Sign in to follow this  
Juje

Dilkii ka dhacay Minneapolis oo loo qabtey labadii nin ee ka danbeysey

Recommended Posts

Juje   

Dilkii ka dhacay Minneapolis oo loo qabtey labadii nin ee ka danbeysey

 

KN: Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in ciidamada Amnigu ay gacanta ku dhigeen labadii nin ee lagu tuhunsanaa iney ka danbeeyeen dilkii saddexda nin ee ka dhacdey magaalada Mineapolis.

Dilkan oo dhacay maalinimadii Arbacada ahayd saacadda Maraykankuna ahayd 7:45 ayaa niman dhalinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado ay soo galeen dukaan iyo Kawaan isku dhexyaalla halkaasna ay ku dileen laba wiil oo ilma adeer ah iyo nin kamid ahaa macaamiishii ka adeeganeysey dukaanka kana soo jeeda Qawmiyadda Oromoda. Labada wiil ee ilma adeerka ah ayaa kala ah Mahad Cabdi Xaaji Warfaa iyo Cabdifataax Xuseen Xaaji Warfaa meesha wiilka Oromada ahna lagu sheegey Anwar.

Nasiib wanaag dilkii ay geysteen dhalinyaradan waxaa si wanaagsan looga arkay Camerooyinka wax duuba waxaana Boolisku ay markiiba sheegeen iney ahaayeen laba dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed ayna soo qabandoonaan iyagoo ka codsadey Soomaalida ku nool gobolkaas iney ka caawiyaan qabashada gacan ku dhiiglayaasha.

Midkamid ah labadii wiil ee dilka geystey ayaa la qabtey laguna sheegey inuu yahay 17 jir meeshii midkii kalena uu iskiis isu soo dhiibey markii uu ogaadey inuusan baxsan karin. Illaa iyo hadda lama caddeynin sababta ka danbeysey dilkan.

Dilka loo geystey saddexdan wiil ayaa argagax ku noqotey bulshada Soomaaliyeed ee waddanka Maraykanka waxaana laga yaabaa in arintanni isu soo dhaweyso Soomaalida iyo maamulka ka jira gobolka iyo magaalada Mineapolis.

Waxaan illaahay uga baryeynaa in wiilashaas janadii geeyo ehelkiina samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this