Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Barbarity At its Best

Recommended Posts

Salaan...

 

Savage brutality, indeed. Inhumanity at its worst stage possible.

 

Read below.

___________________

 

These subsequent events occured in Soomaaliya last month:

 

 

1/11/03: Waxaa Dableey Ka Afduubta Suuqa Bakaaraha Dhibane Max’ed Nuur Sinwaaq Oo Ka Mid ahaa Xoogsatada Suuqa Bakaare.

 

 

Isla Taariiqdaas Waxaa Deg. Afgooye Lagu dilay Marxuum Axmed Max’ed Jabriil Oo Da’diisu Aheyd 27 Jir.

 

1/11/03: Dhibane Jiijo Cali Iikoow Ayaa Laga Afduubay Bosteejada Baabuurta Marka Ee Suuqa Bakaaro Kadib Makay La Tageen Deg. Shibis Nasiib Wanaag Dableydii Ayaa Laga Dhiciyay Markay Iska Tuurtay Baabuurkii Ayadoo Qeylinayso Waxaa U Soo Gurmaday Ciimada Madaniga ee deg Shibis.

 

Isla Taariiqdaas Waxaa Xaafada Siinaay Lagu Dilay Marxuum Max’ed Abuukar Walaaxoow Asagoo Ku Sugan Goobtiisa Ganacsiga Ayaa Nin Dabley Ah Rasaas Ku Furay Kadib Markii Ilmo Ay Ku Tuureen Baaruud Agagaarkaas

 

1/11/03: Waxaa tuuladda Jambaluul Oo Ka Tirsan Deg. Afgooye lagu dilay wiil 15 jir ah waxaana dilay maleeshiyo hubeeysan oo ku sugan goobtaas

 

2/11/03: Iska hor imaad ka dhacay Suuqa Bakaare, ayaa ku dhintay laba qof taas dhex maray burcad dooneysa inay dadka furtaan iyo gancsatadii suuq bakaaro.

 

2/11/03: Afar gaari oo xamuul ahaa oo ka yimid dhanka Jilib kuna soo jeeday Muqdishu ayaa duleedka magaalada Baraawe burcad jid gooyo halkaas u tiil ayaa tacshiiro ku furay, waxaan halkaas ku dhintay 3 ruux, 12 na waa Ay ku dhaawacmeen.

 

4/11/03: Waxaa Xaafada Siinaay Ee Deg. Wardhiigleey Ka Dhacay Dhacdo Ah Nin Lagu Magacaabo Abuukar Ayaa Bastoolad Ku Dhaawacay Dhibane Nasteexo Max’ed Xalane Oo Horey Xaaskiisu Ahayd Hasae Yeeshee Kala tageen Kadib Markii Uu Dhexmaray Muran Nasteexo Ayaa IsLa Markiiba Loola Cararay Isbitaalka Al Xayaat.

 

Faadumo Xaaji Cumar Oo Mudo 20 Cisho Loogu Haystay Afduub Magaalada Muqdisho Ayaa La Keenay Isbitaalka Madiina Ayadoo Loo Geystay Jirdil Aad U Fool Xun. Faadumo Oo Ka Ganacsata Qudaarta.

 

4/11/03: Agagaarka Laanta Buur Ee Deg. Afgooye Ayaa Dagaal Ku Dhexmaray Masuuliyiin Sare Ee DKMG Iyo Ciidamada Meleteriga Ee Deegaankaas Hase Yeeshee Waxaa Ku Dhintay 3 Ruux 5 Kalana Wey Ku Dhaawacmeen.

 

Isla Taariiqdaas goor ay aheyd 1da Duhurnimo Agagaarka Soobe Rasaas Ku Furay Gaari Cabdi Bila Ah Kaasoo Dhimasho Iyo Dhaawacba U Geystey Dadkii Halkaas Ku Sugnaa Waxaa Ku Dhintay Wiil Yar Lagu Magacaabo Xuseen Awooto Iyo Qof Kale Oo Da’weyn Waxaa Ku Dhaawacmay 3 Caruur Ah.

 

Isla Taariiqdaan 2.00 Duhur Nimo Ayaa Isgoyska Bakaaraha Lagu Dilay Nin Lagu Magacaabay Fanax Waxaana Dilay Dableyda Isgoyska Joogta. {my xaafad, this was MY XAAFAD}

 

05/11/03: Waxaa Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha Marxuum Sh. Nuur Abuukar Max’ed Oo 18 Jir Ah Ka na Sheynayay Tolista Dharka Waxaa Kalida Loogu Dhiftay Ka Dibna U Dhintay Dhiig Bax.

 

05/11/03: Waxaa Xaafada Baar Raaxo oo ka tirsan Barmuuda, lagu dilay marxuum Axmed Fanax ooka ganacsan jiray kutubta quraanka kariimka . waxaa dilka geeystay maleesiyo gabar halkaas ku kufsaneeysay, marxuumkana u rabay inuu ka dhiciyo falka foosha xun ee gabadha lagu sameeynaayay. {That Baar or maqaayad was only two blocks away from our house and I used to hang out there every other day, darn..... :mad: }

 

06/11/03: Isla taariikhdaas ayaa inta u dhaxeysa waddada isku xirta Wanla Weyn iyo War Maxan lagu rasaaseeyey gaari caasi ahaa oo marayeye halkaasi waxaana ku dhintey hal ruux, 9 kalena wey ku dhaawacantey.

 

06/11/03: Waxaa Gurigiisa Oo Ku Yaala Xaafada Taleex Ee Deg. Hodan Laga Afduubay Dhibane C/laahi Aadn Cumar (C/laahi Shariif) Oo 10 Jir Ah Waxaana Loo Afduubay Arimo Dhaqale

 

07/11/03: Ayaa degmada Wanle Weyn lagu dilay nin la gu magacaabo Maad Amad oo da'diisu lagu qiyaasey 28 jir isagoo ijaarayey Baaskiilo. {Nin iska shaqeysanaayo oo la iska tooganaayo, Yaa Rabi!!!}

 

07/11/03: Isgoyska SOS Maleeshiyo Fadhiday Iyo Kuwo Rabay Inay Xoog Ku Maraan Halkaas Ayaa Is Rasaaseyay Shaqaaqadaas Ayaa Waxaa ku dhintey haweeney tuuganaysay iyadoo weliba nasiib daro la waayey ehelkeeda.

 

08/11/03: Ayaa agagaarka dugsiga Maxamuud Xarbi ee degmada Wardhiigley burcad ku dishay nin darawal xaajiyo ahaa urcadda oo rabtey inay gaariga dhacaan hase yeeshee ninkii gaariga ayaa intuu gaariga ka degay furihiina kala baxay kolkaasayey xabbad ku fureen.

 

08/11/03: Ayaa lagu dilay nin lagu magacaabo C/laahi Cabdi Dhega cade is goyska baar ubax ee degmada howl wadaag.

 

08/11/03: Xaafadda Laba Dhagax ayaa lagu dilay macalin dugsi quraan halkaas ku lahaa, markii ayy koox dableey ah oo rabtay iney dhacaan gaari dhagaxle ah, rasaastii ay fureen ayaa haleeshay marxuumka, waxaa kaloo ku dhaawacantay idla xabadahaas 6 ka mid ah ardayda dugsiga jogtay.

 

09/11/03: ayaa tuullo ka tirsan degmada B/WEYNE gobolka hiiraan lagu dilay macalin dugsi qu’aan kaasoo loo dilay aanno qabiil. {Killing a macalin dugsi quraan??? :mad: :mad: }

 

09/11/03: Gacan ku dhigle Maxamuud Maxamed Cibaar ayaa ku dilay walaalkiisa Cabdi raxmaan, xaafadda Geed Jaceyl ee Wardhiigleey, isagoo u adeegsaday dilka walaalkiisa FAAS, waana aargoosi. {Yaa Ilaahey yaqaano?}

 

13/11/03: Waxaa lagu af dubtay deg. Jilib ee ka tirsan Gob, Jub. Hoose, taliyaha ciidanka isbaheysiga dooxada juba ee degaankaasi, col. Maxamed Cabdi Nuur,waxaana af dubtay dabley lacag ku sheeganeysay.

 

13/11/03: Isla taariikhdaas ayaa dekadda magalad Kismaayo lagu af duubtay dhibane Muqtaar Shiikh Axmed, oo ganacsade ahaa,kaaso isku heyb ahaayeen taliyaha ciidanka isbaheysiga ee jilib. ,iyadoo dableyda lacag ku sheegteen dhibanahaas.

 

14/11/03: Waxaa lagu dilay agagarka isbitaalka SOS marxuum Axmed Aalow oo darawal ahaa, waxaana dilkaas geeystay dabley halkaas isbaaro u taalay.

 

14/11/03: Waxaa lagu dilay Tuulad Hawaay ee ka tirsan Aadan Yabaal ee gob. Shabeelaha Dhexe, marxuum Xuseen Maxaa Xasan( Xuseen Gureey), iyo Xasan Cali maxamed, waxaana loo dilay aano qabiil.

 

14/11/03: Hal qof oo lagu dilay guri ku yaala deg. Kaaraan, marki ay gurigaas soo weerareen maleeshiyo hubeysan, iyagoo rabay inay dhac geeystaan.

 

15/11/03: Gaari rakaab ah oo u socday gobalka shabeelaha Dhexe, ayaa lagu rasaaseeyay meesha lagu magacabo Geed Gule oo ka tirsan Deg. Cadale, Gob. Sh/ dhexe, waxaana ku dhintay tacshiradaasi darawalkii gaariga marxuum faarax Maxamed Cabdi iyo kirishboygiisa marxuum Cabdi Xasan, waxaana loo dilay aano qabiil.

 

15/11/03: Gaari xaajiyo ah oo maraayay wadada jaayga ee u dhaxeeysa Balcad iyo Afgooye, ayaa koox dableey ah rasaaseeyeen, waxaan ku dhintay hal qof oo gaariga lasocday.

 

16/11/03: Maleeshiyo Weeratay tuulada Dhanaane oo ka tirsan Deg. Marka Gob. Shabeelaha Hoose, ayaa dhacdo aad u fool xun oo iskugu jirta Dil, Dhac, Kufsi Iyo Bililqeeysi, ka sameeyay degaankaas, Maleeshiyadaas oo ka duushay Deg. Madiina,waxay halkaas ku dileen, 2 ruux, 6 kalana Dhaawacantay iyagoo woliba hor istagay in dhaawaca la bad baadiyo.

 

Isla Taariiqdaas Hooyo 70 Jir Ah Ayaa Lagu Dilay Degmo Ka tirsan Deg. Afgooye Halkaas Oo Laga Waday Waan Waan Dilkii Labo Qof Horay Halkaas Looga Dilal.

 

16/11/03: ayaa nin lagu magacaabo Maxamed Cabdulle Shiikh oo degan Tuuladda Farxaano oo ka tirsan Deg. Qoryooley, ku dilay gabar uu dhalay oo 18 billood jirtay, ka dib markuu khilaaf soo dhex galay isaga iyo xaaskiisa, dilka gabadhiisa oo ahaa isagoo ku joog-joogsaday sidaasna ay gabadhii ku dhimatay. { :mad: :mad: :mad: }

 

20/11/03: Wiil Magaciisa Lagu Sheegay Dhaga Dheere Ayaa Hooyadiis Faas Ku Dilay Walaashiina Ku Dhaawacay Tuulo Ka Tirsan Deg. Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan. {Tana ii koow...Yaa Raxmaan!}

 

21/11/03: Waxaa Xaafada Godeey Ee Deg Kaaraan Lagu Dilay Nin Lagu Magacaabo Xasan Gaawoow. Waxaana loo dilay lacag tahriib lagu aaday darteed.

 

22/11/03 Waxaa lagu xasuuqay tuulada DHANAANE oo ka tirsan gobalka SH. Hoose Deg. Marka dad gaaraaya 11 dhimasho iyo 7 dhawac ah, iyago saarnaa gaari Caasi ah HOMEY, dadkaaso waxba galabsan, hasa yeeshee waxaa falkaas arxan darada ah geystay maleeshiyo ka tagay Deg. Madiina ee Gob. Banaadir.

 

29/11/03 Iskahorimaad Ka Dhacay deg. Kaaraan Ayaa Lagu Dilay Afar Ka Mid Ah Ganacsatada Yaryar Waxaa Ka Mid Ah Dadka La Dilay Raxmo Sheeq Iyo Sheeq Ibraahim.

 

30/11/03: Sarkaal u dhashay dalka Talyaaniga laguna magacaabo Masten una shaqeeynaayey hay’adda PEACE fadhigeedu yahay Beled Weyne, ayaa lagu weeraray buundada Liiliiqato ee Deg. Beled Weyne isagoo halkaas maraya, falkaasna waxaa geeystay laba nin oo hay’adda shaqo ka rabay hadana aan helin shaqada, sidaasna falkaas u geeystay.

_________________

 

Maxamed Cali

Markacadeey.com

________________

 

Who is a barbarian if those who perpetrated those shameless acts aren't?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this