's bodyguard and a nearby civilian were also killed.

 

The attack follows clashes between the Islamic Party and al-Shabab over revenues generated in the southern port town of Kismayo. It was unclear whether the al-Shabab group was responsible for the attack.

 

Three people were killed and six injured in a separate incident Friday. Local resident Salad Ahmed says he saw the bodies after the Islamic Party attacked a government base in the central Somali village of Bacda.

 

Copyright 2009 The Associated Press. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this