Sign in to follow this  
Gaashaamo

How Nations Are Made Or Un-made.

Recommended Posts

Dear Readers,

 

This is excerpt testimony of the warriors of SNM struggle, and how mighty they endeavoured to reclaimed the once glorious freedom, whereby the people of somaliland had so easily gave away that liberty in that momentous day of 1960, and how after bitter life and death struggle, they once again return the lost "Honour" of liberty by the,...wait for it,.."The barrel of the gun,...

 

The tragedy of it, is at after a long 13 years of coruscating and self-enhancing liberty of the dearly-bought freedom, in whereby the citizens of somaliland had cherished that "Blood-Ordained" liberty" in every minute of it; after all of that sweeping saga of gigantic reality on the ground; there are people who are un-shockingly never the wiser in-terms of reality that was erected on the ground on somaliland by the barrel of the gun, that established the fact of state of somaliland; and to my eternal dismay such people are forever opining their inconsequential uttering on somaliaonline forum as to the goodness of "State" called Somali-weyn; as if the lives of the thousands sons of ours that we were gladly paid with their "Honoured" blood for the attainment of our liberty was nothing more than a negotiation Ploy so that we can have a lion share of ruling somali-weyn; it's this fundamental misconception of what the SNM was fighting for, and to whom the glory of SNM was likely to be their recipients, as well as to whom the bells will toll for any likely defeat of the SNM on the battlefield of "Destiny", which is a sight to behold.

 

This argument of the meaning of the struggle of the SNM seems to be genuinely missed by the proponents of somali-weyn ideology; and the worst thing is that the sufferers of this somali-weyn delusional mania never could recognised the struggle of SNM was far more than a "Tactical" negotiations ploys in-order to win more seats on the latest merry-go-round peace talks for somalis of the south; that ours was content to create a destiny of far greater consequences than who should rule the dead corpse of Somali-weyn state, or who should have the privilege of sitting villa somalia as the latest of the long line of decrepit leaders who shall feast on the carcasses of the dead she-camel of somali-weyn.

 

It's this tragedy of not understanding wholly and conceptually the struggle of SNM fighters, and the consequences of what fact of reality it intended to "Create" as destiny of her land, that failure to understand that basic proposition as given by the proponents of somali-weyn is so singularly unique so beguiling when one consider the lamentably self-induced delusional mania that the proponent of somali-weyn "State" are in; it honestly left me sometimes with open-mouth amusements with our former compatriots in the south when one hears that somehow they are thinking the reason we are not party to their latest merry-go-round futile negotiations in kenya, is that we are angling that much more of parliamentary seats and executive portfolios in the would-be future somali state; it's a genuinely shocking turn of affairs to ponder that for a moment that the people who hold this view fervently are generally educated somalis from the south in general who are well versed in the history and the state institutional end-results of the "Experiment" known as somali-weyn; these educated somalis the likes of baashi, xasan, honafrique, and my dear old chap Samurai warrior or perhaps jack as he was better known when he was with us in the somalilandnet forum, where we used to have this sort of jousting verbal fisticuffs; are somehow seriously thinking and even deeply believe that the struggle to create somaliland was nothing more than a desire to have more leverage on the dead corpse of the state of somali-weyn,...it really is mind boggling to say the least!.

 

Thirdly, just in the hope of thinking that some from somalia may learn the meaning and the price one pays for liberty through reading of the long shadow of the struggle of SNM, and more to the point to allow others from somaliland to reflect under the shade of the well-earned liberty that we currently enjoy in somaliland; I thought it would be befitting if I were to post this long article describing the "Road of Destiny" in which the blood of our sons were paved,...it would be a monumental honour un-payable in a thousand of years the sacrifice in which our "Fallen" at the heat of the battle that determined the destiny of state of somaliland had paid on our account, so that I, as a somalilander, living under the shade of the liberty they bought for me dearly, could held my head high-up in gratitude for the fallen of my land,..

 

Lastly, but least, here is one lesson of history, whereby the proponents of neo-somaliweyn literati and scriplers, may well be in their ideological interests to heed it's clarion call, and it's this: nations are made or unmade in the battlefield of destiny not on the negotiation tables of high diplomacy!,...(read that as the current conference talks in kenya!), and more to the point liberty not worth dying for, is not worthy of the honour of living under it's shade!,..and that is the difference between Somaliland and Somali-weyn.

 

Try to enjoy the reading the article, I am sure however fleetingly momentarily, your delusional mind saturated with somali-weyn state ideology may at least grasped the finer points of how nations are made!,..or unmade!, and further more how somaliland was not won by appealing to the sensibilities of decency of "Somalinimo" or by pen at the negotiation table at the talks; but by the sheer blood of the fallen of our cuase, and by the death of thousand of our much-missed much-beloved sons of our cherished land!.

 

Regards,

Gaashaamo.

 

 

**************************************************

 

Qormadan la magac baxday; “Goormay kuugu darnayd” waxa aanu ku soo bandhignaa sida caadiga ah dhacdooyin xusuus mudan oo la xidhiidha dhacdooyin xambaarsan dhibaatooyin iyo waayo nololeed adag, oo ay kaga sheekeeyaan dadku wixii soo maray maalmo ka mid ah noloshooda.

 

Haddaba, iyada oo qormadan aan inta badan kaga hadalno waayihihii qadhaadhaa iyo maalmihii adkaa ee dagaalka ay soo mareen naftood hurayaashii Mujaahidiintii SNM. Xilligii dagaalka lagula jiray taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre, balse waxa aan ka madhnayn in aan ku gorfayno dhinacyo kale oo la xidhiidha dhacdooyin xusuus leh oo mahadhooyin ku reebay maanka iyo nolosha dad Muwaadiniin reer Somaliland ah.

 

Sidaa daraadeed qormadan maanta ee “Goormay kuugu Darnayd”,Waxaa aanu idiinku soo gudbinaynaa waayihii Mujaahid Yuusuf Maydal Cumar, oo ka mid ahaa dhallinyaradii ugu horaysay ee ka mid noqota ururkii S.N.M ee dib u xorayntii Somaliland, isla markaana dagaalka hubaysan kula jiray Taliskii keligii taliyaha ahaa ee Siyaad Barre, ugu horayna isaga oo Mujaahid Yuusuf Maydal, ka waramaya sidii uu uga mid noqday ururkii SNM waayihii soo maray iyo maalmihii qadhaadhaa waxa uu hadalkiisii ku bilaabay sidan:-

 

“Anigu waxa aan ugu horayntii ururka SNM ku biiray Taariikhdu markay ahayd 1982-kii October, aniga oo markaa ka mid ahaa niman dhallinyaro ah oo 33 nin ahayd, waxaanu tagnay Magaalada Salaxley, oo ay markaa deganaayeen Jabhad loo sameeyay in ay la dagaalamaan Itoobiya iyo ciddii taageersan, waxaanuna tagnay halkaas, iyada oo ay Jabhaddii degganayd burburtay oo ay goobtaas yaalaan hubkii ay sidan jireen oo aanu ula talownay dhinaca Itoobiya.

 

Haddaba sababta aniga igu keliftay in aan go’aankaa gaadho kagana mid noqdo ururkii SNM, waxa ay ka dambaysay markii aniga oo degaan ku ah Magaalada Caddaadlay, la keenay ciidamadii la odhan jiray Dabar Goynta oo wakhtigaas cagta na mariyay dad iyo xoolaba, sidaas ayaan ku go’aansaday in aan ka dhiidhiyo dulmiga nalagu hayo.

 

Markii aanu Salaxley degnay ee aanu la wareegnay hubkii ay ka yaaceen Jabahadii burburtay, isla markaana burburkeeda ay sabab u ahayd ka dib, markii laga xidhay Taliyihii haystay ciidankaas oo ahaa markaas Mujaahid Cawl Cilmi Cabdalle oo markii dambe ka mid ahaa raggii laga jabiyey Jeelka Mandheera, Salaxley waxa aanu ka sii raacnay annaga oo hubaysan gaadhi wayn oo (Sabaaxa) waxaanu tagnay Magaalada la yidhaahdo Daroor, oo ay markaas uun dib ugu soo laabteen ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka qaxay dagaalkii u dhexeeyay Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya, markii aanu gaadhnay goobtii aanu u soconay waxa aanu la kulanay Saraakiishii ciidanka haystay, waxaana ay nala yeesheen waraysi ku wajahan waxaa aanu u soconay, waxaanuna sidii ugu sheegnay in aanu soo talownay oo aanu ka mid noqonayno ururkii Mucaaridka ahaa ee S.N.M sidii baanay nagu qaabileen, wakhtigaas ma jirin ciidan SNM ah oo aanu ku biirnaa, ciidamadii Itoobiyaanka oo markaas ka baqayay Jabhadihii Soomaalida, ayaa damcay in aanu ka mid noqono ciidamada Itoobiya si ay noogu yididiishoodaan baqaha ay ka qabaan weeraro kaga iman jiray dhinacii Soomaalida, laakiin, annagu maanaan oggolaan in aanu ka mid noqono Ciidamada Itoobiyaanka, intii aanu garab deganayn waxa aan xusuustaa dhibaatada naga haysatay ciidamada Itoobiyaanka is afgaransho la’aan, waayo, naguma jirin nin garanaya afka Itoobiyaanka, annaguna maanaan garanaynin in aanu nidhaahno Biyo nasiiya, haddaba maalin ayuu nin naga mid ahi oo naga waynaa kana mid ahaa ciidamadii Soomaaliya ee 1977-kii ka qayb galay dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa yidhi waar anigaa garanaya oo Af Itoobiyaanka waxaana la yidhaahdaa (Bishaan Fidi) oo ah kelmad Af Qoti ah, sidiina waxa nagu fahmay nin Itoobiyaan ah, waxaana naloo dhigay Xeradii Biyo aan u baahnayn, halkaa waxaa aanu ag daganayn Ciidamada Itoobiya muddo Bil ah waxaana ay markaa nagu odhan jireen iskaga biira Ciidankan waayo, weli, ma jiraan bay yidhaahdeen ciidan S.N.M ah oo meel degani, waxa markaa jiray laba Saldhig oo ay lahaayeen Ciidamada SNM, kuna kala yaalay Xarshin iyo Gaashaamo, sidii bay Saraakiishii Itoobiyaanka ahaa noogula hadleen Saldhiggii Gaashaamo, ka dib, waxa naloo soo diray Alle ha u naxariistee Muj. Cali Saleebaan Bide, waxaana naloo qaaday Gaashaamo oo ay markaa nagu soo dhoweeyeen Muj. Maxamed Kaahin iyo Cali Hayaan, inta aan imika ka xusuusto, goobtaa nala geeyay waxa nooga sii horaysay kooxdii la odhan jiray (Shareero) oo ka koobnayd 40 Mujaahid oo ah kooxdii uu Mujaahid Lixle hoggaaminayay ee jabiyay Jeelka Mandheera, in yar ka dib, waxa goobtii noogu yimid Alle ha u naxariistee Muj. Cabdiqaadir Koosaar, oo ahaa xoghayaha Ururka SNM iyo Cabdillaahi Askar oo ka yimid dhinaca Galbeedka, halkiina waxa ay ka kaxaysteen Mujaahidiin aan ku jiro, waxaana aanu tagnay ilaa Wardheer oo ay deganaayeen Ciidamadii Mucaaridka ahaa ee SSDF, markii aanu muddo la deganayn dib ayaanu u soo noqonay, waxaana aanu ku soo noqonay Saldhigayagii oo sii ballaadhay oo ciidan badan loo qaaday dugsigii Tabobarka ee (Baabuli).

 

Haddaba intii aanu daganayn Gaashaamo, ayaa waxa ay Saraakiishii SNM qorshaysay in aanu weerar ku qaadno Ciidankii ******ta ee degganaa Oodweyne, sidii baanuna ugu ambabaxnay Goobtaas, intii aanu sii maqnayn ayaa waxa dhacay in nin ****** ah oo haystay Ciidan deganaa Tuulada Goroyo-xun, oo ahaa Kabtan ku soo wargeliyay Taliskii SNM ee deganaa Gaashaamo in uu isa soo dhiibayo oo uu ku biirayo Ciidanka SNM, waxa uu codsaday in ciidan loo soo diro soo kaxeeya oo goobta taliska SNM keena, markaa waxa ku sugnaa Saraakiishii oo keliya iyo dhowr nin oo aan sidaasi u sii badnayn, dabadeedna waxa dhacday in ay Saraakiishii go’aan ku gaadheen in ay iyagu u tagaan inta ay qalbiga adkaystaan, waxaana ay goobtii ka sii kaxaysteen laba Gaadhi, oo mid ka mid ah uu saaran yahay Qori Jiib ah, tiradoodu waxaa ay gaadhaysay ciidankaa SNM ilaa 30 Mujaahid, oo u badan Saraakiishii SNM, waxa ka mid ahaa Cabdillaahi Askar, Cali Togdheer, Ciise Curaagte, Maxamed Kaahin, Hilaac Alle ha u naxariistee oo ahaa Sarkaalkii ugu horreeyay ee ku dhinta dagaaladaas, waxaana uu ku dhintay dagaalka lagu khiyaameeyay Mujaahidiinta halkaa maraysay, waxa markaa ugu da’yaraa Muj. Cali Geenyo iyo nin kale oo aanan imika xusuusan magaciisa, markii ay gaadheen goobtii ciidanku yaalayna halkii ay sugayeen ciidan ku soo biira oo isa soo dhiiba, waxa qabsaday weerar ballaadhan oo si sirma qabto ah ugu dhacay, halkiina waxa lagaga dilay ciidan badan waxaana laga gubay Gaadhigii Jiibka ahaa ee ay wateen ciidanka SNM-tu, intii ka soo hadhayna maalintii oo dhan Beebee ayaa ku wareejinayay Geedkii Xodayga ahaa ee ku yaalay meesha, markaa annagu weli maanaan fulin hawlgalkayagii, waxaana aanu daganayn Guba-daalaco, halkiina waxaa noogu yimid warkii weerarkii khiyaamada ahaa ee ku dhacay taliskayagii, halkii baanuna dib ugu soo noqonay ilaa aanu dib ugu weerarnay ciidankii ******ta ahaa ee Gaadmada sameeyay, halkiina waxa aanu ku dilnay Kabtankii Ciidankaa haystay.

 

Waxaanuna ku noqonay taliskayagii Gaashaamo, ka dib Mujaahid Maxamed Kaahin aniga [Yuusuf Maydal] iyo 3 Mujaahid oo kale waxa uu nagu soo daray Mujaahid Maxamed Cali, oo ka yimid dhinaca galbeedka, waxaana aanu sidii saldhig kaga furanay Magaalada Daroor taariikhdu markay ahayd 1983-kii, waa markii Cabdillaahi Askar uu soo galay Magaalada Hargeysa ee lagu qabtay.

 

Inkasta oo aan la soo koobi karayn dhammaan wixii soo dhacay ama dhacdo la soo maray way adkaanaysaa sida looga dabaalan karaa, laakiin, in yar laga taataabto kama fursanayso, haddaan soo qaato dagaaladii aan intii hore ka soo qayb galay waxa ka mid ahaa dagaalkii Burco Duuray, oo aan ku dhaawacmay iguna soo gaadhay dhaawac sahlani waxa uu dagaalkaasi ahaa mid uu xusuusan karo qofkasta oo ka mid ah dagaalyahaniintii SNM, ee ka qayb galay dagaalkaa, waana dagaalkii uu ku dhintay Halyeygii waynaa ee Mujaahid Lixle, waxa kale oo isna dhaawac culusi ka soo gaadhay Mujaahid Quule, oo aanu imika isku meel ka wada shaqayno”. Haddaba innaga oo weli ku gudo jirna sheekadii uu kaga waramayay waayihii soo maray iyo maalmihii qadhaadhaa Mujaahid Yuusuf Maydal ayaa isaga oo si gaar ah u sii tilmaami doona maalintii ugu darnayd intii uu ku soo jiray halgankii hubaysnaa ee ururkii SNM, kula jiray dawladdii keligii Taliyihii Siyaad Barre ayaa Muj. Yuusuf Maydal, waxa uu yidhi; “Intii ka dambaysay 1984-kii waxa aan ka mid noqday ciidankii la odhan jiray Sayid Cali, wax aan ilaa hadda si gaar ah u xusuustaa dagaalkii 1988-kii lagu soo galay wadanka gudihiisa, waxa aan ka mid ahaa guutidii Sayid Cali, waxa aanu galnay May, 29, 1988-kii Caddaadlay oo aanu qabsanay, waxaana aanu halkaa isugu nimid Guutadii Sayid Cumartii Bariga ee uu haystay Muj. Maxamed Cali, waxa aanu wada weeraray oo jabinay Jeelkii Mandheera, ka dib Maxamed Cali, waxa uu u kacay Burco, annaguna waxa aanu nimid Magaalada Hargeysa.

 

Haddaba markii aanu soo gaadhnay Magaalada Hargeysa, waxa aan aad u xusuustaa dagaalkii iigu qadhaadhaa, isla markaana ahaa dagaalkii iigu ballaadhnaa ee aanu ku qaadno ciidamadii Cadowgii ******ta, ee naga soo horjeeday ee degganaa Warshadda Kabista, dabada Caddaada iyo Nawaaxigeeda, maalintaa waxa ay xabadu ku dhacday ilaa 110 Mujaahid oo dhowr iyo toban dhaawac aan ku jiro Mooyee intii kale wada dhinteen.

 

Aniga (Yuusuf) waxa ay xabadu igaga dhacday Jilibka Lugta Bidix, ka dibna waxa la ii qaaday ilaa xaruntii dhaawaca ee Geeddeeble, waxa geed nala wada dhigay 37 Mujaahid oo wada jajaban, balse ninba maalin u darane, waxa ay iigu darnayd maalintii ay Diyaaradii na soo weerartay annaga oo jiifna Geedkii, oo dhaqaaq kale iska daayoo gurguurashadu dirqi nagu tahay.

 

Waxa Gantaal ay nagu soo riday ku dishay 35 Ruux oo isagu jiray dadkayagii dhaawaca ahaa iyo kalkaaliyeyaashii Caafimaadka, ee dhaawac dhayayay.

 

Anigu nasiib wanaag waxa aan ka mid noqday dadkii ka badbaaday Gantaalkaasi, balse khasaarahiisu wuu I saameeyay, waxaana dib ii kala dhacday Lugtii I kabnayd, ka dib, markii aan si naf la caarid ah aan isugu dayay in aan gurguurto, oo aan u hadafo meel aan ku badbaado”. Yuusuf oo kaftamaya, waxa uu hadalkiisa ku soo qaatay in Diyaarada maalintaa soo weerartay aanu garanaynin in ay tahay iyo kale; “Diyaaradan maanta xusuusta ah ee Maayorkii hore ee Cawl saaray Taalada Fagaaraha Khayriyada Hargeysa Dusheeda”.

 

Mujaahid Yuusuf oo hadda u dhutinaya dhaawacii Lugta ka soo gaadhay, waxa uu sheegay in aan dib loo kabin Lugtiisii sidii ay maalintaa Diyaaradu na soo weerartay u kala dhacday ee uu iska bogsaday”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this