Sign in to follow this  
Wiilo

Ciidamada Tikreega ee kusugan Dhulka Soomaaliya oo islaan 60-jir ah ku kufsaday tuula

Recommended Posts

Wiilo   

Ciidamada Tikreega ee kusugan Dhulka Soomaaliya oo islaan 60-jir ah ku kufsaday tuulada Qansax Oomane.

 

Baydhabo, 05-December-06 ( Qaadisiya.com) Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay xaqiijinayaan in Ciidamada Tikreega ee kusugan qeybo kamid ah Gobolka Baay ay Gelinkii dambe ee Maanta kufsi kula kaceen Haweeneey da'a oo gaareya Sanadkeeda 60-sano.

 

Haweeneydaasi ayaa lagu soo waramayaa in saf ay ka mareen Ciidamada Tikreega ah (Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun), waxaana sidoo kale Ciidamada Tikreegu ay cuna qabateyn kusoo rogeen dadka kudhaqan Tuulooyinkaasi.

 

Dadweynaha kudhaqan Tuulada Qansax Oomane oo u dhaxeysa Bardaale iyo Yurkud oo katirsan Gobolka Baay ayaa sidoo kale waxaa lagu amray in aysan ka iibsani Karin Magaalada wax kabadan rubac Sonkor ah, taasi oo ay ku micneeyeen in ay u geynayaan Muslimiinta hawdka ku dhuumaaleysanaya waa sida ay dadka deegaanadaasi u sheegeen.

 

Dhinaca kale Ciidamada Tikreega waxa ay ka Afduubteen Bardaale Wadaad lagu magacaabo Sheekh C/llaahi oo ay ku sheegeen in uu katirsan Yahay Muslimiinta Soomaalida isla markaana aanan la ogeyn halka ay la aadeen.

 

Dhibaatooyinkani ka dhacay Gobolka baay gaar ahaan Goobaha ay kusugan yihiin Ciidamada Tikreega ah ayaa waxaa u ogolaaday in ay sidani waxyeelaan Dowladda Kumeel gaarka ah oo iyadu sheegata in ay Shacabka Soomaaliyeed wakiil ka tahay isla markaana ay horkacayaan Col.C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi.

 

Shacbiga kudhaqan Gobolada Dalka oo idil ayaa markii uu soo gaaray warkaasi durba ka muujiyay arrintaasi carro aad u daran, waxayna ballan qaadeen in Dhowaan Inshaa Allaah laga xureyn doono Guud ahaan Ciidamada Tikreega ee Xoogga kujooga Dhulka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Baay.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo Dhibaatooyinkani oo kale ay ka geystaan Ciidamada Tikreega ah Gobolka Baay, waxay horey u soo dhigeen Meydka Haweeney wadada aadan Manaas illaa Degmada Baydhabo, waxaana sidoo kale jira Dhbaatooyin kale oo aad u fara badan oo ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

 

Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa horey u balan qaaday in ay ka xureyn doonaan Gobolka Baay meelaha ay kaga sugan yihiin Ciidamada Tikreega lakin waxa ay intaasi raaciyeen in Gudaha Baydhabo laga doonayo Shacabka kudhaqan in ay kacdoon ka abaabulaan oo ay iska dhiciyaan Tikreegu iyaguna markaasi ay garab siin doonaan Inshaa Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo la sheegey in ay qabaan Cudurka AIDS-ka..

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiyaan ee tirada badan kuna sugan Magaaladaasi ay intooda badan ay qabaan Cudurka AIDS-ka, Ciidamadaan oo haatan ku dhexmilmay Bulshada ku nool Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay keeni karta halis Cudurka AIDS-ka uu si Ba’an ugu faafo Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeed ayaa horay uga digay in haddii Soomaaliya la keeno Ciidamo shisheeye ay imaan karto in Soomaaliya ay hoy u noqoto Dadka qaba Cudurka AIDS-ka.

 

AIDS-ka iyo ETHIOPIA

 

»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million

»AIDS inta u dhimatay: 120,000

»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000

 

 

Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.

 

Xiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

 

Ciidamada Itoobiaya ee soo galay Soomaaiya ayaa waxaa si Aad ah u cabaan Khamrada, iyo Maandooriyaasha kale ayadoo Magaalada Baydhabo Ciidamada Xabashida ee ku sugan aysan la gamban cabista Khamrada waxaana Magaalada Baydhabo haatan laga furay Dukaamo lagu Iibiyo Khamradaasi, waxaana Magaalada Baydhabo ku qul-qulay intii cuni jirtay qaadka iyo kuwa ka ganacsada Maandooriyaasha waxayna Dadka qaarkii ay sheegeen in haddii ay is biirsadaan Ciidamada Itoobiya iyo Dadkaan ee keeni karto halis aad u balaaran oo ku dhacda Shacabka Soomaaliyeed.

 

Maalintii shalay waxay ku beegneyd maalinta Cudurka AIDS-ka waxayna ku soo beegmatay xilli ay Soomaaliya ay ku soo qul-qulayaan Ciidamo shisheeye oo intooda badan qaba Cudurka AIDS-ka ayadoo Dowladaha dariska la’ah Soomaaliya uu si aad u dilooday Cudurka AIDS-ka ayadoo la ‘ogyahay in Soomaaliya Xudduudaheeda ay yihiin kuwa iska furan oo cidkasta ay iska soo gali karto.

 

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan qaar ka mid ah Gobalada Dalka ay yihiin kuwa si xun ula dhaqma Shacabka Soomaaliyeed, waxayna waxgaradka iyo Culumada ugu baaqay in aysan u dhawaanin goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya, sidoo kale waxaa Shacabka Soomaaliya loo soo jeediyey in ay ku dhagmaan Diintooda taasoo ay sheegeen in ay kaga badbaadi karaan halista Cudurka AIDS-ka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this