Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Police execute assasin who attacked Mosque

Recommended Posts

Gaalkacyo: Wararkii ugu dambeeyey ee weerar galabta lugu qaaday Culumo iyo Booliska oo sheegay in ay toogteen qofkii geystay weerarkaasi.

11. december 2009

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Taliyaha ciidamada Booliska Puntland ee gobalka Mudug G/sare Muuse Axmed C/rixmaan (Muuse Xasaasi) ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamada amaanku toogteen qof ka dambeeyey weerar qalabta lugu qaaday Culumada magaalada Gaalkacyo, qaarkood oo lugu dhaawacay, wuxuuna sheegay in ay qofkan toogteen markii uu isku dayay in uu ka baxsado ciidamada, isagoo orod ka galayay dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

 

Muuse Xasaasi wuxuu sheegay in ay doonayeen in ay qabtaan ninkan, balse ugu dambeyntii ay suuragali-weyday, isla markaasna ay toogteen ciidamada amaanku, wuxuuna Saxaafada loo soo bandhigay meydka ninkaas.

 

Saxaafada ayaa la tusay meydka oo yaala gudaha Cusbitaalka magaalada Gaalkacyo, isagoo ay ka muuqdaan rasaastii ay ku ridayeen ciidamada amaanku markii uu isku dayay in uu galo dhinaca Koonfureed ee magaalada.

 

“Ciidamadeena amaanka ee Puntland waxa ay toogteen qofkii weeraray Culumadii galabta, waxaana uu isku dayay in uu nabad galo, balse taasi waxaa ka biyo diiday ciidamada amaanka, oo toogtay markii uu sameeyey is difaac iyo carar xoog leh oo doonayay in uu galo dhinaca Koonfureed ee magaalada” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Boolisku.

 

G/sare Muuse Axmed wuxuu sheegay in uu ninkan dharaar cad weerar ku qaaday dad rayid ah, isla markaasna uu ku talo galay in uu laayo,wuxuuna sheegay in markii weerarkan dhacayay ay ciidamada dawladda Puntland ku soo wajahnaayeen meesha oo ay caadi ku marayeen, isagoo sheegay in ay dhacdadan la kulmeen oo ay sidaas galabta guul uga gaareen soo afjarida mid kamid ah ayuu yiri dad dhibaato ku hayay amaanka Gaalkacyo.

 

Gudoomiyaha gobalka Mudug, Duqa Gaalkacyo iyo Saraakiisha dawladda ee gobalka ayaa soo booqday Meydka ninkan, waxaana uu sheegay Taliyaha ciidamada Boolisku in ay ninkaas ka qaadeen Bistoolad nooca loo yaqaano Dhabo-Nacasta, isla markaasna ay ahayd mida uu ku dhaawacay dad gaarayay 3 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Wadaado.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

WAR LA XIRIIRA

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

shooting all over the place these days... in "Bari".

 

I may be the anglo saxon Somali...but these guys are surely the gypsy somali (loool). shootings of riligious men, so called politicians, judges.. etc.

 

and you claim to be different from the rest of somalia...its the same instability, maybe you should put your flag on hold and improve security and pay your police.

 

(loool)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by GAAROODI:

shooting all over the place these days... in "Bari".

 

 

(loool)

Galkacyu is in Mudug, basic geography even is difficult for you. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

you claim northern Galcacyo..as your own. duke trying to belittle some one again to make himself look good. you claim alot or has northern galkacyo fell...i can see the domino effect now. from village to village falling.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this