Sign in to follow this  
Liqaye

Xaalada Ceelbuur oo aad u kacsan dagaalo is daba joog ah oo ka dhacay 48 saacadood ee

Recommended Posts

Liqaye   

Ceelbuur

 

 

Degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka jireen dagaalo la iskula tegay gacmaha una dhexeeyay labadii beelood ee kal hore ku dagaalamay halkaasi ayey wararka naga soo gaaraya Ceelbuur waxey sheegayaan in dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi qaarkood dhaawacooda loo soo gudbiyay dhinaca Muqdisho, wuxuuna warku intaa ku daraya in 17 qofood oo ka mid ah dhaawacaasi uu mid ka mid ah ku geeriyooday wadada, halka kuwii kalena la keenay isbitalaada magaalada Muqdisho.

 

Dadka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud & deegaanka Guri ceel ee gobolkaasi ayaa walaac xoogan ka muujiyay dagaalka ka soo cusboonaaday Ceelbuur waxeyna baaq u soo jeediyeen beelaha ku dagaalamaya halkaasi iyaga oo baaqooda ku xusay in beelaha ku diriraya Ceelbuur ay googol nabadeed ugu fidinayaan Guriceel.

 

Dhinaca kale, siyaasiyiinta & odayaasha u dhashay labada beelood ee ku dagaalamaya Ceelbuur kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa iyaguna wada dedaalo lagu damimayo dagaaladaasi, waxeyna soo jeediyeen in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo xabada.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this