Sign in to follow this  
General Duke

Clash in Bandiiradlay..Clan Courts on back foot..

Recommended Posts

Dagaalka dhacay Bandiiradley.(Allmudug.com 18-11-06).

 

Allmudug.com 18-11-06:- Waxaa saaka weerar soo qaaday ciidamada Maxaakiimta Muqdisho oo ku hubaysan gawaarida dagaalka iyadoo weerarkaas ay jawaab kulul ka bixiyeen Ciidamada Puntland iyo kuwa K/Mudug Ciidamada Maxaakiimta ayaa dagaalka oo socday wax ka yar 20 Daqiiqo waxaa lagu khasbay inay baneeyaan aagii ay soo weerareen kadib markii laysu adeegsaday Hubka Culculus ee ka dhaca Madaafiicda iyadoo isla markiiba ay carareen Ciidamadii weerarka ahaa kadib markii loo awood sheegtay.

 

Kusimaha Taliyaha Aaga Hore Ee Puntland Mr.C/salaan sanyare ayaa saxaafada usheegay isagoo ku sugan aaga hore ee dagaalka in ciidamadii soo weerray ay jawaab wanaagsan siiyeen kuna khasbeen inay si hal haleen ah uga cararaan goobta kadib markii ciidamo lixaadle oo aagaas fadhiyay ay is farasaareen.

 

Dhanka kale Warar hoose oo aan ka helayno ilo muhiima oo kusugan Bandiiradley ayaa sheegaya in Ciidamada maxkamadaha ee halkaas kusugan ay laba ukala jabeen kadib markii sida la sheegay ay ku heshiin waayeen qaabkii loo dagaal kali lahaa qaybina ay sooo jeediysay in lagu fashilmay qorshaha gobolka Mudug hada wixii ka dambeeyana ay wacan tahay in laysaga baxo aaga oo ciidamada lagu jiheeyo meela kale maadaama Difaac adag oo aysan filayn la hordhigay.

 

 

 

Wariyaha Jiida hore uga soo warama allmudug.com

 

Cabdinuur Mohamed Seeraar

 

qalay2005@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bandiiradleey : Dagaal maanta mar kale ka dhacay deegaanka Bandiiradleey.

 

Sabti, November 18, 2006

Bandiiradleey (AllPuntland)- Deegaanka Bandiiradleey ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal ay isaga hor yimaadeen ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa K/Mudug oo iskaashanaya iyo ciidamada maxkamadaha magalada Muqdisho.

 

Sida uu inoo sheegay ku simaha taliyaha aaga hore ee difaaca ciidamada Puntland C/salaan Sanyare, ciidamada maxkmadaha oo wata gawaarida gaashaaman ayaa weerar waxa ay ku soo qaadeen fariisinka ciidamada Puntland iyo kuwa K/Mudug.

 

Dagaalkaasi oo socday muddo 15 daqiiqo ah ayaan la sheegin wax khasaare ah oo uu illaa iyo hadda gaystay, iyada oo xaaladda aaggu ay ku soo noqotay qaabkeedii hore.

 

C/salaan ayaa waxa kale oo intaasi ku daray in ciidamda maxkmadaha ee soo weeraray ay iska caabiyeen kuna celiyeen goobtoodii hore oo ahayd K/Bandiiradleey.

 

Labada ciidan ayaa waxa ay isku jiraan in ka yar 2 Km iyada oo mar walibaa uu dagaal ka dhex dhici karo.

 

Waxa uu weerarkani ku soo aadayaa iyada oo dhowaan ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo ka tirsan ciidamda maxkmadaha ay galeen deegaanka Caabudwaaq iyaga oo ka gadooday maxkamadaha ka gadaal markii ay maxkmaduhu hor istaageen imaatinka qaadka ee deegaanada ay ka arrimiyaan.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland.com

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke this bit is fantastic:

 

Dhanka kale Warar hoose oo aan ka helayno ilo muhiima oo kusugan Bandiiradley ayaa sheegaya in Ciidamada maxkamadaha ee halkaas kusugan ay laba ukala jabeen kadib markii sida la sheegay ay ku heshiin waayeen qaabkii loo dagaal kali lahaa qaybina ay sooo jeediysay in lagu fashilmay qorshaha gobolka Mudug hada wixii ka dambeeyana ay wacan tahay in laysaga baxo aaga oo ciidamada lagu jiheeyo meela kale maadaama Difaac adag oo aysan filayn la hordhigay.

This guys were only relying on a surprise attack on the city, a sudden unexpected hit, that would make the people flee and Puntland admin crumble down with few seconds! They were relying on the 'surprise-element'! Alla caqli xumaa, meesha ma Dayniile beey moodeen mise galgalato?

 

Weey u dhamaatey, waxaa laga horgeeyey ciidan iyo adduun aayna waxba ka qaadi karin, waxaa u fiican in aay kulaabtaan marki hore meesha aay ka yimaadeen oo ahayd Mogadishu!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Indeed a suprise attack was their best shot considering the media, but Puntland troops with Qaybdeeds were stationed far south of Galkacy hence any movement from them would be reported quaickly to the commanders in Garowe...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this