Sign in to follow this  
Jumatatu

Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga ee ku sugan London oo....

Recommended Posts

Jumatatu   

Wafdigii uu hor kacayey Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga ee ku sugan London oo..

 

Waxaa Wafdigii uu hor kacayey Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga ee ku sugnaa dhawaanahan Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magalada London uu la kulmay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda qeybta Afrika u qaabailsan Mr. Martin Lamport iyo Agaasimaha qeybta Afrika u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah Miss Anna Lake & Manu Manthar iyo Mas'uuliyiin kale

 

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Wasaarada Arimaha Dibada ee Dalkan Ingiriiska ayaa la isku dhaafsaday warbixino iyadoo wafdiga DKMG uu halkaa ugu gudbiyey masuuliyiinta ay la kulmeen xaalka Somaaliya hadii ay ahaan laheyd mid siyaasadeed iyo hadii ay ahaan laheyd mid Nololeedba,dhanka Dolwlada Ingiriiska ayaa iyagu uga mahad celiyey wafdiga Dowlad FK qaabka ay warbixinta ugu gudbiyeen waxaana ay sheegeen in dowladooda ay markastaa tageersan tahay nabad ka islaaxdaa Soomaaliya oo idil ayna door muhiima ka qaadatay Shirkii Kenya ee lagu askumay DKMG waxaa ayna Dowlada Ingiriiska ku boorisay wafdiga in dib uheshiisiinta laga soo bilaabay Kenya la dhameystiro qilaafka jirana lagu xaliyo wada hadal.

 

Gacmo1.JPG

Head of the delegation fourth from left.. :D

 

Jawiga Shirkan oo ahaa mid aad ugaasimnaa ayaa waxaa ka muuqday labada dhinacba in ay ka raali ahaayeen kulankooda waxaana dhanka DFKG goob joog uga ahaa Mudane Maxamuud Maxamed Guuleed "Gacma dheere" Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga.Marwo Sahra Cabdiqadir Cabdiraxmaan Wasiirka Kuxigeenka Hormarinta Qoyska.Mudane Ibraahim Cabdula Nuur "Xabeeb" Wasiiru Dowle.Mudane Cali Faqi Wasiiru Dowlaha Kaluunka iyo Qeyraadka Bada.Mudane Maxamed Cusmaan Maye Wasiirka Bay`ada waxaana kulankan soo agaasimay soona qaban qaabiyey Mahadi haka gaarteen laba xubnood oo iyagu ka tirsan Jaaliyada Somalida Ingiriiska ku dhaqan kuwaa oo kala ah Maxamed Xuseen "Owliyo" iyo Cabdiqafaar Ceynsane.

 

Gacmo3.JPG

Maxamed Xuseen "Owliyo"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Helsinke_1.JPG

 

WAFDIGII UU HOGAAMINAYEY WASIIRKA HORUMARINTA REER MIYIGA EE DAWLADA KU MEELGAARKA AH MUDANE MAHAMED MAHAMUUD GUULEED "GACMA DHEERE" IYO BOOQASHADII FINLAND 27 - 28.10.2005

 

Helsinki - Oktoobar 30, 2005

 

Maalinimadii jimcaha ee 28.10. ayey aheyd markii Wafdi balaaran oo ka koobnaa wasiirka horumarinta reer miyiga Mahamed Mahamuud Guuleed, Xildhibaan cabdullahi Cali Cumar "Daad" iyo lataliyaha xafiiska ra'iisul wasaaraha jeneraal Cabdulqaadir Ali Diiriye"Subxaanyo" ay kulamo kala gedisan kula yeesheen hay'ado dhowr ah ee wadankan Finland.

 

Kulamadaasi ayaa waxaa ka mid ahaa mid ay wafdigu kula yeesheen wasaarada arimaha dibeda, wakiilka gaarka ah ee wasiirka arimaha dibeda ee Finland .....iyo Haweeneyda qaabilsan bariga iyo bartamaha afrika ... Ka dib warbixin kooban ee wafdigu soo jeediyey ee ku saabsanayd xaalada dawlada federaalka ee ku meelgaarka ah, iyo waxyaabihii u qabsoomay kadib markii ay wadankeeda usoo guurtay, ayaa waxaa laysku soo qaaday sida ugu wanaagsan ee dawlada Finland ay mar kale uga qayb qaadan karto dib u dhiska wadanka iyo taageero buuxda ee loo fidiyo dawladan ugubka ah.

 

sidii xiriirka labada wadan loo xoojin lahaa oo loogu shaqeyn lahaa qaab dawli ah, maadaama ay soomaaliya dawlad u dhalatay, iyo weliba sidii ay dawlada Finland uga qaadan lahayd door fiican sidii loo dhameystiri lahaa dib u heshiisiinta iyo oofinta balanqaadyadii uu caalamku u balan qaaday DFKMG, maadaama Finland ay tahay sanadka 2006 hogaanka wadamada ku bahoobay Europe ee "European Unionka". iyo sidii sooomaalida faraha badan ee wadankeeda degan ay ugu dhiiri gelin lahayd dawlada Finland sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dibudhiska wadankooda, oo barnaamij wanaagsan loogu sameyn lahaa.

Dhamaana qodobadaasi waa ay soo dhaweysay dawlada Finland, waxayse aad walaac uga muujisay khilaafka dhexyaal hogaanka sare ee dawlada. taasoo ay ku dhiiri gelisay iney ayaguna soo afjaraan sida ugu dhaqsaha badan khilaafkoodaas. Intaa ka dib ayaa waxaa wafdiga galabnimadii loo soo galbiyey xarunta dhalinyarada soomaaliyeed ee Finland "Kanava" oo halkaasi loogu sameeyey afur aad u wanaagsan ooy kula afureen odayaal iyo dhalinyaro halkaasi ku sugayey.

 

Halkaasoo si hoosa laysigu wareysanayey loona kala xog qaadanayey. kulankaasi oo jawigiisu aad u wanaagsanaa ayaa waxaad arkaysay sida soomaalinimada ku jirto ee ay halkaasi ugu soo dhaweeyeen soomaalida Finland xubnihii dawlada ee soo booqday wadanka ay degan yihiin ee Finland. Kulankii habeenimada ee ahaa mid ay dhamaan wada sugayeen reer Finland ayaa ka dhacay Hool weyn oo ay si heer sare ah u diyaariyeen gudigii qabanqaabada kulamada wufuudii gaadhay asbuucii hore Finland. waxaa halkaasi isugu yimid dadweyne aad u fara badan walow ay ahayd bishii barakasneyd ee ramadaan oo dadku taraawiix iyo afurba ku mashquulsanaayeen.

 

Helsinke_2.JPG

 

waxaadna arkaysay hoolkii oo si tartiib tartiib ah usoo buuxsamey markii laga soo baxay salaadii taraawiixda. waxaa ugu horeyntii halkaas khudbado soo dhaweyn iyo fariimo isugu jira ka soo jeediyey gudigii qabanqaabada kulankaas. waxaa sidoo kale ka soo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay Saed Jama Guled oo isagu ku hadlayey magaca bulsho weynta soomaaliyeed ee degan wadanka Finland. intaa kadib ayaa xiriiriyaashii barnaamijka ee Shujaac iyo Saido Mohamed waxay ay makroofanka ku soo dhaweeyeen wasiirka horumarinta reer miyiga Mohamed Mahamuud Gacmadheere, oo isagu halkaas ka soo jeediyey khudbad uu ku cadeynayey ujeedada safarkooda, qorshaha dawlada ee dib u dhiska iyo dib u heshiisiintaba, waxa looga baahan yahay diaspora soomaalida Finland iyo warbixino kale oo aad runtii

 

Helsinke_7.JPG

 

ay dadkii kulankaasi ka soo qayb galay ugu riyaaqeen. Sidoo kale ayaa waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Daad oo isagu aad u daneynayey doorka haweenku ka qaadan karaan dib u dhiska wadanka.

 

 

waxa uu xildhibaanku xusay in dawladii Mohamed Siad ay burburtey ka dib markii ay haweenku dhabarka u duween oo ay kalsoonidii kala noqdeen. Jeneral Subxaanyo oo ka mid ahaa wafdiga wasiirka ayaa isaguna ka hadlay halkaas oo u mahad naqanay dhamaan dadkii soomaaliyeed ee kulankaasi ka qayb galay oo uu ku booriyey in soomaalidu meel kasta oo ay joogto ay gacmaha is qabsato. waxaana uu xusay in DFKMG ay habeen iyo maalinba u taagnaan doonto sidii mar uun loo soo celin lahaa qarankii dumay ee soomaaliyeed, balse ay u baahan tahay dawladu taageerada shacabkeeda. Intaa ka dib ayaa dood iyo suaalo fara badan ka dib la wada heesay oo la qaaday heestii qaranka ee "Soomaaliyey toosoo" iyo heestii kale ee calanka "Qolaba calankeedu waa Caynoo" iyadoo dadku ay soo fuuleen goobtii wafdigu fadhiyey oo ay aad u qiireysnaayeen.

 

waxaa intaa kadib abaalmarino la gudoonsiiyey wafdiga iyo gudigii qabanqaabada iyo soo dhaweynta wafdiga ee ahaa reer Finland. isku soo wada duuboo kulankaasi ayaa ahaa mid aad loosoo abaabulay wafuuduna aad uga cajabiyey sida soomaalinimada iyo xirfadaba leh ee reer Finland ay u diyaarsan yihiin. oo aysan wafdigu usuuro gasheen iney dawlada Finland qaabkan oo kale ula macaamisho madaxda qaranka soomaaliyeed hadii aysan ayagu isku duubnayn. intaa kadib ayaa dhamaan xubnihii wafdigaasu balan qaadeen iney fariintan gaarsiin doonaan madax weynaha iyo raiisul wasaarahaba..

 

Saed Guled - Helsinki

 

 

Warsid Finland

 

Warsid.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Horta Gacmadheere waala yaabee meeshee Groupka Shariifka tagaan maalmo ka bacdi ka daba tag maa la dhahay? Minneapolis ee tageen, waa ugu daba tagay. Toronto sidaas oo gale, waa ka dabo imaaday. Hadana London. Ugu dambeyntiina Helsinki.

 

See camal, walax kale maa jirto aan la socon?

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA, you sound like a novice. All the cities and states the "Sharif group" [what an absurd name] visited are by far the most important areas where the Somali populations in the diaspora reside in. It is only realistic that the government point view should be delivered to these areas. As for the Sharif all he says is "the charter, the charter", which became quite boring after a while..

 

Gacmadere, visited Toronto, MPLS, London, Birmingham UK, Sweden and Finland. In all these locations he met with the people and excanged frank views with those who are against the government and was recieved very well..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this