Sign in to follow this  
Maaddeey

Beesha **** oo heshiis la gashay Wilaayada Sh.Hoose

Recommended Posts

Maaddeey   

Maamulka islaamiga wilaayada Shabeelaha Hoose ayaa taageero ka helay mid kamida Beelaha Soomaaliyeed ee degta wilaayada Shabeelaha Hoose.

 

Kadib kulan balaaran oo shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Baraawe ayay Beesha **** Hub farabadan ku wareejisay wilaayada Islaamiga Shabeelaha Hoose.

 

Munaasabadii hubka lagusoo bandhigayay waxaa ka hadlay Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda beesha **** waxayna sheegeen in ay ku diirsadeen waxqabadka wilaayada Islaamiga Shabeelaha Hoose.

 

Intaasi kadib Beesha **** waxay wilaayada gacanta u gelisay in kabadan 40 qori iyo hub kale oo loogu talagalay Jihaadka ay Mujaahidiintu dalka ka wadaan.

 

Waaliga Shabeelaha Hoose Sheekh Mux'med Abaa Cabdalla oo isna kalimad ka jeediyay Munaasabadii hub wareejinta ayaa u mahad celiyay beesha **** sida ay ula safatay Mujaahidiinta.

 

Beelaha Soomaaliyeed ee dega wilaayaadka islaamiga ah ee Mujaahidiinta maamulaan ayaa bilihii lasoo dhaafay hub iyo saanado dagaal ku taageeraya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

 

[ June 15, 2010, 12:24 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Beel ka mida Beelaha dagan Sh/Hoose oo Hubkeeda ku wareejisay Alshabaab.- 13 Jun 2010

 

Sh/Hoose:-Mid ka mida Beelaha dagan Gobolka Sh.Hoose ayaa si rasmi ah Hubkeedii ugu wareejisay Kooxda Alshabaab Gobolka Sh.Hoose.

Beesha **** oo dagan Degmada Baraawe Ee Gobolka Sh.Hoose ayaa si rasmi ah ugu wareejisay inta badan Hubkeeda Kooxda Alshabaab ee maamusha deegaanada Gobolkaasi.

 

 

Odayaasha iyo Ganacsatada Beeshaasi oo shalay Xaflad u dhigay Alshabaab saraakiishooda Sh/Hoose ayaa waxa ay si rasmi ah ugu wareejiyeen Hubkii ay lahaayeen Beesha.

 

 

Beesha **** Odayaal u hadlay ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ay taageerayaan Shareecada Islaamka iyo Howlaha ay ku tilmaameen Jihaadka ka socanaya Dalka gudihiisa.

 

 

Xaflada oo ay hadal ka jeediyeen rag can ah oo ka mid ah Beesha ayaa waxa ay u sheegeen Alshabaab in ay ku farxeen Nabada ka jirta Gobolka iyo ammaanka guud sidaasina ay Hubkeeda ugu wareejisay Xarakada Shabaab.

 

 

Gudoomiyaha Shabaab Sh/Hoose Sheekh Maxamed Cabadalla oo munaasabada hadal ka jeediyay waxa uu shaaca ka qaaday in ay ku faraxsanyihiin taageerida Mujaahidiinta sida uu warka u dhigay.

 

 

Sargaalkaasi ayaa sheegay in Hubka lagu difaaci doono shareecada Islaamka islamarkaana dalka looga xuraynayo Kooxaha Cadowga ah oo uu ula jeeday Dowlada KMG ah iyo Amisom.

 

 

Dhawaanahan ayaa waxaa socanayay qorshayaal Hubka looga dhigayo qaar ka mida Beelaha dagan Gobolka Sh.Hoose iyo deegaano kale oo shabaabka ay maamulaan taasi oo Beelo badan ay muujiyeen Hub wareejin.

 

 

Inta badan Beelaha Hubk iska wareejinaya ayaa waxa ay u dhiibanayaan saraakiil Beeshooda ka soo jeeda oo Alshabaab awood ku dhex leh taasi oo ka dhigan Hubka Beelaha oo shabaabka loo dhiibayo.

 

 

http://shacabka.net/view.php?id=8914

 

[ June 15, 2010, 12:26 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Shabeellada hoose oo lagu wareejiyay hub

 

Axad, June 13, 2010 (HOL) − Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa ka guddoomay mid ka mid ah beelaha daga degmada Baraawe ee Gobolkaas hub kala duwan.

 

Munaasabadda hubka lagu wareejiyay oo shalay oo Sabti ah gallinkii dambe ka dhacday Degmada Baraawe ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay waxgarad matalayay beesha Jiiddo oo hubka wareejisay iyo Mas'uuliyiinta Gobolka.

 

Waaliga Gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ay hubka kula wareegeen ka sheegay inay kaga mahadcelinayaan beesha hubka soo wareejisay ayna beelaha ugu baaqayaan inay ku daydaan.

 

"Beesha hubka nagu wareejisay waxay muujisay sida ay u garab-taagan tahay Diinta Islaamka, hubkanna waa mid lagu difaacayo diinta Islaamka, beelaha kale waxaan ugu baaqaynaa inay go'aankaas oo kale qaataan" ayuu yiri Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo kulanka ka hadlay.

 

Waxgarad ka tirsan beesha Jiiddo oo iyaguna ka hadlay Xafladda ayaa sheegay in hubka ay ku wareejiyeen Xarrakatul Shabaab uu yahay mid ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan Xarrakada.

 

Hubka ayaan la sheegin noociisa iyo cadadkiisa, waxaase uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Shabeellada hoose lagu wareejiyo, iyadoo Xarrakadu ay gacanta ku hayso inta badan Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this