Sign in to follow this  
Gabbal

Puntland reverting back to pre-1998 era.

Recommended Posts

Gabbal   

When will movements start becoming greater than personalities in Somalia?

 

Gaalkacyo: Wariye Ajnabi ah oo ay Kooxo Hubeysan ku weerareen Magaalada Gaalkacyo.

20. december 2007

 

APL

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Wariyad udhalatey Dalka Canada ayaa maanta lugu weeraray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ,ayagoo ay weerarkaasi ka badbaaday Wariyadaasi Ajnabiga ah.

 

Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday Wariyadaasi ,ayagoo rasaas xoog leh la beegsaday goobtii ay joogtey ,inkastoo ay difaaceen Wariyadaasi Ajnabi ah ciidamada amaanka ee ay dowlad gobaleedka Puntland ugu talagaleen sugida amaankeeda.

 

Taliyaha Kulmis darwiish ee ciidanka Puntland G/sarre Xiif Cali Taar oo ay Shabakada AllPuntland khadka telfoonka kula xiriirtay ayaa sheegay in aysan wariyadaasi soo gaarin wax dhibaato ah ,isagoo tibaaxay in ay ku raadjoogaan dadkii ka danbeeyey falkaasi/.

 

Ciidamada amaanka ee dowlada Puntland ee ku sugan gobalka Mudug ayaa dadaal dheeraad ah ka muuqday kaasi oo ay ugu jiraan soo qabashada dadkii ka danbeeyey, falkaasi amaanka gobalka waxyeelada loogu geystay.

 

"Wariyahaani waxay u joogtey deegaanada Puntland u koorgalida xaalada dhabta ah ee Puntland, waan soo qabanaynaa haddii ALLE idmo dadka ka danbeeya falalka wax lugu yeelayo dadka u yimid deegaanada Puntland howlaha shaqo... " Siddaas waxaa hadalkiisa kusii daray Taliyaha Kulmiska Daraawiishta Puntland Col. Taar

 

Talaabadan ay Kooxaha Maleeshiyaadkaa ku weerareen Wariyadan Ajnabiga ah ee maalmahaan joogtey Puntland ,ayaa ku soo beegmaysa xili deegaanada gobalka Bari lugu heysto wariye u dhashay dalka Faransiiska ayna heystaan Kooxo Maleeshiyo ah.

 

Kooxaha falalkaan ka dhacay geystay ayaa lasheegay in ay xukuumada Puntland horey uga qaaday waxyaabo ay doonayeen in amaanka Puntland ku khalkhalgaliyaan, ayagoo markaasina sida cad aan loo ogeyn waxa ay ka cabayaan.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

BOOSAASO : Wararkii ugu dambeeyay ee Saxafiga reer France ee af-duubka loo haysto

 

Boosaaso:-Maalintii shanaad ayaa Saxafi u dhashay dalka France waxaa af-duub loogu haystaa deegaanka Mareera ee gobolka Bari , kadib markii isla deegaankaasi ay ka af-duubeen saxafiga isagoo hawlo shaqo kugadajira.

 

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga xalinta afduubka Saxafigana ah ee Cadde Muuse uu magacaabay ayaa goordhawayd la soo xiriiray xafiiska Puntlandpost ee Garoowe wuxuuna u sheegay in ay rajo aad u ballaaran ay ka qabaan in la soo daayo saxafiga.

 

Wasiirku , wuxuu sheegay in ay u direen Af-duubayaasha Odayaasha beesha ay Af-duubayaashu ay ka soo jeedaan si ay uga soo daayaan.

 

Wasiirka Ganacsiga , wuxuu sheegay in aysan jirin wax madax-furasho ah oo wali laga wadahadlay, balse ay warsugayaan soo laabashada Odayaashan.

 

Qaar ka mid ah wariyaasha Boosaaso oo saxafigan ku booqday hallka lagu haysto ayaa soo sheegay in uu aad u wanaagsan yahay caafimaadkiisu oo aysan jirin wax dhibaato ah oo dushiisa ka muuqata amaba uu sheegtay marka laga reebo xoriyad-xumida uu ku jiro.

 

Af-duubayaasha , ayaa ku doodaya in u Ninkan uu dambiile yahay , waxayna dalbanayaan lacag madax-furasho ah oo aad u badan.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Uusay has essentially destroyed Puntland. I-doitic leadership and passive masses have seen to the decline of Puntland, not mention Yeey drying out all taxi revenues to feed his phantom goverment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this