Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Ismaaciil Aadan Cali Tells truth about the elections Udub of Somaliand

Recommended Posts

Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cali (ismaaciil yare) ayaa shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay gurigiisa magaalada Hargeisa,

 

 

Hargaysa(SNN)Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan (ismaaciil yare) ayaa shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay gurigiisa magaalada Hargeisa, ka dib markii uu ka baxay shirweynihii Xisbiga UDUB oo aan dhamaan kaga waramay arrimo badan oo ay ka mid yihiin murashaxnimadiisii uu doonayay inuu kaga qayb-galo tartanka madaxweynenimo ee xisbiga UDUB dhexdiisa, eedayn ballaadhan oo uu soo jeediyey madaxweyne Rayaale oo uu sheegay inuu ka hayo sir uu sheegay inuu dhawaan soo bandhigi doono iyo weliba guddidii qaban-qaabada shirweynahaas oo uu ku eedeey in ay mareen qaab sharcida xisbiga iyo dimuqraadiyada xisbigaba ka leexsan, isagoo sheegay in uu weli yahay murashax u taagan jagada madaxweynaha ee xisbiga UDUB, isla markaana taageeray murashaxnimada garabkii mucaaridka ahaa ee iyaguna shallay shirweynaha kale qabsaday.

 

 

Ismaaciil Aadan waxaa uu ugu horeyn ka hadlay qaabkii uu ku bilaabay murashaxnimadiisa iyo sababta ku keliftay in aanu ku dhawaaqin shirweynaha ka hor waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “Muddo aan dhawayn niyada waxaan ku hayay in aan isa soo sharaxo oo aan isu soo sharaxo madaxweyne, xaqna waan u lahaa, imikana waan u leeyahay oo aan nasiibkayga ka qaado xisbiga UDUB, marka la dooranayo murashaxa tartanka uga qayb-gelaya, dabadeedna waxaa dhacday Darawal iyo Sandoon in ay ku dhawaaqaan in ay yihiin murashixiin, Darawal wuxuu ahaa Aas-aasayaashii xisbiga, annaga oo aan UDUB ahayn ayuu isagu ahaa. Raggan kale xisbiyada way samaysteen laakiin Rayaale muu samaysane isagoo diyaara oo Marxuumkii diyaariyey oo dhan oo shuruucdii loo dhameeyey ayuunbaa la yidhi ku fadhiiso. Ciddii kula hawlgashayna anniga iyo rag kale ayaa ka mid ahayn. Markaa runtii maan filayn in Darawal oo ku dhawaaqay in weliba ay Rayaale aad isgu dhawaayeen, Ryaalena habeen dhawayd waan u sheegay habeen dhawayd oo aan idhi C/laahi waa ninkii had iyo jeer markaa cid Wasiiirada ah ay wada hadlaan aad garabka siin jirtay,

 

 

waxaa mucjiso noqotay markii C/laahi Darawal is sharaxay ee Sandoona is-sharaxay in ninkii loo diido in aan kaadhkiiba la siin, dadbaa leh muuxuu u doonan waayey, runtii kaadhadhka guriga madaxweyne xigeenka ayaa laga bixinaayay markaa ciddii la doonayo ayuunbaa rag xisbiga ka tirsan guruub guruub loogu dhiibayay, waana laga reebay.” Ayuu yidhi

Ismaaciil Yare waxaa uu sheegay isagoo ka baqnaya in laga reebo shirweynaha in uu ka gaabsaday inuu ku dhawaaqo murashaxnimadiisa “Sidaas daraadeed anigoo ka baqanaya in layga reebo waan doontay, raggii gudida ka mid ahaana waan la xidhiidhay, kumanaan dhawaaqin murashaxnimadayda intaas oo dhan maadaama aan arkayay waxaa meesha ka socda, waxaa meesha laga samaynaayona aanay ahayn wax Dimuqraadiyad toona aanay hayan oo aan la rabin in Rayaale cidna la tartanto..”

 

 

Ismaaciil waxaa uu sharci darro ku tilmaamay xildhibaanadii laga reebay shirweynaha xisbiga UDUB, isagoo ku sheegay in aanu jirrin xeer u diidaya xildhibaanada in loo diido ka qayb-galka shirkaas oo aanay jirin cid ka saari karta xeerka xisbiguna uu dhigaayo in xildhibaanku aanu k bixi Karin xisbiga.

Ismaaciil waxaa uu sheegay in la khiyaameeyey dadkii kaadhadhka shirweynaha loo qaybiyey oo si aanay u ogaan cida ergooyinka ah ama tartanka gelaysa, in kaadhadhka la qeybiyey wakhti danbe oo ah habeenkii burrito oo kale shirku qabsoomayay, isaga laftiisuma uu ka mid ahaa dadka wakhtiga danbe la siiyey, taas oo uu sheegay in uu jaranjarooyin badan u maray helitaanka kaadhka, isla markaana dad uu sheegay in ay yihiin dad aan aqoon lahayn oo waxna akhriyin waxna qorin oo caruur iyo haween u badan laga keenay gobolada dalka si buu yidhi ay u sacabiyaan siddii dawladii Siyaas Barre oo kale.

 

Ismaaciil waxaa uu xusay in uu waraaqihii murashaxnimadiisa ee Mdaxweyne iyo guddoomiyaninada xisbiga uu shallay uu shllay u sheegay in uu soo gudbinayo isla markaana ay ka aqbaleen oo uu kalsooni badan ku qabay haddii tartanka laga ogolaado oo shirka cadaalada loo maamuli lahaa inuu ka guulaysaan lahaa madaxweyne Rayaale, isagoo sheegay in madaxweyne Rayaale aanu ahayn kii hore ee ummadu dooratay oo uu markale saxaafada kaga warami doono “Rayaale maaha kii aynu shallay dooranay Saxaafada danbe ayaana aan kaga warami doonaa si fiican,, maanta waa ni kale ee taa ogaada, midhkaasina waa xaqiiq, waana wax aan aakhiro la geli doono, balse qodob qodob ayaan uga warami doonaa.”

 

Ismaaciil waxaa uu ka hadlay waxyaabihii ku kelifey inuu isu sharaxo madaxweynaha xisbiga UDUB, isagoo sheegay in ay ahayd gurmad uu shacbiga, dalka iyo xisbigaba ah.” Is-sharaxaadaydu waxay ahayd gurmad aan wadanka u gurmanayo, shacbiga aan u gurmanayo, xisbiga aan u gurmanayo nabadgelyada aan u gurmanayo.” Waxaana uu intaa raaciyey “Waan ogahay sidda KULMIYE u dhisanyahay, waan ogahay waxav ku tallo-galeen haddii dhawaaq kale yimaado iyo waxa ay wax yeelayaan. Maaha Riyaalihii shallay ee waa Rayaale kale shacbigu laakiin ma oga.”

 

Ismaaciil waxaa uu sheegay in shirkii saaka la soo gebo-gebeeyey uu aha mid aan lahayn wax ajande ah, muddo gaadhaysa Toddoba sanadood ahna aanay jirrin goob ay isgu yimaadeen guddida fullinta iyo xubnaha dhexe ee xisbiga UDUB.

Ismaaciil yare waxaa uu ka waramay qaabkii uu saaka kaga baxay shirweynaha, isagoo sheegay in markii la qaybiyey xeerka cusub ee loo sameeyey xisbiga markii uu naqdiyey ee uu ku arkay qoddobo ka hor imanaya in cid kale isla soo sharaxdo madaxweynaha iyo xigeenkiisa kaas oo dhigayey buu yidhi in madaxweynihii iyo ku xigeenkii ku guulaystay doorashada Shantii Sanno ee u danbeysey ay noqonayaan murashaxiinta xisbiga, markii uu is yiodhi kacna lagu ballamiyey Askari goobta taagnaa oo lagu amray ciddii kacda in uu goobta ka saaro, “Markii aan kacay Askari ayaa gacantiisa laabta igaga qabtay, aniga askari I dili karaa ma jiro, halkan aan joogaa waa Hargeisa cid aan dillo mooyee ciddi ima dili karto, ciyaal xashiishkii magaalada iyo aas-aaskii beledkan ayaan ahay, askarigiina dib ayaan gacatiisa iskaga tuuray, Cali Warancade oo aan saaxiib nahay ayaa sooo kacay oo yidhi ‘ima dhaafaysid’ xeerka waxbaa laga soo bedelay shirweynuhu xaq ayay u leeyihiin in ay fikirkooda ka dhiibtaan, waxay ahayd in shirgudoonka laga ansixiyo, xeerkii markii la akhriyey ayaan idhi waxbaan ka qabaa, waxanay ahayd in maalintii hore dadka la siiyo, waxaana loo siin waayey in ay ka soo fekeraan,

 

dadku in ay wax fahmaana lama ogola. Markii aan fashiistay ayaa la yidhi ‘waa loo codaynayaa’ halkii laga odhan lahaa yaa wax ka qaba.” Markaa inta ay liis ika soo qorteen ayay shirweynaha odhanyaan noo ansixiya, waana loo ansixinayaa.”

 

 

Maxamed Xarrago

Salalnews, Hargeisa

digtoorka2009@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this