Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Deeqdii caalamka

Recommended Posts

Deeqdii caalamka malaayiinta Soomaaliyeed rafaadsan loogu tala galay intee ku baxdaa? Read on.

-------------

 

Qiimihii ugu sareeyey oo lagu kala iibsanayo Xildhibaanada Baarlamaanka

 

iyadoo xildhibaanada Baarlamaanka ay maalmahan gooska dambe ay ka qoslayaan kadib markii la sheegay in ay si weyn uga faa’iideen is-haysiga u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Geedi, ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ka socda xodxodoshada iyo kulamada gaar gaarka ah ee lala leeyahay xildhibaanada Baarlamaanka, waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in qiimihii ugu sareeyey uu haatan gaaray codka Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana dhinaca Madaxweynaha lagu waramay in xildhibaankiiba uu u gaaray ilaa iyo
8-kun oo Doolar, halka Ra’isul Wasaaraha la sheegay in uu marayo ilaa iyo 10-kun oo Doolar
.

 

“Hadba dhinaca faa’iidadu noogu jirto ayaanu u janjeersaneynaa” ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo sheegay in codkiisa uu siinayo hadba meesha kharash badan.

 

--------------

 

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku Faraxsan waqtiga jiitamaya ee Khilaafka Yuusuf iyo Geeddi

 

Mar aanu khadka isgaarsiinta kula xiriirnay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo diiday in magiciis la sheego ayaa waxa uu sheegay in khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG uu yahay mid ay faa’iido weyn ku qabaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

 

“Marba marka ka dambeysa oo uu waqtigu sii dheeraado, waxaan noo sii kordha qarashka” ayuu yiri xildhibaankaasi oo sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay taxadar ka muujinayaan lacagaha ay ka helayaan labada dhinac, qaarkood waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay helaan lacag aad u fara badan, waxayna eegayaan hadba meesha ay xildhibaanadu u janjeeraan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii Baarlamaanka oo dib loo dhigay, Magaalada Baydhabo oo lacag fara badan gashay

 

Iyadoo saaka lagu waday in Magaalada Baydhabo ka furmo fadhigii Baarlamaanka ee codka kalsoonada loo qaadi lahaa Xukuumadda Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, ayaa war soo baxay xilli dambe xalay ayaa waxaa uu sheegaya in fadhigii Baarlamaanka manta yeelan lahaa dib loo dhigay.

 

Ilo wareed ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu sheegaya in Guddoonka Baarlamaanka ay si rasmi ah u sheegeen in fadhigii manta dib loo dhigay ilaa iyo amar dambe.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in Baarlamaanka uu kulmo maalinta beri oo khamiis ah, waxaase dhici karta in fadhiga baarlamaanka uu noqdo toddobaadka nagu soo aadan.

 

Dhinaca kale Lacago fara badan ayaa Magaalada la geeyay 24 saac aynu soo dhaafnay, iyadoo taageerayaasha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo kuwa Ra'iisal Wasaare Geeddi boorsooyinka kala furteen iyadoo Xildhibaan walba loo sheegayo Lacago codka lagu kala iibsanayo
.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this