Sign in to follow this  
Juje

Sharif oo Sharafti laga xayubiyay..!

Recommended Posts

Juje   

Shariif%20Xasan%20Sh%20Aadan.JPG

 

183 xubnood oo u codeeyey in xilka laga qaado guddoomiyaha baarlamaanka

 

Kulan la wada sugayey oo maanta ay Baydhabo ku yeesheen xildhibaano gaaraya 193 xildhibaan, ayaa la hor geeyey shir guddoonka baarlamaanka mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo socdaal ku maraya dalal ka tirsan Yurub, waxaana warbixin halkaasi laga jeediyey lagu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu jebiyey qodobo ka tirsan xeer hoosaadka baarlamaanka, waxaana markaa kadib cod la geliyey xil ka qaadis lagu sameeyo guddoomiyaha baarlamaanka.

183 xildhibaan ayaan u codeeyey in xilka laga xayuubiyo guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana uu shir guddoonku sheegay in uu sidaa ansax ku noqday xil ka qaadista lagu sameeyey guddoomiyaha baarlamaanka, iyadoo ay jireen xildhibaano gaaraya 10 kuwaasoo ka hor yimid xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana xildhibaanadaasi ka mid ahaa xildhibaan Max'ed Ibraahim Xaabsade oo ah wasiirka gaadiidka cirka & dhulka, wuxuuna sheegay Xaabsade in Soomaalidu u fududahay wax duminta, balse ay ku adag tahay in wixii la dumiyo sahal lagu dhiso.

 

xildhibaano.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this