Sign in to follow this  
The Zack

Alshabaab Warned: This Time By....

Recommended Posts

The Zack   

Yuusuf Xaaji oo digniin culus u jeediyey Al-shabaab

 

Wasiirka gaashaan dhiga dalka Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji islamarkaana ah gudoomiyaha xildhibaanada soomaalida ee Baarlmanaaka Kenya ayaa digniin kulul u jeediyey Ururka Al-shabaab isagoo sheegay in ciidamada Militeriga ee Kenya ay jawaab adag ka bixin doonaan hadii Al-shabaab ay isku daydo inay soo weerarto Kenya.

 

Wargeyska "The standard" ee ka soo baxa dalka Kenya oo soo xiganaya wasiirka ayaa qoray in wasiirku uu sheegay in Kenya aysan gacmaha ka laaban doonin hadii Al-shabaab ay isku dayaan inay soo weeraraan Kenya.

 

"Kenya waxay diyaar u tahay inay dhulkeeda ka difaacdo weerar kasta oo kaga yimaada dibada hadii Al-shabaab tahay iyo hadii dal kale uu yahayba" ayuu yidhi wasiirku.

 

Yuusuf Xaaji ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal bari dhaweyd kasoo baxay gudiga arimaha amaanka ee baarlamaanka Kenya oo dowlada Kenya ku eedeeyey in maleeshiyaad ay u taba barayso dowlada Somalia si ay uga caawiso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

 

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Somalia ay codsi waydiisatay dhowr dowladood oo Afrikaan ah si ay ugu taba baraan ciidamada militeriga Somalia.Wuxuuna wasiirku sheegay in Kenya ay dowlada Somalia u taba barayso saraakiil boolis ah.

 

Yuusuf Xaaji ayaa markii uu hadaladan jeedinayey ka hadlayey munaasabad tababar loogu soo gaba gabeeyey saraakiil militeri oo ka kala socotay Kenya, Uganda, Botswana, Southern Sudan, Zambia, German, Rwanda, Tanzania, Namibia, Zimbabwe iyo Malawi oo ka dhacday Macadka tababarka difaaca kenya(National Defence College).

 

Hadalka ka soo yeedhay dowlada Kenya ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada xadka ku taala ee Dhoobleey ay qabsadeen Al-shabaab islamarkaana ay cabsi badan ka jirto deegaanada Kenya ee ku yaala xadka kala qeybiya Kenya iyo Somalia oo ay ku soo qaxeen dad kasoo qaxay dagaalada u dhaxeeya Al-shabaab iyo Xisbu islaam.

 

Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

WAR JACAYL, DHANAN DE WAA MAGAC MAGAALO. It is located 70 kms to the north-east of Godey town.

 

Anagu tuulooyinka Ina-Nuur Muuse, Xaaji- Saalax, Maxamed Axmed, Maqaayada-inanta, Ina-Guuxaa uma bixino'de? :D

 

We say Dhanaan, God-cusbo, Af-dheer, etc etc fahan dee? :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

JB, so you've never heard of town of Dhanaan? That itself is funny. Waar waa magaalo yaroo shidan, hilib shiilan iyo caanaa lagu iibshaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Lol neither. I am not sure how the town got its name. Is it true that the small towns in NW have funnier names like AT&T suggested?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this