Sign in to follow this  
General Duke

TFG meets with Mogadishu elders pics...

Recommended Posts

IMAAM MAXAMUUD IMAAM CUMAR: "Waxaan u soo joogay dalkaan Maxamed Siyaad kaddib saddex dowladood oo dhalatay, dowladdii ku guulaysatay inay Madaxtooyada dagtana waxay noqotay dowladdaan uu madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf Axmed"

Share this post


Link to post
Share on other sites

(KULAN BALLAARAN OO DHEX MARAY ODAYAASHA DHAQANKA IYO DOWLADDA FEDERAALKA)

 

Dowladda Federaalka Soomaaiya ayaa kulan kulan ay la qaadatay Cuqaasha Soomaaliyeed waxay kaga codsatay inay nabadda dalka ka shaqeeyaan; isla markana ay horumuud u noqdaan nabad ku soo dabbaalidda Caasimadda Soomaaliya.

 

Kulankaan oo ahaa mid ay ka soo qaybgaleen odayaal dhaqameedyo ka socday qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa haddallo ka soo jeediyay cuqaasha qaarkood iyo madaxda Dowladda.

 

Xubnaha Dowladda uga qaybgalay kulankaan oo ay ma mid ahaayeen Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cadde Gaaboow iyo xubno kale oo fara badan ayaa waxay si isku mid uga codsadeen Cuqaasha Soomaaliyeed inay nabaddda ka shaqeeyaan isla markaana ay ka billaabaan howlo ay kala qaybqaadanayaan dowladda sidii ay nabad ugu soo celin lahayd Caasimadda.

 

Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa sheegay in cuqaasha Soomaaliyeed ay ogol yihiin isla markaana ay dowladda kala shaqeynayaan sidii ay dalka nabad ugu soo dabbaali lahayd, waxaana uu yiri mar uu ka hadlayay doorka Hoggaamiye dhaqameedyada:

 

"Anigoo ku hadlaya doorka Cuqaasha iyo hoggaamiye dhaqameedyada Soomaaliyeed, waxaan diyaar u nahay inaan kala shaqeynno dowladda nabad ku soo dabbaalidda dalka oo dhan, gaar ahaan caasimadda oo ah caloosha Soomaaliya, nabad haddii laga waayana dalka oo dhan aan laga helayn nabad iyo kala dambeyn" ayuu yiri Imaam Maxamuud Imaam Cumar.

 

"Waxaan u soo joogay dalkaan Maxamed Siyaad kaddib saddex dowladood oo dhalatay, dowladdii ku guulaysatay inay Madaxtooyada dagtana waxay noqotay dowladdaan uu madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana u arkaa inay tahay dowlad dalka iyo dadka wax u qabanaysa, Madaxweynayaashii kalena waxay madaxtooyo ka dhigteen guryahooda" ayuu yiri Mar kale yiri Imaam Cumar Imaam Cumar.

 

Sidoo kale waxaa hadal dheer halkaas ka soo jeediyay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka codsanayso Madaxda Dhaqanka inay wax kala qabtaan ammaanka Magaalada Muqdisho.

 

"Cuqaasha iyo Odayaal Dhaqameedyada qoraal ka kooban 6-qodob oo ay ku sameeyeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya intii uu socday shirkii dib u heshiisiinta ayay dowladdu ka dhalatay, waxaana ay ku shaqeynayso waxaa ka mid ah qodobbadii ku jiray 6-daas documenti oo ay sameeyeen Odayaasha Dhaqanka" ayuu yiri Prof. Geeddi oo intaas ku daray: "Odayaasha dhaqanka magacaabiddooda ayaan halkaan ku joognaa ee ma nihin kuwo iskood isku magacaabay, waxa aan doonayno waa inay cuqaashu nala shaqeeyaan" ayuu yiri Geeddi.

 

Barnaamijka hub ka dhigista oo uu ka hadlay Geeddi mar kale ayuu sheegay in loo baahan yahay in Odayaal dhaqameedyada ay kala shaqeeyaan ciidammada dowladda sidii nabad lagu sugi lahaa isla markaana hubka lagu ururin lahaa.

 

"Waxaan qiraynaa oo aan inkiri Karin in odayaasha dhaqan qoraalkii ay ku sameeyeen Nairobi uu ka mid ahaa barnaamijka hub ka dhigista, isla markaana laga doonayo cuqaashu in fikradda ay ku dari lahaayeen waxqabadka dowladda ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiyaan dowladda" ayuu yiri Geeddi.

 

Kulankaan ayaa ku soo gabagaboobay jawi is afgarad, waxaana madaxdii halkaas ka hadashay oo isugu jiray Madaxda Dhaqanka iyo kuwa Dowladda ay si wadajir ah u qireen in nabad lagu soo dabbaali Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ay tahay mid loo siman yahay oo aan cid gaar ah mas'uuliyaddeedu saarnayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Caaqil Koogaar: "Dowladda waa in lala shaqeeyo, hana la iska jiro in dowladda laga horyimaado"

Posted to the Web Jan 11, 16:46

 

Muqdisho (PP) - Xafiiska Isku xirka Bulshada iyo Dowladda oo maanta kulan ku yeeshay xaruntiisa ayaa waxay soo jeediyeen in lagama maarmaan ay tahay in dowladda la taageero, maadaama ay dowladdu soo dagtay muddo dheer kaddib caasimadda.

 

 

 

Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar) ayaa isagoo ka hadlayay nabad lagu soo dabbaalo Muqdisho wuxuu sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay qayb ka noqdaan nabad ku soo dabbaalidda Magaalada Muqdisho, isla markaana la taageero dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

"Waa inaan u mahadcelinno Dowladda dariska nala ah ee Ethiopia oo gacan nagu siisay in dowladda ay soo gaarto Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waana in aan la cambaareyn" ayuu yiri Caaqil Koogaar oo intaas ku daray:

 

 

 

"Ayman Al-sawahiri hadalkii uu dhawaan ka jeediyay Telefishinnada caalamka ma ahayn mid dan u ah shacabka Soomaaliyeed, balse wuxuu ahaa mid abuuraya dagaal iyo colleyntan hor leh, waana mid aan leennahay diidnay, mana aqbalayno".

 

 

 

Caaqilka oo mar kale ka hadlay sida lagu nabadeyn karo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayuu sheegay in loo baahan yahay in qof walba oo ka mid ah shacabka uu ku dalaalo in xaafaddiisa uu ka eryo tuugada, isla markaana uu ka celiyo kuwa uu yaqaanno howlaha nabadgalyo xumada ah.

 

 

 

"Kuwa dhibaatooyinka ka wada gudaha Magaalada Muqdisho ha ******** waa la yaqaannaa waana la ogyahay, berrina iyaga ayaa wax laga weydiin doonaan marka la qabto kuwa ay magaalada ku soo dirsadeen ee ay nabadda uga soo horjeedaan" ayuu mar kale yiri Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar).

 

 

 

Sidoo kale maanta ayaa waxaa ka hadlay kulankaas Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Mr. Qalinle oo sheegay in madaxda sarsare ee Dowladda uu gaarsiin doono inuu jiro xafiis dowladda si weyn looga taageersan yahay isla markaana wada howlo uu shacabka ku tusayo wanaagga iyo in loo baahan yahay in nabad lagu soo dabbaalo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

 

 

Kulankii maanta ayaa mid ku soo gabagaboobay si heer sare ah, iyadoo halkaas ay heeso guubaabo ka qaadayeen haweenka ururkaas oo heesaha ay qaadayeen ay u badnaayeen kuwo ay ku guubaabiyaan Dowladda iyo Shacabka Muqdisho.

 

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Xafiiska isku xerka bulshada iyo dowladda oo cod dheeri ku taageeray Dowladda

Khamiis, January 11, 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)-Xafiiska Isku xirka Bulshada iyo Dowladda oo maanta kulan ku yeeshay xaruntiisa ayaa waxay soo jeediyeen in lagama maarmaan ay tahay in dowladda la taageero, maadaama ay dowladdu soo dagtay muddo dheer kaddib caasimadda.

 

Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar) ayaa isagoo ka hadlayay nabad lagu soo dabbaalo Muqdisho wuxuu sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay qayb ka noqdaan nabad ku soo dabbaalidda Magaalada Muqdisho, isla markaana la taageero dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

"Waa inaan u mahadcelinno Dowladda dariska nala ah ee Ethiopia oo gacan nagu siisay in dowladda ay soo gaarto Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waana in aan la cambaareyn" ayuu yiri Caaqil Koogaar oo intaas ku daray:

 

"Ayman Al-sawahiri hadalkii uu dhawaan ka jeediyay Telefishinnada caalamka ma ahayn mid dan u ah shacabka Soomaaliyeed, balse wuxuu ahaa mid abuuraya dagaal iyo colleyntan hor leh, waana mid aan leennahay diidnay, mana aqbalayno".

 

Caaqilka oo mar kale ka hadlay sida lagu nabadeyn karo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayuu sheegay in loo baahan yahay in qof walba oo ka mid ah shacabka uu ku dalaalo in xaafaddiisa uu ka eryo tuugada, isla markaana uu ka celiyo kuwa uu yaqaanno howlaha nabadgalyo xumada ah.

 

"Kuwa dhibaatooyinka ka wada gudaha Magaalada Muqdisho ha ******** waa la yaqaannaa waana la ogyahay, berrina iyaga ayaa wax laga weydiin doonaan marka la qabto kuwa ay magaalada ku soo dirsadeen ee ay nabadda uga soo horjeedaan" ayuu mar kale yiri Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar).

 

Sidoo kale maanta ayaa waxaa ka hadlay kulankaas Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Mr. Qalinle oo sheegay in madaxda sarsare ee Dowladda uu gaarsiin doono inuu jiro xafiis dowladda si weyn looga taageersan yahay isla markaana wada howlo uu shacabka ku tusayo wanaagga iyo in loo baahan yahay in nabad lagu soo dabbaalo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale Googaar oo si weyn u taageeri jiray Maxkamaddaha Islaamiga ee laga awood roonaaday ayaa waxaa uu maanta soo dhoweeyay isbadalka ku yimid caasimada Muqdisho, wuxuuna taageeray dowaldda Federaalka in ay ku shaqeyso Muqdisho.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this