Sign in to follow this  
Jacaylbaro

END OF SHARIF ERA ...

Recommended Posts

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD oo ku dhawaaqay waqtiga ay uga egtahay dowladda KMG

 

 

Aarannews(Nayroobi) War ay si wadajir u soo saareen Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa waxa ay ku sheegeen in waqtiga dowladda KMG Soomaaliya ay ku eg tahay bisha Agosto ee sanadka 2011, taas oo ah bay yiraahdeen wax sanad ka yar isla markaana looga baahan yahay dowladda KMG in muddadaas ay ku qabato dowladda KMG howlaha horyaala.

 

Saddexdaasi Hay’adood ayaa waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin khilaafka ku yimid madaxda dowladda KMG iyo kala qaybsanaanta hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya oo ay sheegeen in laga dhaxlayo khasaaro iyo burbur dowladda ku yimaada.

 

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ay soo saareen saddexdaasi dhinac ayaa waxay xuseen in booqasho ay ku tageen magaalada Muqdisho dhawaan Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga, Ergayga khaaska ah ee komishanka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Boubacar Diarra iyo Ergayga u qaabilsan IGAD arrimaha Nabaddaynta iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Kipruto Arap, isla markaana ay la kulmeen Madaxweyne Sheekh Shariif kana wada hadleen khilaafka isaga iyo Ra’isal wasaarihiisa isla markaana ay sheegeen in wax natiijo ahi ay ka gaari waayeen.

 

“Waxaan madaxda dowladda KMG ugu baaqeynaa inay isku duubnaadaan, isla markaasna diiradda saaraan arrimaha ammaanka iyo howlaha qabyada ah ee u yaala, iyadoo lagu jiro waqti aad xasaasi u ah” ayay ku yiraahdeen saddexdaasi ergay baaqa ay sida wadajirka ah u soo saareen.

 

“Waxaa muhiim ah inaysan meesha ka bixin qorshayaasha iyo howlaha lagu tayeynayo hay’adaha dowlada KMG, dhamaadka wakhtiga ku meel gaarka ah wuxuu fursad u siin doonaa Ummadda Soomaaliyeed inay iyagu go’aan ka gaaraan marxaladda siyaasadeed ee dalkooda, balse howl badan baa ka horeysa inta aan wakhtigaasi la gaarin” ayey mar kale yiraahdeen saddexdan mas’uul.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this