General Duke Posted January 31, 2005 Madaxweynaha Puntland oo caawa soo saaray 3 wareegto oo cusub  Garowe :- Waxaa xafiiska Madaxtooyada Puntland galabta laga soo saaray 3 wareegto oo muhiim ah oo khuseeya Guddiga Musiibooyin, Arrimaha Canshuuraha iyo Magacaabida Hanti dhawrka Guud.  Wareegtada 1aad ayaa ayadu ku socota magacaabida Hanti dhawrka Guud ee Puntland ayadoo u qorneyd sidatan:   Xeer Madaxweyne No: 05 Sabti 29, Janaayo 2005  Madaxweynaha DGPL  Markuu arkay dastuurka DGPL  Markuu arkay  Habaca galey Hawlihii Hanti Dhawrka  Markuu Garowsadey  inay lagama maarmaan tahay in khibrad lagu socod siiyo hawlaha hanti dhawrka  Markuu tixgaliyey  Daruufaha ay Puntland mareyso iyo baahida loo qabo tayeynta hanti dhawrka  wuxuu xeeriyey  In Gudoomiyaha Hay'ada Hanti dhawrka guud ee dawlada loo magacaabo Yuusuf Macalin Ibraahim  Nuqul ka mid ah Wareegtada oo la soo gaarsiiyey Idaacada SBC ayaa waxaa ku saxiixan  Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse   Wareegta labaad ayaa ah mid ku socota hay'adaha canshuurta qaada iyo ciidamada laguna ogeysiinayo in aan wax canshuur dhimid ah ama canshuur dhaaf ah loo fidin karin hay'adaha laga qaado canshuurta marka laga reebo hay'adaha mucaawinooyinka iyo horumarka Puntland ka shaqeenaya.  Wareegta 3aad ayaa la xariirta bedalaad ama isku shaandheyn lagu sameeyey Guddigii Musiibooyinka oo uu horey u magacaabay Madaxweynaha ayadoo xubno cusub loo magacaabay Guddigaasi.  Waxayna kala yihiin:   Madaxweyna DGPL  Markuu arkey Dastuurka Puntland  Markuu tixgaliyey masiibada ka dhalatey fataahada Badda  Markuu arkey dhibaatada ku dhacdey dadkii ku noolaa deegamadaas  Markuu garwaaqsadey sida ay lagama maarmaan u tahay in si deg deg ah wax looga qabto u hawlgalka xanaanadda iyo gurmashada dadkaas tabaaleysan.  Wuxuu dib u magacaabey  Gudiga ka hortaga masiibooyinka dabiicaga iyo gurmad deg deg ah ee qaran.  Gudigu wuxuu ka koban yahay  1. Madaxweyne ku xigeenka DPLG -------Gudoomiye  2. Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga --Xubin  3. Wasiirka Qorsheynta ---------------Xubin.  4. Wasiirka Caafimaadka --------------Xubin  5. Wasiirka Hawlaha Guud -------------Xubin  6.Wasiirka Kaluumeysiga---------------Xubin  7.Wasiirka Dawladaha Hoose -----------Xubin  8.Wasiirka Waxbarashada --------------Xubin  9.Wasiirka Warfaafinta ---------------Xubin  10.Agaasimaha Guud ee caafimaadka ----Xoghaye   Waxaa kale oo madaxweynuhu ku tilmaamey wareegtadiisa in la magacaabi doona gudi farasamo oo ka kooban Agaasimayaasha guud ee wasaradaha kor ku xusan, Hay'adaha caaliamiga ah iyo ururka bsiha cas oo uu gudoominayo agaasimaha guud ee caafimaadka.  Waxaa kale oo hawlgali doona gudiyaal goboladda aafobey ah oo ay madax ka yihiin gudoomiyahaasha gobolaadaas  Wareegtan oo nuqul ka mid ah uu soo gaarey Idaacada SBC ayaa waxaa ku saxiixan  Madaxweynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi. Quote Share this post Link to post Share on other sites