Sign in to follow this  
Gabbal

Reer Kismaayo oo 100 Milyan oo Shillin Soomaali ah ugu deeqay Dad Muqdisho.

Recommended Posts

Gabbal   

Reer Kismaayo oo 100 Milyan oo Shillin Soomaali ah ugu deeqay Dad Muqdisho ka barakacay oo ku sugan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

 

Arbaco, December 26, 2007(HOL): Qeybaha kala duwan ee ku dhaqan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay lacag dhan 100 Milyan Shillin Soomaali ah waxay ugu deeqeen dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku sugan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

 

Lacagtaas oo ay iska soo uruuriyeen Odayaasha, Culumaa’udiinka, Ganacsatada, Mas’uuliyiinta Magaalada Kismaayo iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan magaaladaas ayaa waxaa loo qeybiyay kuwa ugu nugul 400 qoys oo ku dhaqan xero qaxooti oo loogu magac daray Alle-magan, taasi oo ku taala deegaanka Xaawo Cabdi.

 

Dadkii deeqdaas la guddoonsiiyay oo ay u hadleen Xasno Xuseen Xasan iyo Axmed Xasan ayaa waxay u mahadceliyeen Dadka Magaalada Kismaayo oo ay sheegeen in ay soo gaarsiiyeen kaalmo ay u baahnaayeen, waxayna Allaah uga baryeen in uu siiyo bedel kheyr leh.

 

Shiikh C/llaahi Daa’uud Cumar oo Kismaayo uga yimid in uu deeqdaas lacageed soo gaarsiiyo dadka ka barakacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lacagtaas soo uruurinteeda ay ku suurtagashay in ay 19 Masjid oo Kismaayo ku yaala ay baaq uga jeediyeen dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo, kuwaasi oo ay ka codsadeen in ay u gurmadaan dadka ka barakacay magaalada Muqdisho.

 

Shiikh C/llaahi waxaa uu sheegay in dadka Kismaayo oo uusan kala soocin ay iska soo uruuriyeen lacagta intaas la eg, wuxuuna tibaaxay in ay dadka Kismaayo garteen in ay u gurmadaan Dadka ku barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyadoo ay jiraan sida uu yiri dad tabaaleysan oo ku sugan Magaalada Kismaayo iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobollada Jubbooyinka.

 

Si kastaba arrinta ha ahaatee, Deeqda lacageed ee maanta la soo gaarsiiyay Dadka ku barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa la oran karaa waa mid loogu abaal-guday dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo iyagu intii aysan dhibaatada ku dhicin u gurman jiray Dad ay waxyeeleeyeen Abaaro iyo Fatahaado ka dhacay Soomaaliya, iyadoo la xusuusan yahay in lacago ay iska uruuriyeen dadka Muqdisho Raashin iyo Dawooyin loogu iibiyay Dad ay saameeyeen abaaro ka dhacay Koofurta Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this