Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Hallelujah!! Finally the Nightmare is coming to an end!

Recommended Posts

Tuesday is the day in where the Somali people will be delivered from the last fourteen years Hell. Alle baa madad iska leh. We also congratulate the Gudoomiya Barlaamaanka (Speaker of the Parliament) and the ex-warlords and militias of Moqadisho for removing all Checkpoints (Isbaaro) in and around the near vicinity of Moqadisho and Benadir City.

 

Maanta Maanta waa Maalin Weynee... Oh People celebrite on Tuesday. LEts change Tuesday into No-Isbaaro day. This is truelly Somalias Destination Day and Peace Day.

 

Who would have thought this could ever happen and they did it all by themselves. Mr Yalahow, Caato and Qanyare I salute yo for your courage and love for you people.

 

There goes the argument that Moqadisho isn't safe at all and that we need Axmaaro qurunley.

 

People if they remove all Isbaaro in Moqadisho Ill support our brothers effort in pacifying Moqadisho. To hell with dirty Xabashi Kufaar.

 

Abdullahi Yuusuf has to stop his stubborness. Waa in uu uhoogaansadaa dadkiisa iyo Shacabkiisa meel ka racaa. If it is true ill be in the Mog camp but there is one shuruud they have to deliver now or never.

 

Illaahayaw siduu kheyrka ku jiro naa waa faji inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbaaro

Warbixin xasaasi ah oo ku saabsan Isbaarooyinkii yaalay wadada Muqdisho - Afgooye iyo Dadka iska lahaa amaba ka danbeeyay

 

Isbaarooyinka oo ka mida waxyaabaha laga dhaxlay Dowlad la’aanta iyo dhibaato dalka ku habsatay kadib Burburkii Dowladii Soomaaliya ayaa haddana lagu kala darran yahay, waxaana loo soo qaataa wadada Afgooye ee Muqdisho soo gasha tusaalaha ugu weyn ee fool-xumada isbaarooyinka,iyo Hogaamiyayaasha Muqdisho oo kuligood dhaqaale ka soo galo.

 

dhibaatada wadadaas taalla oo dhowaan soo shaac baxday markii la waayay gawaaridii BL-ka ahayd ee wadadaas isticmaali jirtay ayaanu baaritaan ku sameynay.

 

Waxaan u kuurgalay tirad isbaarooyinkaasi, kooxaha jooga, halka ku xiran yihiin, heybtooda, haddii ay jiraan Siyaasiyiin, Ganacsato ama qeybo kale oo dad la yaqaan ah iyo sida ay lacagaha uga qaadaan gaadiidka wadaddaasi mara. laakiin waxaa xusuusin mudan in warbixin aanay ahayn mid cid gaar ah lagu xumeynayo ama beel gaar ah wax looga sheegayo, oo kaliya ay ku kooban tahay xaqiiqada dhabta ah ee halkaasi ka jirta.

 

Waxaan ku billaabeynaa dhinaca Afgooye marka laga soo galayo Muqdisho inaggoo ka qiyaas qaadaneyna baabuurta BL-ka ee Caasiyada ah ama loo yaqaan HOMEY, oo u badan gaadiidka laga isticmaalo halkaasi, qiimaha halkan ku qoran waa midka laga qaado gawaarida HOMEY,laakiin kuwa xamuulka ah ee waaweyn iyagu lacag ka badan ayaa laga qaadaa:

 

 

 

Xaqiiqada ka jirta ISBAAROOYINKA WADADA AFOOYE-MUQDISHO

 

Halka ay taallo isbaaradda

Cidda heysata isbaaradda FAAHFAAHIN KU SAABSAN CIDDA AY HOOS TAGAAN

Kharashka laga qaado gaadiidka bl-ka

 

Busteejada Afgooye

Xuseen Cirfo (Maamulka Degmada Afgooye)

25,000 Sh. So.

 

Callamada

Maleeshiyo ka amar qaadata Ganacsade C/rashiid Ilqeyte

40,000 Sh. So.

 

Siinka dheer

Ciidamo TNG-dii Carte dhigtay oo Cabdi Qeybdiid ka amar qaata

25,000 Sh. So.

 

Xaraf

Maleeshiyo madax bannaan (Isbaaradan oo dagaal ka dhacay ayay kala wareegeen maleeshiyo beesha Saleeeban ah)

40,000 Sh. So.

 

Weydow

Maleeshiyo madax bannaan

40,000 Sh. So.

 

Isbaaro1

Maleeshiyo madax bannaan

40,000 Sh. So.

 

Isbaaro2

Maleeshiyo madax bannaan (labadan isbaaro ayaa ah kuwo aad isugu dhow isuna muuqda)

40,000 Sh. So.

 

Maslax

Maleeshiyo Ka Amar Qaadata Xildhibaan Xeef

40,000 Sh. So.

 

EX. Koontarool

Maleeshiyo Raacsan Cakaara Ama Ka Amar Qaata WasiirkaHowlaha Guud Cusmaan Caato

40,000 Sh. So.

 

Maxaa isbedelay Axadii kadib? MA ISBAARAA LA QAADAY MISE WAA LA FARSAMEEYAY?

 

Maslax

Maleeshiyo Ka Amar Qaadata Xildhibaan Xeef (Waxaa la isugu soo ururiyay isbaarooyinkii kale marka laga reebo Isbaarada Siinka Dheer ee C/qeybdiid

160,000 Sh. So.

 

Waxaa Xusid Mudan In Guud Ahaan Isbaarooyinka Yaalla Wadada Afgooye Ay Ku Sugan Yihiin Ama Ay Maamulaan Maleeshiyooyin Ku heeb ah Xuseen Caydiid, Marka Laga Reebo Kaliya Isbaarada Afgooye Ee Cirfo Oo Ay Ku Sugan Yihiin Maleeshiyo ku heeb ah Cabdiqaasim ka soo jeeda, dhinaca kale lacagta la bixinayo baabuur kasta waa hal mar maalintii.

 

 

 

Shaqo joojintii ay sameeyeen gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya waddada Afgooye Axadii ayaa ahayd mid uu ka danbeeyay guddoomiyaha Degmada Afgooye Cirfo oo isagu markii uu la hadlayay maleeshiyooyinka isbaarooyinka u taalo waddada ay ku gacan seyreen, wuxuuna ganaax weyn ku soo rogay gawaarida BL-ka oo uu u sheegay inay shaqada joojiyaan baabuurkii shaqeeyana ganaxaas adag la saari doono inta xal looga helayo isbaarooyinkaasi.

 

Dadaal ay sameyeen waxgarad ka tirsan beesha ay arrintani quseyso ayaa lagu sheegay in lagu qaaday guud ahaan isbaarooyinkii yaalay waddada, iyadoo xaqiiqaduna tahay sida shaxdani ka muuqata oo ah in isbaarooyinkii laga soo reebay mid u dhiganta 4 isbaaro iyo mid kale oo lama taabtaan ah, taasoo haddii la sii sarifo noqoneyso in Gaarigii BL ah ee Muqdisho ka baxa si uu Afgooye u tago looga baahan yahay lacag dhan 225,000 Sh.So.

 

CartoonAmiinCaamirMeles%20iyo%20Mooriyaa

Meles iyo Mooriyaanta Muqdisho oo Qaranka ..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadaalka loogu jiro nabadeynta gobolka Banaadir ayaa guuldaro ku dhamaan doono haddii aan wax laga qaban 43 Isbaaro oo yaala gudaha Muqdisho

 

Dadaalka loogu jiro nabadeynta gobolka Banaadir oo ay wadaan xubna ka tirsan baarlamaanka iyo dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa guuldaro ku dhamaan doonta haddii aan wax laga qaban 43 Isbaaro oo yaala magaalada Muqdisho gudaheeda.

 

Isbaarooyinkan oo lagu qaado lacago sharci daro ah ayaa ku teedsan Isgosyada magaalada Muqdisho waxaana dil loogu geystaa mararka qaar Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

 

Sidoo kale maleeshiyooyinka ayaa ku dagaalama jidgooyooyinka iyagoo iska horimaad hubeysan oo sababa dhimasho iyo dhaawac uu halkaas ka dhasho iyadoo inta badan ay ku diriraan maleeshiyooyinka qaabka ay u qeybsanayaan lacagaha ay ka qaadaan gaadiidka mara gudaha magaalada Muqdisho.

 

Isbaarooyinka yaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa u yaala qaabkan sida ay weriayaasha HornAfrik ku warramayaan, degmada Madiina ilaa xaafada Buula Xuubey waxaa yaala Toddoba Isbaaro oo maleeshiyooyinka ku sugan ay kala taageeraan wasiirka ganacsiga Muuse Suudi, Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Ceydiid, wasiirka arrimaha diinta iyo Owqaafta Cumar Finish iyo maleeshiyo ku heyb ah Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan iyo kuwa kale oo ku heyb ah wasiirka hormarinta Reer miyiga Maxamed Maxamuud Gacmadheer.

 

Wadada wadnaha isgoyska Bakaaraha ilaa Isgoyska Sanca waxaa yaala ilaa Toddoba Isbaaro oo maleeshiyooyinka ku sugan ay taageeraan Maxamed Qanyare Afrax wasiirka ammaanka Qaranka, Xuseen Ceydiid wasiirka arrimaha gudaha, maxkamadaha Islaamiga oo iyaga isbaarooyin ku leh iyo maleeshiyooyin aan cidna ka amar qaadan.

 

Isgoyska SOS ilaa dekadda Ceel Macaan waxaa yaala Afar Isbaaro oo maleeshiyooyinka ku sugan ay ka amar qaataan maxkamadaha Islaamiga, ganacsade Bashiir Raage, shirkadda Banaadir, iyo kuwa aan cidna ka amar qaadan.

 

Suuqa Xoolaha ilaa iyo Sanca waxaa yaala Afar Isbaaro oo maleeshiyooyinka ku sugan ay ka amar qaataan wasiirka dhaqan celinta dowladda Fedraaliga Soomaaliya Bootaan Ciise iyo kuwa maleeshiyo beeleed ah.

 

Isgoyska Fagax ilaa Baar Ayaan waxaa yaala Sadax Isbaaro oo maleeshiyooyinka ku sugan ay la shaqeeyaan maxkamadaha Islaamiga iyo kuwa madax banaan.

 

Suuq Bacaad ilaa iyo Hotelkii Jubba waxaa yaala Sadax Isbaaro waxa ayna ka amar qaataan Xildhibaan Cabdulaahi Geedi Shadoor, ganacsade Bashiir Raage iyo Cabduqaadir Beebe.

 

Nasiib Buundo ilaa iyo Villa Somalia waxaa yaala Afar Isbaaro maleeshiyooyinka ku sugana waxa ay taageeraan Xuseen Ceydiid iyo kuwa kale oo ah maleeshiyo beeleedyo.

 

Bankigii Ganacsiga ilaa degmada Kaaraan waxaa yaala Shan Isbaaro waxa ayna ka amar qaataan Muuse Suudi Yalaxow Ing. Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ah xildhibaanada iyo ganacsade Bashiir Raage Shiiraar.

 

Isgoyska Dabka ilaa iyo Buundada labaad ee Xamar jajab waxaa yaala isbaarooyin maleeshiyaadka ku sugana waxa ay isku heyb yihiin Muuse Suudi iyo xildhibaan Ibraaim Jeebo.

 

Xaafada Gubta Isgoyska Black sea iyo agagaarka wasaaradii Gaashaandhiga waxaa yaala Sadax Isbaaro oo maleeshiyooyinka jooga ay ka amar qaataan Maxamed Qanyare maxkamadaha iyo kuwa beeleedyo.

 

Tirada isbaarooyinkan ayaa noqonaya 43 Isbaaro oo dhamaantood qeyb ka ah xasilooni darida ka jirtay magaalada Muqdisho, haddii aan lagu guuleysan qaadista isbaarooyinkan yaala gudaha Muqdisho oo aan laga dhabeyn dadaalka imminka loogu jiro in dib loo soo celiyo xasiloonida Muqdisho ayaa waxa ay taasi keeni kartaa dhibaatooyin baaxad weyn.

 

Dhinaca kale, waxaa lagu guuleystay in la qaado dhowr isbaaro oo teedsanaa wadada Afgooye ilaa magaalada Muqdisho kuwaas oo maleeshiyooyinka ku sugan ay ka amar qaataan Xuseen Ceydiid, Cismaan Caato, Xildhibaan Axmed Ducaale Xaaf iyo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ee dhawaan la magacaabay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

 

Ololahaan lagula dagaalamayo isbaarada haddii aan la sii wadin waxaa meel cidla ah ku dhamaan doono dadaalka loogu jiro nabadeynta Muqdisho waxayna tan fursad siin diintaa hadafkooda siyaasadeed inuu meel maro siyaasiinta ku doodeysa in Muqdisho aan la tagi karin isbaarooyinka iyo xasiloon darida ka jirta awgeed taas oo laga yaabo in beesha caalamka ay ku taageeraan fekerkaas.

 

Maalmihii la soo dhaafay waxaa ku sugnaa Muqdisho xildhibaano ku howlan meel marinta iyo hirgalinta heshiiskii madaxda Muqdisho ay dhawaan gaareen waxa ayna la kulmeen intii ay joogeen Muqdisho dhamaan dhinacyada u taliya maleeshiyooyinka Muqdisho ku sugan mana jiraan cid diidan qorshaha ay wadaan xildhibaanadaas balse shacabka waxa ay sugayaan wax ka qabadka dhabta ah ee arrinta loo soo qaaday.

 

Dhinaca kale, shaki ayey ka muujinayaan wadayasha Gaadiidka ka shaqeeya Afgooye sii joogitaanka maleeshiyaadka lacagaha leejada ka qaadan jiray gaadiidka isaga kala goosha wadadaas oo weli ku sugan goobahaas.

 

Shakiga ay qabaan Wadayaasha Gaadiidka ayaa ah inay dib u soo laabtaan qaadashada lacagihii xaddhaafka ahaa ee sababay inay shaqo joojin ku dhaqaaqaan.

 

Goobaha ay haatan maleeshiyaadka ku sugan yihiin ayaa ah goobihii markii hore fariisimaadka ka dhigteen oo ku yaala wadada isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.

 

Kooxahan oo jidgooyooyinka u tiilay wadadaas ayaa waxaa muuqaneysa in aaney weli ka rajo dhigin qaadashada lacagaha maadama waxgarad badan labadii maalmood ee la soo dhaafay ay isku howleen wax ka qabashada isbaarooyinka yaala inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho.

 

Mid ka mid ah wadayaasha ka shaqeeya wadada dheer ee Afgooye iyo Muqdisho ayaa manta HornAfrik u sheegay inay ka warsugayaan guddi Gaadiidley ah oo kulan la yeelanaya waxgaradka ay ka soo jeedaan maleeshiyaadka weli ku sugan wadadaas

 

April 05, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

SomAmiin%20Caamir%20Badda.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbaarooyinka yaala gudaha Muqdisho ayaa maalin walba waxaa kasoo xarooda dakhli aad u fara badan iyagoo gacanta u gala hoggaamiyayasha kooxaha iyo qolooyin kale.

 

Cabdulaahi Kulmiye Cadow. Muqdisho, Soomaaliya.

 

Ilaa lix boqol oo milyan “600,000,000†Sh.So ayaa maalin kasta maleeshiyooyinka ku sugan isbaarooyinka teedsan inta u dhaxeysa dekedda Ceel Macaan, suuqa Bakaaraha ilaa iyo wadada Wadnaha maalin walba kasoo gala, iyagoo lacagahana ka qaada gaadiidka xamuulka ah iyo kuwa rakaabka isaga kala goosha wadooyinkaasi.

 

Isbaarooyinka yaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa aysan aheyn kuwo ku cusub indhaha shacabka, waxeyna dhamaantood u kala yaalaan hoggaamiyayaasha siyaasadda, ganacsatada iyo maxkamadaha Islaamiga ah marka laga reebo qaar tiro yar oo maleeshiyada joogta ay dusha ka ilaashadaan beelaha ay kasoo jeedaan.

 

Wadada isku xirta dekedda dabiiciga ah ee Ceel Macaan iyo suuqa Bakaaraha ee soo marta iyada dhanka isbitaalka SoS ayey yaalaan afar isbaaro, oo gaadiidka xamuulka ah ee raashiinka kasoo qaada dekedda Ceel Macaan midkiiba lagaga qaado lix boqol oo kun “600,000†Sh.So, halka kuwa Bagaashka ee wadadaasi soo mara laga qaado lacag kudhow sideed boqol oo kun “800,000†Sh.So ah, sida uu HornAfrik u xaqiijiyey darawal lagu magacaabo Cali Diini Xoosh “Cali Awooweâ€, oo intaasi raaciyey in maalintiiba wadadaasi ay isticmaalaan qiyaas dhan sagaashan “90†baabuur oo dhamaantood badeecado kala duwan keena suuqyada magaalada Muqdisho.

 

Waxaa kaloo wadahaasi uu sheegay in isbaarooyinkaas afarta ah ay yihiin kuwo qaarkood u kala yaala hab beeleed, halka kuwa kale uu sheegay iney yihiin kuwo ay iyagu leeyihiin maxkamadaha Islaamiga ah.

 

Wadada Wadnaha oo ah wadada ugu isbaarada badan gudaha magaalada Muqdisho wadooyinka mara, ayaa waxa ay lacago uga baxaan darawalada ka shaqeeya gaadiidka bi’elka ah noocyadiisa kala duwan iyo kuwa xamuulka ah ee iyagu isticmaala wadadaasi, sida uu ku waramayo wade gaari Coaster oo lagu magacaabo Cali Maxamed Yuusuf.

 

Waxaa wadada Wadnaha ka shaqeeya shan iyo sideetan “85†gaari oo nooca Coasterka ah midkiibana ay kabaxdo maalintiiba lacag dhan laba boqol iyo labaatan “220†Sh.So, waxaana lacagahaasi oo kale laga qaadaa xaajiyadaha ka shaqeeya inta u dhaxeysa suuqa Bakaaraha iyo degmada Xamar Weyne oo gaaraya todobaatan “70†baabuur, oo midkiiba laga qaado afartan kun “40,000†Sh.So, iyo boqol “100†caasi oo ka shaqeeya inta u dhaxeysa isgoyska Bakaaraha iyo isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan oo midkiiba laga qaado lacag dhan soddon kun “30,000†Sh.So.

 

Lacagahan gaaraya lixda boqol ee milyan “600,000,000†Sh.So ee u dhiganta US $40,000 ayaa lagu ogaadey baaritaan la sameeyey iney dakhli ahaan u helaan maalin walba isbaarooyinka wadadaasi wadnaha iyo kuwa ku teedsan dekedda dabiiciga ah ee Ceel Macaan iyo wadada u dhaxeysa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

Isbaarooyinka ku dhowaad kontonka “50†sii cagacageynaya ayaa qaar ka mid ah milkiilayaasha gaadiidka xamuulka iyo bi’elka waxa ay HornAfrik u sheegeen in maleeshiyooyinka la xareynayo ay ku filnaan doonto lacagaha iyaga laga qaado oo maalin kasta uga baxdo isbaarada.

 

Goobahan isbaarooyinka ayaa inta badani dadku waxa ay kala kulmaan khataro aad u badan iyagoo haddana oggol iney lacag ku bixiyaan maleeshiyooyinka halkaasi fariisamada ka dhigtey.

 

Wasiirka ganacsiga dowlada federaalka Soomaaliya Muuse Suudi Yalaxow oo isagu u waramayey iddaacadda HornAfrik ayaa sheegay in maleeshiyoyinkaasi ay yihiin kuwii ciidamada mustaqbalka dalka u noqon lahaa.

 

Xubnaha labada gole ee dowlada kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa horyaala iney wax ka qabtaan isbaarooyinkan bulshada dhibaatada badan ku haya, oo maleeshiyooyinka ay madaxda u yihiin dhaqaalo fara badani uu kasoo galo maalin kasta, iyagoo talaabadii u horeysay ee in waxloogu qabto magaalada Muqdisho ka dhigey iney soo eegaan xeraada Hiil Weyne oo la damacsan yahay iney noqoto xerada ugu horeysa ee dib loogu dhaqan celiyo maleeshiyooyinka ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Lacagahan lixda boqol ee milyan “600,000,000†Sh.So ayaa intooda badani waxa ay ka baxaan jeebka shacabka, iyadoo ganacsataduna ay markaasi dulsaar ku sameeyaan badeecooyinka ay soo galiyaan magaalada Muqdisho, ee iyagu lacagaha isbaarada uga baxdey dib ugu dalaca shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, taasoo dhibaato ah qof kasta oo ku nool magaalada Muqdisho maantana damacsan inuu nolol ka raadsado guddaha magaalada Muqdisho.

 

April 21 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this