Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Watch out ! ! ! Gen. Gabre is in town

Recommended Posts

Golaha Maxaakimta Islaamka oo Wacad ku maray in ay Jihaad la geli Doonaan Gaalada Midoobe haddii ay Dalka Ciidan soo geliyaan.

waxaa la daabacay Sat 07 Jun 2008 04: 21: 18

 

Huggaanka Sare ee Golaha Maxaakimta Islaamka Soomaaliya ayaa Shaaciyey in ay Dagaal Jihaad ah la geli doonaan Kuffaarta sheegato Qaramada Midoobe oo ah " Gaalada Midoobe".

 

 

Afhayeenka Dhinaca Siyaasadda Golaha Maxaakimta islaamka Sheikh Max'muud Shiikh Ibraahih Suuley ayaa sheegay in Mujaahidiinta Soomaaliyeed aysan raali ka ahaan doonin in Xeebaha Soomaaliya ay soo galaan Maraakiib Ajaanib ah.

 

 

 

 

 

Golaha Maxaakimta Islaamka Soomaaliyeed waxey si qayaxan u sheegeen in aysan waafaqsanayn Qaraar dhawaan kasoo baxay Qaramada Midoobe oo farayey in Ciidamada Gaalada caalamku ay geli karaan Badaha Soomaaliya si loola Diriro Burcadda Soomaalida arrintaas ayey Maxaakimta Islaamku ku macneyeen Afguubaabsi la doonayo in lagu qabsado Soomaaliya Barri iyo Badba.

 

 

 

 

 

Allaha Dhowree Sheikh Max'muud Ibraahim Suuley wuxuu ku dhawaaqay in Jihaadka Soomaaliya aan loo dhicisay karin Dano Shakhsi ah gaar ahaan in dalka ay yimaadaan Gaalada Qaramada Midoobe oo dhawaan ay Dalbadeen Isbahaysiga Taxriirka iyo Kooxda Riddada Mbagati, ugu danbeyntii huganada Maxaakimtu waxey sheegeen in ay siiwedayaan Jihaadka Alla oo waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inta ay dalka joogaan Gaalada nuuc kasta ha ahaatee

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is the last group of the opposition on the ground who still had not commented on the UN troops.

 

Alshabaab, Jabiso, Maxakiimta, are all against UN troops.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen Gebre oo soo degey Hotelka ergeda Soomaaliyeed ee shirka ka qayb gelaysa

 

 

Gen Gebre oo lagu tilmaamo inuu yahay ninka sia dadban u maamula Soomaaliya,ahana taliyaha ciidamada itoobiyaanka ee jooga Soomaaliya ayaa maanta si lama filaan ah loogu arkay Hoteelka ay degen yihiin ergada dawlada kumeelgaadhka ah ug aqayb gelaysa shirka dib u heshiisiinta,arintaasoo amakaag iyo yaab ku noqotay Soomaalida.

 

Gen Gebre oo aan la garan karin cida soo casuuntay ayaa la arkayey isaga oo kulamo dhuumasho ah la yeelanaya qaar ka mid ah madaxda dawlada,iyo kuwa Jabuuti,iyo weliba madaxda qaramada midoobay ee shirka ka qayb gelaya.

 

Ergeda ururka Xoreynta uga qayb gelaysa shirkaas ayaa qaylo dhaan ka muujiyey imaanshada Gebre ee Jabuuti iyaga oo ku eedeeyey in imaanshaha ninkaasi ay keeni karto in shirku burburo,maadaama sida ay sheegeen uu masuul ka yahay xasuuqa kumanaan soomaali ah,iyo weliba barakicinta kumanaan kale.

 

Shirka Jabuuti ayaa ilaa iyo hada la isku mari la yahay,oo qolo waliba aanay muujin wax tanaasul ah.

 

 

Afnugaal News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this