Sign in to follow this  
Suldaanka

Sanaag Diaspora meets regions' governing authority

Recommended Posts

CeeriKulankaDibada.jpg

CEERIGAABO- XUBNO KASOCDA JAALIYADAHA DEBEDDA EE REER SOMALILAND OO SHIR KU QABTAY MAGAALADA CEERIGAABO.

 

Ceerigaabo (Qarannews) Shirkan oo ka dhacay hoolka shirarka ee Xarunta Maammulka Degmada Ceerigaabo ayaa sida ay sheegeen xubnahan kasocdey qurbe-joogga reer Somaliland waxa ujeeddadiisu ahayd helista xog-warranka guud ahaan gobolka Sanaag, siiba waxyaahaba ugu muhiimsan ee dhinacyada gobolka Sanaag kajira, iyo sidoo kale wixii talo-bixin ee arrimahaas kusaabsan.

 

Haddaba shirkan oo ay ka soo qayb galeen Guddida Horumarinta Gobolka Sanaag, ururrada bulshada rayadka ah saxaafadda madaxa bannaan iyo maammulka heer-gobol iyo degmoba ayaa waqtiga oo koobnaa darteed waxa laysla taab-taabtay arrimaha ugu muhiimsan ee xagga baahiyaadka kajira gobolka Sanaag, waxyaabahaas oo ay qoraal ahaan kuqaateen xubnahan kasocdey jaaliyadaha debedda ee Reer Somaliland.

 

"Fikradda aannu ku soconaynaa waa mid ka dhalatay kulan ballaadhan oo dhowaan qurbe-joogga reer Somaliland isugu yimaaddeen, ayna kazoo qayb galeen dad ka turjumaya dhammaan gobollada Somaliland, islamarkaasna laga qaybiyey guddiyo lixda gobol u kala baxay oo aannu qayb ka nahay, si qiimayn loogusoo sameeyo arrimihii laysku afgartay oo ah arrimaha aannu u soconno waqtigan, annaga oo haddii alle garto dibna idiin kusoo noqon doonna dhowaan". Sidaas waxa yidhi Mr.Cabdi Ismaaciil Yuusuf oo ah madaxa xubnahan weftiga ah, isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaas raaciyey "Waxyaabaha la innooka baahan yahay waxa ka mid ah a) isku duubnaanta guud iyo dawladnimo, b) waxqabadka danta guud oo hebel-hebel iyo dan gaar ah inta layska dhaafo lagu beddelo side wax u qabsannaa, c) gobollada aynu deriska nahay iyo waxyaabaha ka dhacaya sidii saamayntooda looga fekeri lahaa, iyo d) qurbe-jooggeenna aqoonta leh in la adeegsado xag maskaxeed iyo xag dhaqaaleba", wuxuna Mr.Cabdi hadalkiisa kusoo gunaanadey "Saddex dhardhaar ayaynu nahay (xukuumad, qurbe-joog iyo bulshada kale) ee aynu isku tiirsanaanno".

 

Maayorka Degmada Ceerigaab Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, ahna Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid ayaa iyaguna dhinacooda xubnahan weftiga ahwarbixin ka siiyey guud ahaan xaaladda dhabta ah ee dhinaca kastaba ee Degmada Ceerigaabo iyo guud ahaanba Gobolka Sanaagba ka jirta, sidoo kalena xubnahan weftiga ah uga mahad celiyey booqashadan ay kusoo gaadheen.

 

"Iyadoo ay tahay markii ugu horraysey ee Guddida Horumarinta Gobolka Sanaag (intii la aasaasay) iyo Jaaliyadaha debedda ee reer Somaliland ay iskusoo hor fadhiistaan kulan noocan oo kala ah oo si fool ka-fool ah uga wada hadlaan arrimaha kusaabsan Horumarka Gobolkan Sanaag ayaannu idiinku mahad celinaynaa arrintan, sidoo kalena waxannu filaynaa in ay tani noqotoarrin midho dhali karta, horseedna u noqon karta wada shaqayn iyo xidhiidh waxqabad oo dhexmara jaaliyadaha debedaha ee reer Somaliland iyo Guddida Horumarinta Gobolka Sanaag". Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha guddida horumarinta gobolka sanaag Mr.C/casiis.

 

Ugu danbayn Guddida horumarinta Gobolka Sanaag waxay qoraal ahaan kusiiyeen xubnahan weftiga ah shan arrimood oo ah laf-dhabarta dhinaca baahiyaha ugu waaweyn ee ka jira gobolka Sanaag, una baahan in wax laga qabto, looguna horraysiin karo wax kasta oo waxqabad ah oo waqtigu nasiib u siiyo ama u saamaxo gobolka Sanaag, waxyaabahaas oo kala ah:-

 

Dhinaca waxbarashada, siiba jaamacadda lagu talo jiro dhowaan in loo dhiso gobolka Sanaag iyo tayaynta iyo tababbarrada macallimiinta.

 

Dhinaca Caafimaadka oo xilligan gobolka Sanaag aad u liita hadday tahay xag xirfadeed iyo xagga agabka iyo adeeg kale toonna oo aan jirin waqtigan, siiba cusbitaalka guud ee Ceerigaabo sidii loogu gurman lahaa.

 

Waddo la’aanta go’doonka dhigtay guud ahaanba gobolka Sanaag ee kana dhigtay gobolkan mid ka go’an Somaliland inteeda kale, islamarkaasna sababtay in uu gobolku noqdo mid kuxidhmay, lana yeeshay xidhiidhka ganacsi gobollada bari ee Puntlad (Somalia).

 

Xoojinta Nabadgelyada iyo tayaynta ciidammada boliiska xag xirfadeed iyo xag adeegyada kaleba.

 

Waxka qabashada dekedaha yaryar ee Gobolka Sanaag iyo in xukuumadda la gaadhsiiyo oo laga shaqeeyo sidii loo furi lahaa dekedahaas, iyadoo sida guddidu sheegtay sababta ugu weyn ee hortaagan la odhan karo waa cashuurta qaaliga ah ee xukuumaddu u qoondaysay dekedaha dalka, taas oo guddidu soo jeedisey in dekedaha gobolkan Sanaag xukuumaddu hoos u eegto oo laga dhimo cashuurtaas.

 

 

 

Qarannews24

 

Ceerigaabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this