Sign in to follow this  
Sky

Important Swedish Delegation Headed By An MP In Gaalkacyo

Recommended Posts

Sky   

Gaalkacyo: Xildhibaan baarlamanka Sweden ahna madaxa hay’adda Gothenburg Initiative iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Gaalkacyo

 

Gaalkacyo (AllPuntland)- Wafdi uu hogaaminayo xildhibaan kasocda dawladda Sweden ahna madaxa guud ee hay'adda Gethenburg Initiative oo lagu magacaabo Lars Jonhanson isla markaana ay wehelisay haweenay madax u ah Cusbitaalka guud ee magaalada Boras ee dalka Sweden Ingela Turguvan ayaa lagu soo dhaweeyey degmada Gaalkacyo.

 

MP1.jpg

Madaxa guud ee hay'adda Gethenburg Initiative ee Sweden Lars Jonhanson

 

Wafdigan ayaa waxay markii ay soo gaareen magaalada Gaalkacyo booqdeen xarunta maamulka gobolka Mudug oo uu kusugnaa guddoomiyaha gobolka Mudug Sheekh Daahir Jaamac Nuur , waxayna kawada hadleen arimaha horumarinta gobolka Mudug.

 

Lars Johanson ayaa wuxuu tilmaamay inay u yimaadeen gobolka Mudug inay sii ambo qaadaan hawlihii ay kawadeen magaalada Gaalkacyo oo ahaa waxbarasahda isla markaana ay ku daraan inay kulug yeeshaan horumarinta caafimadka gobolka Mudug.

 

Bidix__Dr_Cabdi_Jaamac__Porf_Axmed_Xusee

Bidix, Dr Cabdi Jaamac, Prof Axmed Xuseen Qureex iyo Prof Maxamed Nuur Salaad

 

 

Guddoomiyaha gobolka Mudug Sheekh Daahir Jaamac Nuur ayaa tilmaamay inuu aad u soo dhawaynayo qorshaha ay wafdigani wadeen oo uu yahay mid uu aad ugu riyaaqayo.

 

Wafdigan waxay intaasi kadib booqasho ku tageen Cusbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay isu duwaha guud ee caafimaadka gobolka Mudug Prof: Axmed Xuseen Qureex iyo maamulaha Cusbitaalka C/risaaq Taabilo,waxayse kulan wada jir ah la qaateen masuuliyiin uu kamid yahay Prof: Maxamed Jaamac Salaad.

 

Dhaqaatiirta_Caafimaadka_iyo_wafdiga_ka_

Wafdiga Sweden iyo masuuliyiinta gobolka Mudug

 

Ingela Tuvegran oo madax u ah Cusbitaalka guud ee magaalada Boras ee dalka Sweden ayaa warbixinno ka dhagaysatay dhammaan masuuliyiinta caafimaadka gobolka Mudug taasoo u badnayd in loo baahan yahay in wax laga qabto arimaha caafimaadka gobolka.

 

Mrs: Turegran waxay tilmaantay in ay diyaar u yihiin inay wax la qabtaan bahda caafimaadka gobolka Mudug iyo waliba guud ahaanba Puntland , ayadoo tilmaantay inay wax la qabtaan cusbitaallo ka jira dalalka Burkina Faso iyo Jordan.

 

Waxay tilmaantay inay diyaar u yihiin inay wada shaqayn la yeeshaan bahda caafimaadka gobolka isla markaana ay dalka Sweden geeyaan dad wax usoo barta gobolkooda.

 

Intaasi kadib waxay booqdeen masuuliyiintan Cusbitaallo gaar loo leeyahay oo ay kamid yihiin Norway Hosbital iyo waliba Cusbitaalka kale ee Dhagacadde , halkaasi oo ay kormeereen sida ay hawluhu u socdaan.

 

Kormeerkoodii ugu danbeeyay ayay waxay ku tageen dugsiga farsamda ee ay gacanta ku hayso hay'adda Gotthenburg halkaasi oo ay ka socotay hawlo badan oo ay wadeen ardayda kala duwan ee iskuulka oo qaarkood casharo baranayay halka qaarkoodna ay ku jireen farsamada toornada.

 

Maamulaha guud ee hay'adda Gothenburg Lars Johanson ayaa warbixin dheer ujeediyay ardaydii casharadu u socdeen wuxuuna usheegay in haatan uu soo gabo gaboobay wajigii koowaad ee waxbarashada ay wadday hay'addu, loona gudbayo waji labaad oo ka ballaaran oo noqon doona saddex sano oo kale oo waxbarasho ah.

 

Wuxuu sheegay in lagu soo siyaadin doono maadooyinka Caafimaadka , Korontada iyo qaybo kale oo ka tirsan waxbarashada taasoo ay ku talo jirto hay'addu inay fuliso.

 

C/casiis Jaamac Nugaal oo ah maamulaha Gothenburg Gaalkacyo ayaa AllPuntland u sheegay in qorshaha waxbarashada lagu tayaynayo uu yahay mid hay'adda kasoo go'ay ayna ka caawin doonto dawladda Sweden.

 

Md: Nugaal wuxuu kaloo sheegay in wafdigan ay tahay markii labaad ee ay Gaalkacyo yimaadaan asagoo tilmaamay in qorshohooda horumarineed uusan ku ekayn Gaalkacyo ama Puntland ee kaliya hase ahaatee ay doonayaan inay caawiyaan Dawladda Soomaaliya.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

 

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indeed very good news and swedish government and also the swedish organisation Diakonia thats currently building the extension of Galkayo Airport's ariival terminal should be applauded for their work in Puntland for helping the judicial system and in puntland and building almost all courts including the Puntland Supreme Court.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this