Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: KULMIYE Party Condemns the UN

Recommended Posts

Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa gef iyo gardarro ku tilmaamay in Qaramada MIdoobay (UN-ku) soo abaabulo raggii burburiyay magaalooyinka Somaliland, kuna dilay in ka badan Kunton Kun oo Qof, isla-markaana dhaawacay intaa laba-jibaarkeed.

 

Hadalkan ka soo yeedhay Xisbiga Kulmiye waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ay Qaramada Miboobay sheegeen inay shir balaadhan isugu keenayaan Saraakiishii Dawlada Soomaaliya ee burburtay hogaanka sare ka ahaa si ay uga qayb-qaataan deganaanshaha soomaaliya, iyo bay yidhaahdeen inay tababaro siiyaan ciidamada.

 

Hadaba arrintan ayaa si wayn uga cadhaysiisay Mujaahidiin ka tirsanaan jiray Ururkii la dagaalamay maamulkii Siyaad Barre ee SNM, kuwaasoo hada ka tirsan Xisbiga Kulmiye hogaankiisa sare sida Mujaahid Muuse Biixe Cabdi oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Kulmiye iyo Maxamed Kaahin oo isna ah Afhayeen Xisbiga Kulmiye.

 

Waxaanay si wayn u direen talaabadaas isku dayga ah ee ay qaramada Midoobay uga digeen inay ku soo ururiso raggii dhagar-qabayaasha ahaa dambiga iyo gefka gaystay oo uu ugu horeeyo Cali Samatar.

 

Waxaanay sidaas ku sheegeen shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Xaruntooda magaalada Hargeysa hogaanka Kulmiye.

Shirkaasi jaraa’id oo uu nooga qayb-galay weriyahaga Cabdiqani Xuseen Baynax ayaa waxa nuxurkiisa arrintan la xidhiidhaa isugu biyo shubanayay qoraankan hoos ku qoran: -

“Sida aynu ognahay UN-ka Somaliland iyo Somalai, dhinaceeda waa isku dal keliya, weli umay aqoonsan Somaliland sharci ahaan, sababta aan uga jawaabayo waraysiga BBC-du soo tebisey waa saamaynta ay ku yeelan karto arrinku gobolka guud ahaan.

 

Waxaanu ugu baaqaynaa in UN-tu aanay daawo uga doonin Muqdisho kuwii denbiga ka galay shacbiga dalkii la isku odhan jirey GDS, sida gaarka ahna u buburiyey Somaliland.

Shacbiga reer Somaliland waxay la wadaagaan caalamka dareenka xasuusta buburka iyo xasuuqii soo maray dalkooda, waxa nasiib daro ah, iyadoo caalamku cambaaraynayo dhibaatooyinkii Naasigii Hitler geystey, in UN-ku ka dhagoolaynaayo burburka iyo xasuuqii loo geystey Somaliland labaatan sanno ka hor.

 

Waxa gef iyo gardarao ku ah ummada Somaliland in UN-ku soo abaabulo raggii burburiyey magaalooyinka Somaliland eek u dilay in ka badan 50000 ee qof, isla markaana dhaawacy intaa laba jibaarkeed, barakiciyey shacbiga Somaliland oo dhan, ee rub malyuun Somaliland ah ka dhigey qaxooti ku firidhsan daafaha dunida.

 

Sannadkii 1980 ilaa 1991, waa mudadii uu socdey halgankii hubaysnaa ee SNM. Waa wakhtiga ay geysteen dhibaatooyin cul culus ragga maanta Washington loogu shir qabanaya. Dhiiladu maaha, in shir la qabto iyo meesha lagu qabano ee murugadu waxay tahay ujeedadda shirka loo qabtay iyo cid hoggaaminaysa. Waan arkaynaa in Muqdisho in ciidan loo dhiso soo celiya amniga iyo kala danbeynta. Aad baanu uga xunnahay dagaalka joogtada ah, barakaca iyo xasuuqa ka socda Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Waanu soo dhawaynayanaa wixii lagu furdaaminayo mashaqada ka socota Muqdisho ee dlmi iyo gar darro aan annaga nagu hayn.

 

Shirkan Maxamed. Cali Samatar odayga ka yahay xuquuqda aas-aasiga ah ee ummada Somaliland. M. Cali Samatar waa Wasiirkii Gaashaandhiga ee bilaabay in loo adeegsado ciidankii xoogii dalka dano siyaasadeed, waa ninkii burburiyey kala danbeyntii, aqoontii iyo maamuuskii ciidanku lahaa. Labadan arrimood waxay horseedeen khilaafkii ka dhe dhacay ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed uu dagaal iskaga hor yimaado, waana halka ay ka socdaan colaadaha weli ka socda Soomaaliya.

Somaliland waxa u gaara, xasuuq iyo burbur uu ka masuul ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga ee wakhtigaas, waa ninkii bixiyey ammarkii ahaa in diyaaradihii xooda Soomaaliyeed ee duqeeey magaalooyinka Somaliland Bishii June, 1988kii. Waa ninkii bixiyey amarkii dabka naafaynta ee lagu duqeeyey magaalooyinka. Waa ninkii bixiyey fasaxa fao-xumaynta haweenka. Waxaad ogtihiin in ciidankii isaga ka ammar qanayey ee Hargeysa deganaa wixii fawaaxishka ahaa ee ay ku kacayeen in ag-agaarka xeryaha ay deganaayeen loo bixiyey CUQUBO.

 

Saraakiisha la shirinayo waxa ka mid ah kuwii fuliyey xasuuqii Jasiira, waxaana masuul ka haa Maslax Ziyaad Barre nasiib darro shirkii Jabuuti loogu soo dharaxay madaxwyne ninka BBC-da laga waraysanayey Cismaan Sheekh, waa taliyihii qaybta 26-aad ee Hargeysa, markii halgankii SNM halkii ugu adkayd marayey, Cismaan Sheekh waa ka mid raggii k aqaybqaatay gumaadkii iyo burburkii Somaliland loo geystey.

 

Waxa isweydiin leh shacabka Somaliland miyaanu la xasuuq ahayn ummadaha kal eee caalamka? UN-ku miyaanay ogeyn waxa loo geystey Somaliland? Miyaanayse ka war qabin ragga ay kool koolinayaan in ay dembiilayaal ka yihiin Somaliland. Shacabka Somaliland waxay ka sugayaan UN-ka in ay raadiso, soo qabato, maxkamad soo taagto dadkii dhibtaas u geystey, maantana waxaan cod dheer ugu sheegaynaa madaxda UN-ka inay dadkii ummada xasuuqey ee burburiyey soo taagaan maxkamadaha loogu tallo galay dembiilayaash dagaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this