Sign in to follow this  
General Duke

Anti-secessionist demos in SANAAG.

Recommended Posts

Banaanbax looga soo horjeedo maamulka Somaliland

oo ka dhacay dagmada dhahar ee gobolka sagaan.

 

(Dhahar)17.04-7Mudaharaad looga soo horjeedo mamulka Somaliland ayaa maanta ka dhacay dagmada dhahar ee gobolka sanaag ee mamulka puntland

 

Banaanbaxaas ay soo qabanqaabiyeen waxgaradka ku dhaqan deegaankaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka gobolka, kan dagmada, isimada, odayaasha, ururada bulshada, haweenka, dhalinyarada, ardayda, iyo dadweyne aad u farabadan.

 

Dadkii banaanbaxaasi ka soo qeybgalay ayaa ku dhawaaqyey erayo lidi ku ah maamulka Somali land sida ay noo soo sheegayaan dadkii ay ka qayb galay mudaharaadkaas.

 

Intaasi ka dib ayaan la xiriirnay gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa dagmada dhahar salad waxaana aan weydiinay waxa uu mudaharaadku uu ku saabsan yahay waxaanu uu sheegay in ay dadka degaanku ay aad uga xun yihiin maamulka Somali land ee dhawaan iyagu dhahar soo gaaray markii damena isga huleelay ciidamadaasi.

 

Sikastaba ha ahaatee dagmada dhahar oo dhawaan uu dagaal ku dhexmaray ciidamada puntland iyo kuwa Somaliland ayaa hada dagan iyadoo dadka dagmadaasina ay si buuxda u taageersan yihiin sida ay sheegeen maamulka punt land.

 

Radio widhwidh Mahamud Said Salaad Bosaso Punt land Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

When the SL troops were there, the elderly were all silent and Puntland was blaming them for welcoming the SL ministers as result of their silence.

 

They did welcome them, and today other residents there might be expressing their views, different views as always to everything.

 

Buuhoodle welcome Somaliland ministers few days ago, and now Pland ministers, to every story there is two sides to it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Bada cas-

 

Yep, there is always a flip side to the coin but GD dont seem to think to so. His propaganda has gone too much to his head i think :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax ka dhacey degmada Ceel-Buh

 

Dhinaca kalena Banaanbax balaaran ayaa maanta ka dhacay deegaanka Ceel Buh oo ka mid ah Gobolka Sanaag, banaanbaxaasi oo lagaga soo horjeeday weerarada maamulka Somaliland uu ka wado gobolka Sanaag ee deegaanada Puntland.

 

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayey ereyo lidi ku ah maamulka Somaliland waxaaana ay sheegeen inay ugu baaqayaan maamulka Somaliland in uu ciidamadiisa kala baxo deegaanada Gobolka Sanaag, sidoo kale Banaanbaxayaashu waxay si buuxda u muujiyeen sida ay u taageersan yihiin maamul Goboleedka Puntland.

 

Jaamac Yuusuf Jaamac

Share this post


Link to post
Share on other sites

You came by force and it was force that made you leave.

 

Xuddun: Mudaaharaad looga soo horjeedo Somaliland oo ka dhacay degmada Xuddun.

16. april 2007

 

Xuddun(AllPuntland)- Degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa waxaa ka dhacay mudaaharaad xooggan oo looga soo horjeedo fara galinta ay Somaliland ku hayso gobollada Sool iyo Sanaag.

 

Bashiir Axmed Xayir oo kamid ah golaha deegaanka degmada Xuddun ayaa sheegay in boqolaal qof oo mudaaharaadkan kasoo qayb galay ay diidanaayeen fara galinta maamulka la baxay Somaliland ku hayo gudaha Puntland.

 

Mudaaharaadkan waxaa goob joog u ahaa masuuliyiinta degmada iyo sidoo kale taliyeyaasha ciidamada Puntland.

 

" Reer Sool gaar ahaan degmada Xuddun ayaa soo bandhigayay maanta carada ay ka qabaan in Somaliland isku daydo inay sheegato gobollada Sool iyo Sanaag" ayuu yiri Bashiir Axmed Xayir.

 

Bashiir wuxuu sheegay dad isku soo baxay inay xireen nin dhallinyaro ah oo dadkad degmada ka tirsan, oo taageeray maamulka la baxay Somaliland.

 

Xildhibaankan ka tirsan golaha deegaanka Xuddun wuxuu sheegay in dhowr xubnood oo ka tirsan dawladda la baxday Somaliland inay maalmo ka hor soo galeen Xuddun , hase ahaatee markii dadku ay ka hor yimaadeen ay isaga carareen halkaasi.

 

Muddaaharaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamadii duullaanka soo qaaday ee Somaliland ay dib uga gurteen deegaannadii ay soo weerareen.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this