Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: President Nominates New Positions

Recommended Posts

Hargeysa (HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta soo saaray Digreetooyin uu ku Magacaabay in ka badan 35 Masu’uul oo ka mida madaxda Dawlada.kuwaas oo isugu jira agaasimayaal, Gudooomiyayaal iyo masuuliyiin kale.

 

 

 

Sidaa waxa lagu sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa,

 

 

 

Waxaanay magacyadii u dhignaayeen sidan:

 

 

 

 

 

1 Gudoomiyaha Baanka Dhexe (Chairman of the Central Bank) Cabdi Dirir Cabdi

 

3 Xeer-ilaaliyaha guud (Attorney General) Xasan Axmed Adan

 

4 Hantidhawrka guud ee Qaranka (Auditor General) Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim

 

5 Xisaabiyaha Guud (Accounting General) Ibraahin Aadan Qaalib

 

6 Madaxa Hay’ada Sirdoonka Qaranka Xuseen Xasan Rooble (Kenyaate)

 

8 Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha (Civil service commission) Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil (Chairman

 

Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha hay’adda shaqalaha Axmed Cali (Sulub)

 

DG: Agaasimaha guud ee Hay’ada shaqalaha Ibraahin X. Nuur Diiriye DG

 

Recruitment (Xubin ka tirsan hay;adda Cabdirashiid Ducaale Qambi

 

Establishment (Xubin Ka tirsan Hay’adda Axmed Cabdillaahi Ibraahim

 

9 Maareeyaha Hay’ada ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah Maxamed Muuse Cawaale

 

10 Maareeyaha Hay’ada Abaabul ka saarka Qaranka (NDC) Jamaal Caydiid Ibraahin

 

11 Maareeyaha Hay’adda Korontada Xasan Cusmaan Adan

 

12 Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka (Raod Authority) C/waaxid C/qaadir C/raxmaan

 

13 Gudoomiyaha Guddida Hay’ada Dibu habaynta shuruucda Xasan Aw Aadan Cabdi

 

Maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha Cabdi Ibraahim Cabdillaahi

 

14 Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahin Siyaad Yoonis

 

15 Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yusuf Dirir

 

16 Maareeye-Xigeenka Dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac

 

17 Maareeyaha Madbacada Qaranka Cali Siciid Raygal

 

Ku xigeenka Madbacada Qaranka Mustafe Cabdi Ciise Shiine

 

18 Gudoomiyaha Gudiga Qandaraaska Qaranka(National Tender Board) Aadan Nugaal X. Xasan

 

19 Xoghayaha Fulinta ee Komishanka Aidska ee SOLNAC ( AIDS Commission) Maxed Dahir Khayre

 

Director of Admin & Finance C/Kariin Axmed Xinif

 

Director of Capacity Building Maxamed Nuur Guruje

 

Director of Clinic Service Sahra Adan Yaanyo

 

National M&E Officer Aadan Jaamac Hoori

 

20 Gudoomiyaha Gudiga xuquuqal Insaanka (Human Rights Commission) Aamina C/laahi Axmed

 

 

 

21 Gudoomiyaha Gudiga Ilaalinta Tayada(Quality control Commission) Siciid Saleebaan Mire

 

22 Gudoomiyaha Gudiga ladagaalanka musuqmaasuqa iyo illaalinta dawlad wanaaga (National Integrity Commission) Axmed Muxumed Madar

 

23 Gudoomiyaha Gudiga Diwaanka Sakada(National Charity Commission) Sh. C/laahi Cali Jawhar

 

24 ICT Commission Cali C/laahi Daahir

 

25 Diaspora Agency Saleebaan Maxamed Faarax

 

Taliyayaasha Ciidamadda

 

1 Talyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani

 

2 Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Ibraahin Caydiid Dhabdhable

 

3 Taliyaha Ciidanka Police-ka Cilmi Rooble Furre (Kabaal)

 

4 Ku-xigeenka Taliyaha Police Cabdiraxaam Liibaan Axmed

 

5 Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane)

 

6 Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Asluubta Xasan Cali Cawad

 

7 Taliyaha Ciidanka Bada Axmed Aw Cismaan

 

La Taliyayaasha Madaxweynaha

 

1 Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali

 

2 Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gobolada Bari Fuaad Aadam Cade

 

3 Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur

 

La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhalinyarada Cabdi najax Siyaad Aw Cabdi

 

4 Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Nabadgelyada Saleebaan Cumar Kujoog

 

DG-yada

 

1 Agaasimaha Guud Wasaarada Maaliyada Jaamac Axmed Maxamed

 

2 Agaasimaha Guud Wasaarada Shaqada & Arimaha Bulshada Baashe Yuusuf Axmed

 

3 Agaasimaha Guud Wasaarada Boosaha & Isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori

 

4 Agaasimaha Guud Wasaarada Kaluumaysiga, Khayraadka Bada iyo Maamulka Dekedaha C/raxmaan Cawil Xasan

 

5 Agaasimaha Guud Wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka Shiriif Libaax Muuse

 

6 Agaasimaha Wasaarada Arimaha Dibada Siciid Cali Wayrax

 

7 Agaasimaha Guud Wasaarada Beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax

 

Wakiiladda JSL ee Dibaddaha

 

1 Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia Maxamed Xasan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Agaasimaha Guud Wasaarada Boosaha & Isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori

 

My good friend Hassan Hoori is made Director General of the Ministry of Telecommunications. Thats his field.

 

I expect the National TV, Radio and Governemt newspaper to be of a diffrent level soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

15 Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yusuf Dirir

 

16 Maareeye-Xigeenka Dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac

JB, I see that Ali Xoor Xoor is replaced. So, no more shaxaad for you there. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

If you look at the clan composition. There is a lot of diversity, but I hoped for less dominance by my own clan.

 

This doesnt look good to the outside. I keep repeating this.

 

In Somaliland you can not pretend that some clans have much more educated and experienced people. This isnt true. I am certain you will find many qualified and educated people from Awdal, Sanaag and Sool if you look hard enaugh.

 

http://www.somalinet.com/forums/viewtopic.php?f=245&t=253594

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiiro iyo Masuuliyiin Ka Mid Ah Xukuumadda Siilaanyo Oo Ku Hanjabay In Ay Is Casilayaan.

 

Hargaysa(Ramaas) Aug.29, 2010 - Wasiirada Wasaaradaha Gaashaan dhiga, Ganacsiga, Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha oo Dhamaantood ka soo jeeda Beelaha ***** ee Dega Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa Shalay isku shubay Qasriga Madaxtooyada, waxaanay kulan Garnaqsi ah kala yeesheen Madaxwaynaha Saamiga uu Beelahooda ka siiyay Xilalka uu Magacaabay, waxaana la sheegay inay ugu hanjabeen inay iska casilayaan Xilalkooda hadii aan saamiga loo kordhin Mansabyada Xukuumada Cusub.

 

 

Kulankan ay yeesheen Wasiirada Beesha ***** iyo Axmed Siilanyo oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa la sheegay inay u qadimeen Cabasho la xidhiidha Miisanka Mansabyada uu ka siiyay Xukuumadiisa, oo ay sheegeen in aanay siinin Xukumadihii ka horeeyay ee C/raxmaan Axmed Cali, Cigaal iyo Daahir rayaale toona, kuwaasoo ay sheegeen, inay ka ahaayeen mid walba jagooyinka ugu mudan iyo saamiga ugu sareeya ee ay ku salayn jireen Xilalka ay Beelaha u dhiibayee, gaar ahaan waxay farta ku fiiqeen wakhtigii Xukuumadii Cigaal oo ay sheegeen inuu ugu hanjabay inay sheegaan halka ay xadka ka dhiganayaan hadii ay ku kalsoonaan wayaan soo jeedimihiisa.

 

 

Wasiiradan ayaa waxay sheegeen Xilalka ilaa hada uu Silanyo Magacaabay oo dhan 78 Xil oo isugu jira Wasiiro Hay’ado Madax banana iyo Agaasimayaal ay ku leeyihiin oo kaliya Siddeed Mansab oo kala ah:

 

 

1) Wasiirka Gaashan dhiga

 

2) Wasiirka Ganacsiga

 

3) Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta

 

4) Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha

 

5) La taliyaha Arrimaha Barige

 

6) Xubin ka mid ah Hayada Shaqaalaha

 

7) Agaasimaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta

 

8) Iyo Hayada Wadooyinka oo ay sheegeen Xilkaasi markii la magacaabayay in soo jeedinta Jagadaasi oo ay lahayeen Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi iyo Chief of Cabeinka Xirsi Xaji Cali Xasan ay ku soo Magacaabeen Beelaha ***** iyo ******, taasoo iyada lafteeduna aana ahayn Xil ay iyagu leeyihiin, waxaanay sheegeen hadii wax laga qaban waayo arrintaa inay is casilayaan isla markaana waxay Madaxwaynaha hortiisa ka cadeeyeen in Hawshii ahayd Xal u helida Gobolada Bariga ee ay Masuuliyiinta u yihiin aan lagu halayn oo aanay waxba ka qaban doonin.

 

 

Talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee soo waajahda Xukuumada Siilanyo oo Beelo dhani saluuga ay ka qabaan Xukumadiisa ugu hanjabeen inay is casili doonaan iyadoo tan iyo intuu wax Magacaabayaba ay isa soo tarayaan Cabashooyin la xidhiidha Magacabistiisa oo la sheegayo inay mar walba dhinac uun ka rarantahay, taasoo bilawgii Xukuumadiisaba la Kowsatay Mudaharaadyo.

 

 

Cabdirashiid Ducaale Qambi ooh ore u ahaan jiray wasiir ku xigeen doraadna Siilaanyo u magacaabay xubin ka mid ah hay’adda shaqaalaha oo ka soo jeeda gopbolka Sool islamarkaana ah siyaasi gacansaar dhaw la leh Siilaanyo ayaa warar u dhuun daloolaa sheegeen inuu ku dhawaaqay iscasilaadiisa, halka Fu’aad Aadan cadde oo loo magacaabay la taliye iyo wasiirka Gaashaandhiga Axmed X. Cali cadami laga hayo inay qaadayaan talaabo la mod ah taasi.

 

 

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Cusman Bulaqaas oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee ka soo jeeda Beesha Bariga Sanaag (**********) kana soo baxay Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu hanjabay in haddii aanu siin Beesha saamigii ay xaqa u lahayd in ay ka tashan doonto isla markaana ay go’aan ka gaadhi doonaan.

 

 

Xildhibaan Bulaqaas oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiiladda ayaa si cad u deedafeeyay qaab dhismeedka Xukuumada cusub ee Siilaanyo waxaanu sheegay in uu Madaxweynuhu ka balan qaaday in Saami ku filan beeshiisa laga siin doono Agaasimayaasha iyo Hay’adaha Madaxa Banaan ka dib markii uu Siilaanyo Golihiisa Wasiiradda uu Beesha ka siiyay Saami aan ku filnayn oo aan u qalmin sida uu sheegay Xildhibaanku waxaanu yidhi “Xukuumadan cusub ee uu soo dhisay Madaxwayne Axmed Maxamed (Siilaanyo) maaha mid isku dheeli tiran Beelo iska dhan oo xayndaabka Somaliland degen kana mida ayaa xuquuqdii ama saamigii ay ku lahaayeen xukuumadan cusun la duudsiyey, am la inkiray sababtaana waxaa ka masuula madaxwayne (Siilaanyo) iyo inta uu talada ka qaato, wixii ka yimaadana isagaa ka masuula Madaxwayne siilaanyo”.

 

 

Xildhibaan Bulaqaas wuxuu si cad u sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo ka balan qaaday inuu u uga cawadi doono kuraasta hadhay balse uu ku balan furay, taasina ay tahay ta keentay inuu Bulshadii uu ka soo jeeday u iftiimiyo in aan cidii ay wakiilka ka ahaayeen aan xaqoodii la siin taasina ay u bandhigayaan Bulshada Bariga Sanaag ee uu ka soo jeedo, isla markaan uu maray Madaxweyne Siilaanyo dhabadii Xukuumadii hore ee Rayaale ay ku go’doomisay Deegaankaasi.

 

Xildhibaan Bulaqaas waxa uu sheegay in rag uu ka mid yahay ay cagta mariyeen isla markaana ay gubeen codad faro badan oo uu rabay Xisbiga UDUB inuu ku shubto, waxaanu xusay in hanti faro badan ay ka maqan tahay isaga iyo hormoodka Beeshiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this