Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sheikh dalxiis travels from Egypt To Italy

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak

 

 

Isniin, July 19, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo booqasho saddex maalmood ah ku joogay dalka Masar ayaa shalay gallinkii dambe kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Masar Max'ed Xusni Mubaarak.

 

Kulanka labada madaxweyne oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, waxayna uga hadleen xaaladda dalka Soomaaliya uu ku sugan yahay, iyadoo Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka codsaday Madaxweynaha Masar inuu gacan ka geysto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabbaali lahaa.

 

Sidoo kale, shirka labada Madaxweyne waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Caamir Muusaa, iyadoo Sheekh Shariif uu ka codsaday Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika in xil weyn la iska saaro soo celinta nabadda Soomaaliya.

 

"Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu ka codsaday hoggaamiyaha Masar iyo Muusaa inay dhexda u xirtaa sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u soo celinta nabaddii Soomaaliya, dalkana looga saari lahaa xoogagga hubeysan ee ka horjeeda Dowladda" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Sheekh Shariif waxaa safarka uu ku tagay dalka Masar ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg), Wasiirka Gaashaandhigga Abuukar Cabdi Cusmaan (Mardaadi), Xildhibaanno iyo ma'suuliyiin ka tirsan aqalka Madaxtooyda Soomaaliya.

 

Wadfiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saakay ka dhoofay Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, iyadoo wararku ay sheegayaan inuu kusii jeedo Magaalada Roma ee xarunta Dalka Talyaaniga oo uu kulan kula qaadnayo Madaxda dalkaas.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka degay Magaalada Roma ee caasimada Talyaaniga.

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Roma ee xarunta wadanka Talyaaniga.

 

Wafdiga Madaxweynaha oo saakay aroor hore ka soo kicitimay Magaalada Qaahira ee xarunta wadanka Masar ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Magaalada Roma halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Talyaaniga, Safaarada Soomaalida ee Talyaaniga iyo xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaalida.

 

Wararka ka imaanaya magaalada Roma ayaa sheegaya in wafdiga madaxweynaha loo dhaqaajiyay aqalka madaxtooyada ee Magaalada Roma halkaasi oo Lagu wado in Caawa fiidkii ay ku wada kulmaan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Wasiirka arimaha dibada ee Talyaaniga Faranco Farantiini.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in Maalinta beri ah uu kulan la qaato Madaxweynaha wadanka Talyaaniga iyagoo ka wada hadli doona xaaladda amaan ee wadanka Soomaaliya iyo sidii dowladda Tanyaanigu ay qeyb uga qaadan laheyd soo celinta amniga Soomaaliya.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

source shabelle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this