Sign in to follow this  
Gabbal

Jowhar falls.

Recommended Posts

Gabbal   

iidamada Ethiopia iyo Maleeshiyo Somali ah oo la wareegay Magaalada Jowhar

 

 

Jowhar 27, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Ciidamada dowladda ethiopia iyo kuwa Max'ed Dheere ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Jowhar, ka dib dagaalo qaraar oo maanta ka dhacay duleedka magaaladaasi.

 

Dagaalkaan oo geeystay qasaaro naf iyo Maalba leh, kana kala dhacay aagagga Buur-weyn iyo kanaalka Shiinaha ee duleedka magaalada Jowhar ayaa geeystay qasaaro naf iyo maalba leh, iyadoo wali ay dag tahay in la helo xog faahfaahsan oo ku aadan qasaaraha dagaalka.

 

Ciidamada maxkamadaha islaamka Somalia ayaa soo faarujiyay magaalada Jowhar, ka dib markii ay culeys soo saareen kuwa dowlada Ethiopia oo kaashanaya maleeshiyooyinka Max'ed Dheere.

 

Dagaalka ayaa haatan qaboobay, iyadoo magaalada Jowhar markii ciidamada maxkaadaha ay ka baxeen, ka hor intii aanu soo galin kuwa Max'ed Dheere ay ka dhacday bililiqo loo geeystay xafiisyadii maxkamadaha ay ku lahaayeen halkaasi.

 

Ciidamada maxkamadaha islaamka Somalia ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo ruuqaansadeen dhinaca Muqdisho.

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ciidamada Ethiooia iyo kuwa Max’ed Dheere oo la wareegay magaalada Jowhar

 

 

Mogadishu - 27-December -2006-Allceeldheer.com Dagaalo qaraar oo lagu hoobtay oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe, ka dib ayaa wararku ay tilmaamayaan in ciidamada Ethiopia oo ay la socdaan kuwa Max’ed Dheere ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Jowhar iyo degmada Mahaddaay, deegaanka Fiidow, ka dib dagaal qaraar oo ay la galeen kuwa maxkamadaha islaamka.

 

Dagaalka ayaa wali ah mid sii qaboobaya , iyadoo ciidamadii maxkamadaha islaamka ee ku sugnaa jowhar, Mahadaay iyo buuraane ay u soo baqooleen dhinaca magaalada Muqisho, ka dib markii lagaga awood roonaaday dagaal saakay waabarigii ka dhacay halkaasi.

 

 

 

Xafiiska wararka Allceeldheer London

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Max'ed Dheere oo la hadlay dadweynaha ku dhaqan Degmada Jowhar.

 

Jowhar, Arbaco 27 December 2006 Simba Radio

 

Gudoomiyihii hore ee Degmada Jowhar Max'ed Cumar Xabeeb “Max'ed Dheere” oo maanta Ciidamo Ethiopian ah oo uu watay la wareegen gaca ku heynta Degmada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa khudbad xasaasi ah u jeediyay dadweyna Jowhar ku dhaqan.

 

Gaariga uu saarnaa Max'ed Dheere markii uu soo gaaray Ajibka Magaalada Jowhar ayaa dhamaan dadweynihii ay ku wada yaaceen, iyagoo u ruxayay caleemo qoyan ilaa uu soo gaaro Xarunta Gobalka Sh/dhexe halkaasoo uu dadweyanaha ku hadlay.

 

Max'ed Dheere ayaa dadweynaha u sheegay iney u timid DF isla markaan waxii maanta ka dambeeya aysan dadweynaha maamuli dooni Maxkamadaha Islaamiga.

 

Si kastaba ha ahaatee, Max'ed Dheere oo horey caan ugu ahaa inuu kasoo horjeesto DF ayaa maanta u muuqday mid aad u taageersan DF, isagoo muddo 6-bilood laga joogo laga eryay Magaalada Jowhar.

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Well if the reports saying Balcad is captured is true, then they are 19 miles (30 km) to Mogadishu.

 

 

Ciidamada Maxkamadaha oo isaga baxay Degmada Balcad.

 

Muqdisho, Arbaco 27 December 2006 Simba Radio

 

War Deg Deg Ah

 

Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga oo waayadaan dagaalo xoogan kula jirar Ciidamada Ethiopian-ka ee taageeraya Ciidamo ka tirsan DF, ayaa maanta kasoo baxay Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

 

Ciidamada Maxkamadaha ayaa la sheegay iney u soo janjeereen dhinaca Magaalada Muqdisho.

 

Xaalada Balcad ayaa degan iyadoo halkaasi wali aysan gaarin Ciidamada Ethiopian-ka ee saakay qabsaday Degamada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

 

Waxii kusoo kordha wararkeena dambe ayaan idin kula soo soco siin doonaa.

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by NGONGE:

Heh@Silent observer. God save us when you really start to talk
:D

Why if I didn't know any better, I would say you are complimenting me by saying I am a lively individual good Ngonge. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this