Sign in to follow this  
somali citizen

Al-islah polotical - current Goverment

Recommended Posts

Xarakada Al Islaax oo bayaan ay soo saareen maanta kula dar daarmay dowladda Cusub iyo waliba Shacbiga Soomaaliya.

Posted: 2/24/2009 5:21:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

Xarakada Al Islaax ayaa bayaan ay soo saareen maanta waxaa ay talooyin kala kidisan u soo jeediyeen dowladda Cusub iyo waliba Shacbiga Soomaaliya.

 

 

 

Bayaanka ay soo saareen maanta Ururka Al Islaax ayaa waxaa ay ku sheegeen iyagoo ka turjumaya sida ay xuseen guushii ka soo hoyatay shirkii Jabuuti iyo Soomaaliya ugu socday wadankaasi jabuuti in ay u hambaliyaynayaan madaxweynaha Soomaaliya sheikh Shariif Sheekh Axmed,Barlamanka midnimada qaran iyo sidoo kale Ra’iiusl wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali iyo golisiisa Wasiirada.

 

 

 

Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in Ururka Isgaoo isha ku haya dhibaatooyinka xooga laleh ee haysta Umadda Soomaaliyeed iyo waliba dagaanaanshe la’aanta siyaasadeed ayaa waxaa ay soo saareen qodobada hoos ku qoran.

 

 

 

Ururka Waxa uu dowladda KMG Xasuusinayaa in umadda ay ka sugayso hergalinta Shareecada islaamka qeybaha kala duwan ee nolashada sida maamul,garsoor siyaasad,dhaqaale iyo waliba arimaha bulshada iyo hogaanka wanaagsan.

 

 

 

Ururku sidoo kale waxaa uu walaac ka muujiyay tirade Barlamanka iyo tirade Xukuumadda,waxaana bayaanka lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la kabo lana kaashado wada shaqeyn iyo Hufnaan wadata maamul wanaagsan.

 

 

 

Ururku waxaa uu ku boorinayaa dowladda KMG Soomaaliya ee heysata mudada KMG ee gaaban inay ku dadaasho fulinta waajibaadka dastuuriga ee ay ka sugeyso umadda Soomaaliyeed taasi oo ay ka mid tahay soo celinta Amniga iyo kala dambeynta,dhameystirka dib u heshiisiinta qaran,dib u dajinta iyo waliba miisaaniyadda qaran,dajinta dastuur qaran oo ku saleysan shareecada islaamka,dhisidda maamulada gobolada iyo degmooyinka,hergalinta tiro koobka dadweynaha,diyaarinta xeerarka Axsaabta iyo doorashooyinka.

 

 

 

Ururka waxa uu ugu baaqayaa umadda Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladda cusub siiyaana fursad ay wax ugu qaban karto una muujiyaan samir iyo dulqaad,iyadoo xiligaasi gudanaysa shaqadeeda.

 

 

 

Sidoo kale bayaanka ay soo saareen Ururka Al islaax oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Ururkaasi oo lagu magacaabo C/ramaan Macalin C/laahi ayaa lagu sheegay in mahad balaaran ururka uu u soo jeedinayo intii ka qeyb qaadatay guushii dib u heshiisiinta qaran iyo dhisidda dowladda cusub oo ay ugu horeeyaan dowladda Jabuuti,madaxweynaheeda,Xukuumad iyo shacabka iyo sidoo kale wakiilka xoghaya guud ee QM Axmed Walad Cabdala.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

 

 

 

Bayaanka oo qoraal ahna Daawo.

 

 

Daawo Sawirada

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shabelle Media Network - Source of Somalia News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this