Sign in to follow this  
Juje

Banaan bax ka dhacay Tarabuunka + PICS

Recommended Posts

Juje   

Banaan bax ka dhacay Tarabuunka

 

Barqanimadii Maanta ayaa markii ugu horeysay muddo 2 Sano ah Fagaaraha Tarabuunka Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho waxa lagu qabtay Banaanbax ay soo abaabuleen Midowga Ardayda Gobolka Banaadir iyo ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed.

Banaan baxayaasha ka soo qeybgalay Banaanbaxan ayaa watay Boorar dhowr ah oo ay ku qoran yihiin Halkudhigyo kala duduwan waxaana kamid ahaa halku dhigyadaas:Wado xiran Dooni meyno. Ka dhiidhi Dhibaatada Hooyada iyo Dhalaanka heysata iyo waliba ereyo kale.

Waxaa Hadalo kala duduwan ka soo jeediyey Goobta uu Banaanbaxu ka dhacaayey Xubno ay kamid ahaayeen Gudoomiye ku xigeeynka Midowga Ardayda Gobolka Banaadir Max,ed Max,ud oo halkaa ka soo jeediyey warbixin dheer oo ku saabsan dhibaatooyinka waxbarasha Gobolka Banaadir gaar ahaan saameynta Xun ee ay Xirnaashaha Wadooyinka ku yeelatay Bahda Waxbarasha Gobolka Banaadir wxuuna yiri isgoo ka hadlaya Arinkaas:”Waxaan ogaanay In 27,300 in ay wax ku baranayeen gaar ahaan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxay Sababtay in ay dhamaantood Ardadaas ay waxbarasho beelaan,waxaan Codsaneynaa in wadooyinka la furo Halbowlaha u ah Waxbarshada Dalk Soomaaliya Gaar ahaan Gobolka Banaadir,waxaan Codsaneynaa Wadooyinka Marka lafuro in Goobaha Waxbarashada dib loo furo iyagana, waxaan ka codsaneynaa ka dhiihdiya yaasha Dhibaatada Soomaaliyeed u Dhabar adetgayaashii Dhibaatada ee Waxbarashada u soo halgamay Mudada dheer oo Xaaladu adkeyd ee aan la aantood intaan oo Soomaali ah waxbarasho hesheen waxan ka codsaneynaa in ay Dib u furan Waxbarashadii”

Waxaa sidoo kale halkaa ka hadalay Gudoomiyaha Ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed Xaliimo Sh.Xuseen iyadoo dalbatay in ay Furaan Wadooyinka xiran Cidwalba oo awood u leh iyadoo arinkaa kahadleysana waxa ay tiri:”Ula jeedkaan maanta halkaan u soo istaagnay waxay tahay anagoo ka dhiidhineyno iney Xiran yihiin Iskuuladii Waxbarashada, Jaamacadihii, Isbitaaladii oo ay dhaceyso maalin kasta iney isku go,aan Gabdhihii Soomaaliyeed iyagoo Xaamilooyin ah Caruurtii Soomaaliyeed iney Shuban u baaba,aan intaasna aadan haysan wax Isbitaalo ah oo Shaqeeya inta badan, waxaanan u soo istaagnay halka kan inaan aad iyo aad uga xunahay, waxaan weydiisaneynaa Walaalaha Adraafta kala gaarka ah ee Arinkaasi Awooda iney noo furan Wadooyinka xiran, Iskoolaadka xiran, Jaamacadaha iyo Isbitaalada naga xiran.”

Banaan baxayaasha ayaa Socod dheer ku soo maray wadooyinkii Dagaalada ku xirmay kadib markii uu soo gabagaboobay Banaanbaxa, ugu danbeytiina waxaa jawi nabadeed ku soo gaba gaboobay Banaanbixa.

Banaanbaxa maanta oo lagu dalbanayey in lafuro wadooyinka xiran ayaa ku soo beegmaya Xilli horey uu shaaca kaga qaaday Dhagaxtuur oo DKG ah ugu qaabilsan Gobolka Banaadir in lafurayo wadooyinka Xiran taaso haba yaraatee aanay waxba kasoo naasa cadaan , sidoo kale waxaa jiray isbuucyadii lasoo dhaafay dadaalo ay Wadeen Odoyaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Besha ****** oo ku adanaa Furitaanka Wadada Tarabuunka oo u Xiran DKMG waxayna sheegeen in DKMG ah ishortaagtay Furitaanka Wadooyinka Xiran.

 

138.jpg216.jpg

 

315.jpg414.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this