Sign in to follow this  
The Zack

Faroole - Farac Gumeysi

Recommended Posts

The Zack   

Faroole, Farac gumeysi

 

KN: Geed Dhacaankiisuu dhalaa, dhulna wixii lagu beero, Cabdiraxmaan Faroole oo ah madaxweynaha Puntland ma ahan wax ka badan faricii gumeysi raaca xili Soomaali inteeda kale ay u doodeysey xoriyad.

 

Ninka soorta quureed cunney, ninka nasabkiisa iibsaday, Faroole kama duwana boqolkii Bari ee sooryada badan ka qaatay Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee kula xididey gabadha kadibna dhexda u galay wiilkii uu sodogo u ahaa isagoo xeerinaya milixda uu beertey ee Raas Xaafuun uga dhoofeysay ee Talyaanigu yara xanibey.

 

Faroole ma ahan wax ka badan dib u xasuusin bogag taariikh madoow oo ay fureen awoowayaashiis iyo aabayoowgiis, kuwii gumeystaha cadka u laadlaadiyey ee dalkii iyo dadkiiba iibsaday.

 

Dhibaatada uu jinsiga Soomaaliyeed ku hayo ka sokoow, waxaa dadka si weyn u wada damqay dhagxumada ninkaasi kasoo yeertey, haddaysan waalidkiisa qubuurta uga soo wacyoon, meel kale kama uusan keenin oraahda ah “Soomaalida Kilika 5 aad iyo NFD ma ahan dad Soomaaliyeed”.

 

Bal eeg abaal dhaca intaasi la’eg, cadka iyo caanaha laga isticmaalo Boosaaso waxaa laga keenaa halka ay degenyihiin dadka uu ku diganayo ee uu leeyahaya “Soomaali ma ahan” cadawgana gacanta u galinayo.

 

Dadka uu ku diganayo waa kuwa shuclada iyo shumaca ka shidey dekeda Boosaaso ee dhoofka iyo soo dagista la’aantood ay inyar suurtogal ahaan lahayd. Maalin kasta Boosaaso waxaa ka shiraacda kolonyo baabuur isjiid ah oo badeecooyin ayu nooc ah u wada deegaanka ay degaan dadka uu ku diganayo.

 

Waa arrin nasiib daro inteeda la’eg ah in shaqsi Soomaalinimo sheeganaya uu ku hadaaqo hadalka qadafka noocaasi ah, waxaase mudan in la xasuusiyo Faroole in Soomaalinimadu aysan ahayn shaati gumeystuhu tolley oo cidii ay la doonaan ay u galiyaan, Soomaalinimadu waa jinsad, af, dhaqan, dhul iyo diin mideysan ah oo aysan wax saameyn ah ku lahayn hadba nidaamka malcuunka ah ee markaasi jira.

 

Hadalka kasoo yeerey Faroole ma ahan mid samaynaya micno ka badan in uu sifeeyo shaqsiyadiisa aqasu naaska ah. Dadka uu ka hadlanayana ma ahan kuwa isaga u daba fadhiya in uu u sheego kuwa ay yihiin jinsad ahaan, waa kuwa fahamsan waaqica jira oo ah in aduunka oo dhan uu la dagaalamayo iyaga sida ay uga go’antahay sare u qaadista sharafta jinsiga Soomaaliyeed darteed.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zack,

 

Have you considered, One man's prostitute daughter, being another man's political tactician?

 

There will those that see things differently no matter how obvious it is. :D

 

Your not going out of business spotting traitors any time soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this