Sign in to follow this  
Xaq

New Banadir Administration

Recommended Posts

Xaq   

Maamul uu gudoomiye ka yahay Maxed Cusmaan Dhagaxtuur oo caawa loo dhisay gobolka Banaadir

Posted: 11/23/2008 8:52:00 PM

 

http://www.shabelle.net

Waxaa caawa la magacaabay Maamul uu gudoomiye ka yahay Maxed Cusmaan Dhagaxtuur oo loo dhisay gobolka Banaadir.

 

Kadib xaflad balaaran oo saakay ilaa caawa ka socotay guriga Raiisul wasaaraha dowlada KMG ah oo maamul loogu samaynayay gobolka Banaadir islamarkaana ay goob joog ka haayeen Raiisul wasaare Nuur Cadde,gudigii KMG ahaa ee gobolka Banaadir iyo golaha deegaanka oo ka kooban ilaa 69-xubnood ayaa gudoomiye luugu doortay Maxed Cusmaan Cali Dhagaxtuur oo horay maamul ugu soo qabtay gobolka Banaadir.

 

 

Xilka gudoomiyenimada maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa u taagnaa Maxed Cusmaan Cali Dhagaxtuur iyo Ing.Maxed Xaaji waxaana ku xigeenka koowaad u taagnaa C/fitaax Ibaraahim Shaaweeye iyo Iimaan jimcaale iyadoo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka labaadna ay u sharaxnaayeen Axmed Aadan Shido iyo C/qani Cusmaan Kabreeto.

 

 

 

Markii ay codayntu dhacday ayaa waxaa 50-cod bixin ku guuleystay Maxed Cusmaan Dhagaxtuur oo noqday gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho kaasi oo xilkaasi haynaya ilaa 4-bilood sidoo kale C/fitaax Ibaarim Shaaweeye ayaa isna ku guulestay 38-cod taasi oo u sabatay in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee maamulka cusub halka ku xigeenka labaad oo ah Axmed Aadan Shido uu helay 35-cod.

 

 

 

Gaba gabdii xaflada ayaa waxaa ka hadlay Raiisul wasaaraha dowlada KMG Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo kula dar daarmay masuuliyiinta la doortay in ay shacabkooda wax u qabtaan islamarkaana ay xooga saaraan arimaha dib u heshiisiinta.

 

 

 

goobta ay doorashadaasi caawa ku soo gab gbowday ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamulkii KMG ahaa ee gobolka Banaadir kaasi oo halkaasi maamulka ugu wareejiyay gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir Max'ed Cusmaan Cali Dhagaxtuur kaasi oo goobta ay xafladu ka dhacday luugu dhaariyay in waajibaadka laa saaray ay si daacad ah u gutaan.

 

 

 

Arintaan maamul u samaynta gobolka Banaadir ayaa ku soo aadeysa xili uu qilaaf baani ka dhex taaganyahay madaxweynaha dowlada C/laahi yuusuf Axmed iyo Raiisul wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde kasi oo markii hore ka dhashay arinta maamulka gobolka Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another magac u yaal maamul. Muxuu qabtay kii hore uu kana qaban karaa?

 

Waxaa yaab ah maamul ku sheegaan waxaa lagu soo dhisay 4.5. Yaab badanaa, tii hore laguma waano qaadan. Waxaa kasii yaab badan dadkii Xamarti qadiimiga ahayd loogu yimid ayaa nus tihiin la leeyahay iyagoo magaaladooda marti weyn loogu ahaan jiray. Maryooleey seenbari maryooleey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this