Sign in to follow this  
me

TFG soldiers kill civilians in a mosque.

Recommended Posts

me   

Qasaaraha ka dhashay dagaalo maanta ka dhacay degmooyinka Dharkeenlay iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo sii kordhay.

Posted: 6/2/2009 10:21:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

 

Waxaa sii kordhay qasaaraha dagaalo xogan oo maanta ka kala dhacay degmooyinmka Yaaqshiid iyo Dharkeenlay ee koofurta iyo Galbeedka Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.

 

 

 

Inta la ogyahay kudhawaad 10-ruux ayaa ku dhimatay in ka dhown 70-qoofoodna waa ay ku dhaawacmeen dagaaladii maanta ka kala dhacay degmooyinka Dharkeenlay iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

 

 

 

3-qofood oo ka mid ah dadka dhintay ayaa waxaa la sheegay in ciidamada dowladdu ay ku dileen gudaha masaajid ku yaala xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenlay iyagoo sidoo kale halkaasi ku dhaawacay 7-ruux oo masaajidka ku sugnaa kadib markii ay rasaas ku fureen masaajidkaasi.

 

 

 

Sidoo kale dadka dhintay ayaa waxaa ku jira labo qofood oo ka mid ahaa dhinacyadii dagaalamay iyadoo inta kalena ay ahaayeen dad rayid ah sida uu shabelle u sheegay Goobjoge ku sugan Degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.

 

 

 

Saraakiisha gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa waxaa ay sheegeen in ay xaafadaha degmooyinkaasi ka qaadeen dhaawacyo gaaray ilaa 60-ruux kuwasi oo madaafic iyo rasaas kalaba ay guryahooda ugu tagtay.

 

 

 

Cusbitaalada keysanay iyo Madiina ayaa waxaa la geeyay dhaawacyo fra badan oo ku waxyeeloobay dagaalada ka jira magaalada Muqdisho iyadoo saraakiisha Caafimaadku ay sheegeen in ay iska soo daba dhacayaan dhaawacyada wax ku noqonaya dagaalka

 

 

 

Gudoomiyaha degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir Macalin Cabdule ayaa waxaa uu shabelle u sheegay in aysan jirin dad ay si bareer ah u dileen ciidamada dowladda islamarkaana ay haatan la wareegeen dhaman gacan ku heeynta degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.

 

 

 

Majirto wali wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya kaasoo ku aadan la wareegida ciidamada dowladad ay maanta kala wareegeen gacan ku heeynta Saldhiga galbeed ee Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Goobaha ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa haatan waxaa ay u muqdaan kuwa degan inkasta oo wali meelaha qaar laga Maqlayo rasaas teel teel ah.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this