Sign in to follow this  
Fresh2Death

Mareykanka oo cambaareeyay xilka qaadistii Shariif Xasan

Recommended Posts

Lets see what the stooges will do next..

 

 

 

Mogadishu 18, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay talaabada dowladda Somalia ay xilka kaga qaaday afhayeenkii Baarlamanka, taasoo ay ku tilmaamtay mid dhibaato ku ah arimaha dib u heshiisiinta.

Jendayi Frazer

Jendayi-Frazer1.jpg

 

 

Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka ee arimaha Africa Mss. Jendayi Frazer ayaa ku boorisay dowladda Somalia in ay qaadato talaabo wada hadal ah oo ay iska ilowdo waxii horey u dhacay.

 

Jendayo Frazer ayaa hadalkaan ka sheegtay xarunta istaraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ee Washington, iyadoo sheegtay in xilka qaadista Shariif Xasan ay tahay talaabo aan habooneyn, balse loo baahan yahay dib u heshiisiin.

 

Mss. Frazer waxa ay kula talisay dowladda Somalia in ay muujiyaan nidaam fur furan oo xal looga raadiyo mushkiladda Somalia, hasa ahaatee Ciid Badal Max'ed oo ah Wakiil dowladda Somalia u jooga Q.M ayaa taageeray talaabooyinka xilka lagaga qaaday Shariif xasan, isagoo weydiistay Jendayi Frazer in ay ku qanacdo go'aankaasi, waxaana ka rajeynayaa beesha caalamka in ay qadariyaan go'aankaasi.

 

Frazer waxa ay sheegtay in dowladeeda ay xushmeyneyso qaranimada Somalia, laakiin xilka qaadista lagu sameeyay afhayeenka Baarlamanka in ay tahay mid qaldan.

 

Waxa ay intaasi ku dartay in Mas'uuliyiinta maxkamadaha islaamka ay galaan wada hadalada, iyadoo ku boorisay dowladda in ay la heshiiso xubnaha qunyar socodka ee maxkamadihii laga adkaaday, odayaasha qabaa'ilada, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this