Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Muqdisho oo maanta holceysa,dowladda iyo Amisom oo goobo hor leh kala wareegay mucaar

Recommended Posts

Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxay maanta la-foolaneysaa dagaalo xoogan oo u dhaxeeya kooxaha ku hardamaaya gacanta ku haynta caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Dagaaladda ayaa waxay xoogoodu ka socdaan waqooyiga magaaladda Muqdisho, gaar ahaan degmada Boondheere, isla-markaana dagaaladda ayaa yimid kadib markii ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom ay soo qaadeen weeraro qorsheysan oo wax badan laga soo shaqeeyay.

 

Dagaaladda ayaa waxay yihiin kuwo fool ka fool ah, isla-markaana madaafiic xoogan ayaa waxay kasoo dhacaayaan fariisimaha ay ciidamadda Amisom ku lee-yihiin magaaladda Muqdisho, sida Xaruunta Xalane, Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somaliya iyo Bangigii Dhexe ee Ganacsiga.

 

Ciidamo xoogan oo ka tirsan dowladda iyo kuwa Amisom ayaa waxay dagaal dhulka ah ay ku qaadeen fariisimo ay Xarakada Al Shabaab ku leedahay waqooyiga magaaladda Muqdisho gaar ahaan degmada Boondheere oo aagag dagaal noqotay.

 

Dagaaladda maanta ka soconaaya magaaladda Muqdisho ayaa waxay kamid yihiin kuwii ugu xooganaa ee soo maara caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, isla-markaana goobaha ay ku sugan yihiin ciidamadda Amisom ayaa waxaa kasoo daadanaaya madaafiic aad mooddo in oodda laga qaaday.

 

Sidoo kale madaafiicda ay maanta hurgufaayaan ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom ayaa waxaa qeyb weyn ka qaadanaaya ciidamo u daacad ah Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” oo qibrad u leh dagaaladda noocaanoo kala ah.

 

Dhanka kale ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa iskaga baxay fariisimo ay dhufeyso waaweyn ku lahaayeen, kadib markii ay soo food saartay awood ka tan badan, isla-markaana ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom ayaa waxay iminka ku sugan yihiin goobihii ay iskaga baxeen ciidamadda Xarakada Al Shabaab.

 

Saraakiisha dowladda ayaa bahda saxaafadda ku war-gelisay in’ay muuqaalo iskugu jira kuwo Video iyo sawiraba leh ay halkaasi kasoo qaadaan, si’ay u xaqiiqsadeen ummada Soomaaliyeed oo u dhuun duleesha dagaaladda ka soconaaya magaaladda Muqdisho si’ay u ogaadaan hadba halka la-kala maraayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” oo dagaalo xoogan kula jira xoogaga mucaaradka ayaa ka hadlay dagaaladda ka soconaaya waqooyiga magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Maxamed Dheere ayaa sheegay in uu ku lug lee yahay dagaaladda xoogan ee ka soconaaya waqooyiga magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo sheegay in uu taageersan yahay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed, balse uu u dagaalamaayo si beeleed.

 

Wuxuu sheegay in dagaaladda ka soconaaya waqooyiga magaaladda Muqdisho uu ku daafacaayo deegaanadaasi oo uu sheegay in uu u dhashay, isagoo intaasi ku daray in uu dhiman doono, isagoo daafacaaya degmooyinka degmooyinka dhaca waqooyiga Muqdisho.

 

“Waxaan dhimaanaayaa anigoo daafacaaya waqooyiga magaaladda Muqdisho, waxaana dowladda ugu baaqaayaa in’ay ka shaqeeyaan sidii looga adkaan lahaa kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaam” ayuu yiri Maxamed Dheere oo iminka si-weyn uga qeyb qaadanaaya dagaaladda ka soconaaya magaaladda Muqdisho.

 

Maxamed Dheere oo shalay sheegay in’uusan xiriir kala dhaxeen Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” ayaa maanta si dad badan u sheegay in’uusan taageersaneen koox mucaarad ah, balse uu si-buuxdo u taageersan yahay dowladda uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed.

 

Dhanka kale wuxuu sheegay in uu sii-wadi doono dagaaladda xoogan ee uu kala horjeedo xoogaga mucaaradka oo ka taliya inta badan caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna uu rajo ka muujiyay in’ay ka guuleysan doonaan xoogaga mucaaradka.

 

Hadalkaan kasoo yeeray Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ayaa wuxuu kusoo aadaayaa xilli ay dagaalo xoogan ka soconaayaa waqooyiga magaaladda Muqdisho, dagaaladaasoo uu kaalin weyn ku lee-yahay Maxamed Dheere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

barqadii manta waxa ay ka dilaaceen Degmada Boondheere ee waqooyiga Muqdisho kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Dowlada iyo Xarakada Al-Shabab .

 

Dagaalkani ayaa waxaa soo qaaday Ciidamda Al-Shabab oo ku sugnaa Gurigii Mama Qadiija iyo safaradii Talyaaniga kuwaasi oo soo werar goobaha ay joogaan ciidanmada sida Wasaradii Boosatada iyo Hotel Jubba .

 

Ciidamo gurmad ah oo uu xogaaminayay Col-Sanay ayaa goobta gaaray kuwaasi oo dib u celiyay cidamadii Al-Shabab ee soo jabsaday difaaca koowaad ee Dowlada u yaalay Isgooska Boondheere.

 

Dagaalka ayaa waxaa madaafiicda BM-ka kaga qeyb qadanayay ila iyo gabaldhicii manta ciidamda AFrika ee AMISOM kuwaasi oo dhulka ku daray Difaacyadii Al-Shabab ay ka joogeen Degmada Bondheere.

 

Dhanka kale dagaalka ayaa wxa uu geestay qasaaro asigoo u badnaa manta labada dhan ,balse Col-Saney oo la hadlay saxafada ayaa xaqiijiyay in ay qabsadeen Wasaaradii Arimaha Gudaha iyo gooba farabadan oo ka tirsan Boodhere.

 

"manata kooxdii nabade diidka aheed ee Al-Shabab way jabeen waxaana ka dilnay ku dhawaad 10 ruux oo mid kamid yahay Ajnabi sawiradoodana waan soo bandhigi doonaa " Sanay .

 

Si kastaba ha ahaatee maha markii ugu horeesay ay cidamada Dowlada qabsadaan Aagag ay ku sugnaayeen qolyaha Mucaaradka balse waxaa is waydiin dan maxay dib uga soo laabtay marka ay qabsadaan Difaacyo cusub ?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo xoogan ayaa waxay maanta ka dhaceen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo uu u dhaxeeyay ciidamadda dowladda, ciidamadda Maxamed Dheere iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogaga Xarakada Al Shabaab.

 

Dagaaladda ayaa waxay xoogoodu ka dhaceen degmada Boondheere, inkastoo uu markii dambe ku fiday degmada Shibis oo iyana dhacda degmooyinka ku yaalla waqooyiga magaaladda Muqdisho.

 

Dagaaladda maanta ka dhacay waqooyiga magaaladda Muqdisho ayaa waxay kamid yihiin dagaaladdii ugu xoogaa ebid ee ka dhaca magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, isla-markaana dagaaladda maanta ka dhacay degmooyinka dhaca waqooyiga magaaladda Muqdisho ayaa waxay saameyn balaaran ay ku yeesheen qeybaha kale ee caasimadda.

 

Madaafiic aan tiro laheyn ayaa waxay kusoo hoobteen degmooyin ka baxsan halka ay dagaaladdu ka soconaayaan, waxaana degmooyinkaasi laga xusi karaa C/Casiis, Kaaraan, Heliwaa, Yaaqshiid, Wardhiigley, Hawl-wadaag iyo Dayniile.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dagaaladda maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho ay ku dhinteen in ka badan todobo ruux oo rayid ah, halka dhaawacuna uu sii caga-cageynaayo in ka badan 11 ruux sida ay Shabakadda Dhacdo.com u xaqiijiyeen qaar ka tirsan saraakiisha caafimaad ee cisbitaalada Dayniile iyo Madiina.

 

Sidoo kale dagaaladaan oo kuwa qorsheysan u muuqday ayaa waxay khasaaro xoogan ay kasoo gaareen kooxihii ay dagaaladdu u dhaxeeyeen, isla-markaana waxaa la-arkaayay dhaawacyo labadaasi dhinac ah oo loola cararaaya cisbitaaladda u gaarka ah labadaasi kooxood.

 

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan degmada Boondheere ayaa Shabakadda Dhacdo.com u xaqiijiyay in ciidamadda dowladda iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ay soo kala gaareen khasaaro xoog leh, waxaa kaloo jira dhimasho fara-badan oo labada dhinac ah, kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay in ka badan 14 dagaal-yahano oo labada dhinac ah.

 

Dagaaladda maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho ayay ciidamadda Amisom kaga qeyb qaateen hubka cul culus sida kuwa ka dhaca qoriga ridada dheer ee BM-ka loo-yaqaano iyo kan ka dhaca qoriga Taangiga, waxaana dagaaladani cambaareeyay shacabka ku dacayan dacalada caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Si kastaba ha-ahaatee ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom ayaa waxay dagaaladdu ka sameeyeen horumar, kadib markii ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay ka saareen aagag dagaal oo ay lahaayeen degmada Boondheere, waxaana caawa aagagaasi ku hooyanaaya Taangiyada ciidamadda Amisom iyo ciidamadda dowladda, isla-markaana waxaa weli degmada Boondheere laga maqlaayaa rasaas mararka qaarkood si xoogan ku soconeysa, inkastoo ay dagaaladdu xoogoodu istaageen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadda Amisom ee ku sugan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa guulo balaaran ka sheegtay dagaalo xoogan oo ay maanta si wadajir ah ula galleen ciidamadda Xarakada Al Shabaab.

 

Amisom ayaa shaaca ka qaaday in dagaalo xoogan ay maanta waqooyiga magaaladda Muqdisho kula galleen ciidamo fara-badan oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Xarakada Al Shabaab oo ka taliya inta badan caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Waxay Amisom sheegtay in dagaalkii maanta ka dhacay waqooyiga magaaladda Muqdisho ay Xarakada Al Shabaab kala wareegtay dhawr goobood oo ay inta badan kasoo qaadi jireen dagaaladda xoogan oo ay la-gallaan ciidamadda dowladda kuwa Amisom.

 

Waxay kaloo sheegtay in dagaaladda maanta ka dhacay waqooyiga magaaladda Muqdisho ay Xarakada Al Shabaab ku xanuujisay, isla-markaana ay ugu geystay khasaaro xoogan oo iskugu jira mid dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo intaasi ku daray in caawa ay ku hooyanaayaan goobihii ay maanta kala wareegeen Xarakada Al Shabaab.

 

Afhayeenka ciidamadda Amisom Bariijiye Bahuuko oo caawa laga maqlaayay Idaacadaha ka hawl-galla magaaladda Muqdisho ayaa guul balaaran ka sheegtay dagaalo jilbaha dhulka leesku dhigtay oo ay maanta la-galleen ciidamadda Xarakada Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray in’ay iminka ku sugan yihiin goobihii ay kala wareegeen Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab.

 

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday in’ay sii-wadi doonaan dagaaladda ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab iyo in kale, balse wuxuu tibaaxay haddii lagu soo weeraro goobaha ay kaga sugan yihiin magaaladda Muqdisho, ay iskaga caabin doonaan wax kasta oo ay awoodi karaan.

 

Dagaaladda kulul ee maanta ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxay shacabka reer Muqdisho ay maanta soo xasuusteen mid kamid ah dagaaladdii ugu qaraaraa ee soo mara caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this