General Duke Posted July 22, 2008 MA DHABBAA SHIR KA DHACEY CEELASHA BIYAHA IN LAGU DILAY TALIYIHII WAQOOYIGA MUQDISHO EE AL SHABAAB?.. JULY 19 2008 Radiofreesomalia.com Sida uu sheegay Mas'uul sare ee ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Somaliya oo ku sugan wadanka Jabuuti, codsadeyna inaan magaciisa la sheegin, ayaa caddeeyey in bishan July 18, 2008. Shir qarsoodi ah oo aay ku yeesheen Madaxda sar sare ee Al Shabaab, Ceelasha Biyaha ee gobalka Sh/ Hoose uuna shir guddoominaayay Sheekh Yuusuf Siyaad ( Indhacade), in lagu Dilay Taliyihii Al Shabaab ee waqooyiga Muqdisho oo magaciisa la oran jirey Marxuun Cabdulqaadir Muxumad Maxamuud ( Kobo-geed) oo sida la sheegaayo dhowrkii sano ee la soo dhaafay Al Shabaab uga ahaan jirey Taliye aagga Waqooyiga Muqdishu. Warar, is-qilaafsan waxay sheegayaan in sababta loo diley marxuunkaan aay tahay jabkii Al Shabaab ka soo gaarey dagaaladdii ka dhacey Warshedda Baastada, Warshedda Xeyle Bariise, Ceymiska iyo aagga Suuqa Xoolahya Bishaan July 17, 2008. Jabkaas oo lagu soo bandhigay qalabka warbaahinta ee gudaha Soomaliya. Warar kale waxeey sheegayaan in marxuunka looga shakiyey in uu xiriir toos ah la lahay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaliyeed, Sharfane Halyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aay isku heyb dhow ahaayeen marxuunka la diley. Wararku, waxaay intaas ku daraayaan in uu Sheekh Yusuf Siyaad ( Indhacadde) ku hanjabey ciddii aay ku caddaato inaay xiriir toos ah iyo mid dad-banba la leedahay garabka Isbaheysiga dib uxoreynta ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sh. Axmed in qoorta laga jari doono. WarsaameYusuf@hotmail.com RFS _ Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites