Sign in to follow this  
Jabhad

Xabasho project of Mbagathi doomed to fail IA.

Recommended Posts

Jabhad   

Buubaa oo baaqashada safarkiisa Saudi Arabia si caro leh ugu eedeeyay Dowlada KMG Somalia.

u_2d_2007-3-21-19-49-39f_bubaaaaaa.jpg

Wasiirka arrimaha dibada ee Impagati (Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa )

 

hadhwanaag 2007-03-21 (Hadhwanaagnews) Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ee Dowlada KMG Somalia Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa sheegay in Dowlada ay mas'uul ka aheyd diyaarad shalay lagu waday inuu kaga safro Baydhaba oo ka baaqatay.

 

Buubaa oo wareysi siiyay Idaacada Simba ayaa sheegay in baaqashadiisa ay ugu wacneed maamul xumo isagoo sheegay in diyaarada lacag la siiyay isla markaana ay iska dhaqaaqday xili uu ku dhawaa oo doonayay inuu raaco.

 

Buubaa ayaa ku gacan seeray in arinta ay aheyd mid qorsheysan laakin waxuu sheegay in mas'uuliyada baaqashadiisa ay iska laheyd Dowlada KMG Somalia.

 

Wasiirka arrimaha dibada Dowlada KMG Somalia ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay saraakiil Ethiopiana h oo jooga Garoonka diyaaradaha Baydhaba inay ka dambeeyeen qorshahii loogu joojiyay inuu diyaarado raaco.

 

Buubaa waxuu sheegay in safarkiisa uu ku wajahnaa dalka Saudi Arabia halkaasina uu kaga qeyb gali lahaa kulan dalalka carabta wasiiradooda arrimaha dibada ay iskugu imaanayaan.

 

Buuba oo ka gabsaday in lahadal hayo in uu rabo ama doonayo in uu iscasilo.

 

Simbanews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Gudaha, Duqa Magaalada Muqdisho & xubno kale oo laga cabsi qabo inay is casilaan

Posted to the Web Mar 21, 08:10

 

Muqdisho (PP) – Warar laga helayo ilo wareedyo ku dhow dowlada ayaa waxay sheegayaan in Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacm0-dheere), Duqa Magaalada Muqdisho Cadde Gaaboow Iyo Xasan Cabdulle Qalaad oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ay wadaan qorshayaal ku aaddan sidii ay warqado casilaad ah ugu gudbin lahaa Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul wasaare Geeddi oo labaduba ku sugan Muqdisho.

 

 

Warkaan ayaa wuxuu sheegaya in arritaan ay ka dhalatay kadib markii saddexdaan mas’uul la sheegay in loo diiday shalay gallinkii dambe inay galaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo uu shir uga socday Saddex mas’uul ee ugu sarreysa Dowladda.

 

 

Xubnahaan ayaa waxaa la sheegay in albaabka hore ee Madaxtooyada uu ka horistaagay inay galaan sarkaal ka tirsan ciidammada Dowladda oo lagu magacaabo Dhiig-sokeeye sida wararku sheegayaan.

 

 

Sarkaalkaan iyo mas’uuliyiintaan ayaa waxaa la sheegay inay dhex martay dood aad u kulul, taasoo sababtay inay markii dambe mas’uuliyiintaan ka tagaan xarunta Madaxtooyada ayna taleefoon ugu sheegaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha qaabka loola dhaqmay.

 

 

Ma jiraan wax istiqaalad ah oo ay illaa iyo hadda gudbiyeen xubnahaan, sidoo kalena ma jiraan war ka soo baxay oo sheegaya inay istiqaalada iska gudbinayaan oo aan ka ahayn wararka laga helayo xubno ka tirsan dowladda oo diiday in magacyadooda la xuso.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacm0-dheere) ayaa madaxa xubno ka tirsan dowladda oo loo xilsaaray ammaanka Magaalada Muqdisho sidii ay u sugi lahaayeen, lamana garanayo haddii uu iscasilo cidda hoggaanka u noqon doonta sugidda Ammaanka Muqdisho oo uu isagu madaxda ka ahaa.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this