Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Siilaanyo oo lagu eedeeyey inuu beddelay Mowqifkiisii Somaliland-nimo

Recommended Posts

Eedaymaha labada nin u soo jeediyeen Axmed Siilaanyo waa kuwo laga abaabulay Hargeysa gudaheeda”

02/03/2004

 

Burco (Jamhuuriya.net) – Xafiiska KULMIYE ee Gobolka Togdheer, ayaa jawaab ka bixiyay Eedaymo ay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo, u soo jeediyeen laba xubnood oo sheegay, in ay ka baxeen Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo hore uga tirsanaa Xubnaha xisbiga ee Gobolka Togdheer.

Labadaas Xubnood oo kala ah Mustafe Maxamed Cali iyo Saleebaan Ibraahim Maxamed oo sheegay, in ay ku biireen xisbiga UDUB, kadib, markii ay ka baxeen KULMIYE, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa tododbaadkii hore, waxa ay ku eedeeyeen Mudane Axmed Siilaanyo inuu beddelay Mowqifkiisii Somaliland-nimo, taageerayna shirka Kooxaha Soomaaliya ee Nayroobi.

 

War-saxaafadeed uu soo saaray ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga ee Gobolka Togdheer, Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Xidig), waxa uu ku beeniyey eedaymaha ay labadaas xubnood u soo jeediyeen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo, In aan dhammaantood waxba ka jirin, oo ay yihiin Been abuur.

 

“Waxaan caddaynayaa in aan eedaymahaa labadaa xubnood u soo jeediyeen Guddoomiyaha iyo afhayeenka Xisbiga KULMIYE, aan waxba ka jirin, oo ay yihiin been-abuur iyo meel ka dhac laga qorsheeyay Hargeysa gudaheeda,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Maxamed Xasan.

 

Wuxuu intaas ku daray Mr. Xidig, in shirkaas uu ku qabtay Burco Guddoomuyuhu aanu kaga hadlin arrimaha ay ku eedeeyeen iyo wax u eg toona, balse shirkaasi uu ahaa xog waran ku saabsan socdaalkii Guddoomiyuhu ku soo maray Wadamo dibadda ah iyo kor u qaadida hawlaha Xisbiga ee gobolka.

 

Isla markaana, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu fagaaraha khayriyadda uu Shacbiga Burco uga caddeeyay mowqifka Xisbiga KULMIYE ee ku wajahan xaaladda Gobolka Sool iyo Shirka Kooxaha Soomaalida uga socda Kenya.

 

Wuxu kale oo tilmaamay Mr. Xidig, in xubnahaasi ay gef iyo aflagaado badheedh ah u geysteen, Xisbi ahaan iyo Gobol ahaanba, markii ay xubnihii shirkaas ka qayb galay ku tilmaameen in ay ahaayeen dhammaantood beesha uu ka soo jeedo Axmed Siilaanyo, “Fadhigu ma ahayn mid loo nisbayn karo Qabiil, xubnihii ka qayb galay oo Soddon ka badnaa waxay ahaayeen Xisbi shiraya ee ma ahayn Beelo shiraya.”

 

Mr. Xidig, wuxuu sheegay in xubaha eedaynta soo jeediyey ay Burco ka yimaadeen iyaga oo cabasho kale sita, balse arrinta laga abaabulay Hargaysa, waxaanu tilmaamay, in xubnahan eedaynta soo jeediyey ay shirkooda jaraa’id ku qabteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

 

Haddaba, waxa su’aali ka taagan tahay waxa loogu soo hagaagayo Wasaaradda Daakhiliga ee ummadda reer Somaliland dhexda u ahayd, haddii ay noqotay Xafiiskii UDUB?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this