Sign in to follow this  
Jabhad

Warlord Caato, an Ethiopian hostage in Baydhabo?

Recommended Posts

Jabhad   

Cusmaan Caato Oo Ay Xaalad Adagi Ku Soo Wajahday Magaalada Baydhaba

caato.jpg

News(Baydhaba}24.02-07

Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali Caato (Ex Wasiirkii Howlaha Guud) ayaa xaalad aad u adag ay ku heysataa Magaalada Baydhaba, kadib markii Saraakiisha Sirdoonka Dowladda iyo kuwo Ethiopia ay aad u xakameeyeen dhaq dhaqaaqiisa. ..........................................

 

Wararka laga helayo Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Xildhibaan Caato uusan ka bixi Karin Magaalada Baydhaba, iyadoo mar uu isku dayay inuu Muqdisho soo gaadho, markii Maxaakimtii laga saaray, isla markaana ragii kale ee Hogaamiyeyaashi ahaa ay soo gaadheen, ayaa laga hor istaagay.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in ay si gaar ah ula socdaan dhaq dhaqaaqyada Hogaamiye Kooxeedkaas hore ee siyaasadiisu lagu sheego in ay tahay mid is bed bedel badan.

 

Saraakiil Ethiopian ah ayaa ka dalbaday Xildhibaan Caato inuu Hubkiisa ku soo wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama uu ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho mudada dheer ku amar taagleynayay.

 

Laakiin Cusmaan Caato ayaa waxa uu sheegay in uusan heysan wax hub ah, isla markaana uu hubkiisa dhamaan uu hore ugu wareejiyay Maxkamadihii laga adkaaday.

 

Xaalad adag ayaa la geliyay Cusmaan Caato oo ka mid ah Ragga sida weyn uga soo horjeeda Siyaasada Madaxweynaha iyo raysal Wasaaraha, isagoo lagu amray inuusan ka bixin Magaalada Baydhaba.

 

Warar raad raac lagu sameeyay ayaa sidoo kale sheegaya in Sirdoono ka tirsan Ciidamada Dowladda ay il gaar ah ku hayaan dhaq dhaqaaqyada uu Mr Caato ka wado Magaalada Baydhaba.

 

Dhowaan ayuu Cusmaan Caato ka yimid safar Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana markii uu soo gaadhay halkaas, loo sheegay inuu hubkiisa soo wareejiyo.

 

Xildhibaan Caato oo xilkii Wasiirnimo ee uu hore uu hayay uu Raysal Wasaare Geeddi ka xayuubiyay, ayaa ka mid ah Hogaamiyeyaasha ay Dowladdu ka cabsi qabto in ay dib isu abaabulaan, Iyadoo Saaxibadiisii Hore la sheegay in Muqdisho ka wadaan howlo hub uruursi ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Xaalad adag ayaa la geliyay Cusmaan Caato oo ka mid ah Ragga sida weyn uga soo horjeeda Siyaasada Madaxweynaha iyo raysal Wasaaraha, isagoo lagu amray inuusan ka bixin Magaalada Baydhaba.

Tuug Caato, a potential threat to Tuug Yeey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this