Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Kudayo Duqa Magaalada Gaalkacyo ...

Recommended Posts

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa Amaan & Bogaadin usoo jeedisay Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,waxayna Dawlada Puntland sheegtay in Duqa Magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji uu hor'umar weyn sameeyey Mudadii yarayd ee uu xilka hayey.

 

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Dawlada Puntland Cabdixakiin Axmed Guuleed oo Warbaahinta Gaalkacyo la hadlayey ayaa Amaanay Waxqabadka Duqa Gaalkacyo,wuxuuna Wasiirku sheegey inuu Duqa Gaalkacyo Mudo kooban Xilka hayey isla markaasna uu qabtay Waxqabad ayasan qaban Gudoomiye yaal Sanado Xilal ka hayey Gaalkacyo & Deegaanada Puntland.

 

"Waxay Dawlada Puntland amaanaysaa Duqa Gaalkacyo & Maamulkiisa oo Runtii ku talaabsaday Waxqabad badan,taasina waxay muujinaysaa Dadaalkiisa,waxaanuna Amaanaynaa taageerada loo hayo Maamulka Degmada Gaalkacyo,waana Mid aan filayo in ay keentay Guulaha uu maamulka Degmadu gaartay"Ayuu yiri Wasiir Cabdixakiin Axmed Guuleed oo ka qeyb galayey shir ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

 

Wasiirka Warfaafinta Hidaha & Dhaqanka ee Puntland wuxuu sheegey in guud ahaan lala xisaabtamayo Maamulada Gobolada & Degmooyinka Puntland,wuxuuna sheegey intaas ku daray in aanan la yeelin doonin Mas'uul xil iska haya isla markaasna aanan wax qabanan,sidoo kalena wuxuu Gudoomiye yaasha Degmooyinka Puntland ka codsaday inay ku deydaan Duqa Gaalkacyo.

 

"Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa dhawaan ka qeybgalay Xaflad Garoowe ka dhacday oo Wasaarada Haweenku ay qabatay wuxuuna yiri Kudayo Wasaarada haweenka,hada anigu waxaan leeyahay Kudayo Duqa Gaalkacyo,Dhamaan Gudoomiye yaasha Degmooyinka Puntland & kuwa Gobolada ayaan leeyahay"ayuu yiri Cabdixakiin Axmed Guuleed oo la dhacsan waxqabadka Maamulka Degmada Gaalkacyo.

 

Maamulka Degmada Gaalkacyo oo uu Gudoomiyaha ka yahay Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji ayaa jiray Mudoka yar 8-Bilood,waxayna Dadku ku amaanaan inay waxbadan ka qabteen Nadaafada & Bilicda Gaalkacyo,wuxuuna Maamulka Degmada Gaalkacyo taageero uu ka helay Dadka Reer Mudug oo kusugan Dalka & Dibadiisaba.

 

Source:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Though I think Mayor Cabdiraxmaan has done a commendable job this past year, I still wish to withhold from giving him a passing grade, until after he finishes he completes his full tenure...

 

In the meantime; three cheers are in order for a job well done, so far...

 

So let's hear it for The Mayor: :D

 

Hip-hip - HOORAY!

Hip-hip - HOORAY!

Hip-hip - HOORAY!

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this