Sign in to follow this  
General Duke

Time is up for the roadblock project....what next for the TOOL??

Recommended Posts

Isbaarooyinkii oo ku sii badanaya Muqdisho & wakhtigii loo qabtay oo soo dhammaanaya

 

Muqdisho - 18.July.2005 Iyadoo maalinta berri ah ay tahay xilligii kama dambaysta ahayd ee ay go’aansadeen xubnaha labada gole ee DFKMG Soomaaliya, in guud ahaan ay baabi’iyaan isbaarooyinka yaalla gudaha magaalada Muqdisho iyo waddooyinka soo gala ayaa haddana waxaa muuqaneysa in arrintaasi aanay ahayn mid dhab ah.

 

Saansaanta ka muuqata magaalada Muqdisho ayaa tilmaameysa in aanay suurta gal ahayn in maalinta berrito ah la dhammeeyo isbaarooyinka magaalada Muqdisho iyadoo ay ku soo biireen qaar kale oo hor leh.

 

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa lagu arki karayaa dhawr jidgooyo oo ay leeyihiin kooxo hubaysan oo malleyshiyo ah, kuwaas oo sheegay in aanay waxba ka ogeyn go’aankaas, isla markaasna ay isbaarooyinkoodu yihiin kow lama taabtaan ah.

 

Agagaarka wershedaha ee agagaarka Dayniile ayaa la soo dhigay jidgooyooyin cusub oo la sheegay in leeyihiin malleyshiyooyin ay isku beel yihiin Maxamed Qanyare Afrax, mana muuqato in ay qaadayaan, waxan ay ku hubaysan yihiin gaadiidka dagaalka ee tiknikada loo yaqaanno.

 

Sidoo kale, Cismaan Xasan Cali Caato ayaa malleyshiyaadkiisu waxay ku soo celiyeen isbaarooyinkii Ex. Kontorool Afgooye, sidoo kalena wasiirka dhaqan celinta, wasiirka ganacsiga iyo wasiirka macdata iyo biyaha ayaa dhammaantood isbaarooyin u yaallaan gudaha magaalada Muqdisho.

 

MM Dhoorre

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this