Sign in to follow this  
Jacaylbaro

BANDIIRADLEY IS GONE FOR GOOD

Recommended Posts

Bandiiradley: Xaaladda degamada Bandiiradley oo dagan.

Axad, November 12, 2006

 

 

Bandiiradley (AllPuntland)- Xaaladda Guud ee degmada Bandiiradleey ayaa sidii hore ka dagan iyada oo maanta uu dagaallo aad u kharaari ka dhacay.

 

Magaalada Bandiiradleey ayaa haatan waxaa gacanta ku haya ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho iyada oo duleedka magaalada ay ku sugan yihiin cidamada Koonfurta gobolka Mudug iyo kuwa maamulka Puntland oo iskaashanaya.

 

Ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen laba gaari oo ah nooca dagaalka, gawaari shacab ah oo ku sugnaa gudaha magaalada.

 

Ciidamada Koonfurta gobolka Mudug iyo Ciidamada Puntland ayaa waxa ay ku sugan yihiin meel si aad ah ugu dhow magaalada Bandiiradleey.

 

Waxaa haatan laga cabsi qabaa in dagaal aad u kharaari uu dhaco iyada oo labada dhinacba ay kala helayaan gurmad aad u ballaran.

 

Illaa iyo hadda lama oga khasaaaraha dhabta ah ee ay dagaaladu gaysteen, iyada oo haatan uusan wax dagaal ahi socon, balse labada dhinac ayaa waxa ay kala sheeganayaan guulo aad u waawayn iyo in ay khasaare gaarsiiyeen dhinaca kale.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this