Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: A Monthly Food Distribution in Sool

Recommended Posts

Hargaysa (QaranNews)-Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane, Cabdillaahi Ismaaciil Cali Cirro, ayaa shaaca ka qaaday in bil kasta ay dadka danyarta ah ee gobolka Sool loo qaybin doono 80 tan oo raashin ah.

 

Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu sidaas kaga dhawaaqay kulan uu maanta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool kula yeeshay suxufiyiinta gobolkaasi.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in wasaaraddiisu ay hay’adda cuntada adduunka ee WFP ka dalbatay in ay bil kasta dadka jilicsan ee gobolka Sool ay u qaybiso 80 oo tan oo raashin ah oo loo qeybin doono 6210 qoys, si looga hor tago cunto yaraan soo food saarta gobolka Sool.

 

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu saxaafadda gobolkaasi ku booriyay in ay ka shaqeeyaan wixii gacan ka gaysan kara horumarinta gobolkooda, isaga oo ku dardaaray in ay xidhiidh wada shaqayneed la yeeshaan xukuumadda Somaliland, gaar ahaan maamulka gobolka Sool, waxaanu tilmaamay in xukuumaddu tababaro xirfadeed u raadin doonto suxufiyiinta ka hawl gala gobolkaas.

 

Sidoo kale, wasiirka cadddaalada Mudane Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Suxufiyiinta gobolka looga baahan yahay in ay wixii xaqaa’iq ah aanay dalka ka qarin, isla markaana qaabka ay u adeegayaan aanu u muuqan mid qabiil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this