Sign in to follow this  
Maaddeey

Abshir Nur Farah 'BACADLE': ha layska dhacsho Gaalada Gaalo-Raacyada

Recommended Posts

Maaddeey   

Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay ku dhaqaaqaan wax kasta oo ay isaga difaaci karaan Maleeshiyaadka Dowladda KMG ah iyo AMISOM oo Xasuuq ka wado magaalada.

 

Abwaan Abshir Nuur faarax Bacadle gudoomiyaha golaha Abwaaniinta Islaamiga ayaa markii ugu horaysay ugu baaqay in ay kacdoon sameeyaan shacabka magaalada Muqdisho ee ka daalay xasuuqa AMISOM.

 

Abshir Bacadle wuxuu si cad u taageeray xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo uu sheegay in ay yihiin Mujaahidiin utaagan sidii Somaliya loogu dhaqi lahaa shareecada Islaamka.

 

Abwaanka oo waraysi kala gedisan siiyay saxaafadda Muqdisho ayaa shacabka ka raali geliyay Khaladkii ka dhacay xiligii ay magaalada Muqdisho soo caga dhigatay Dowladda kMG ah ee shariif Madaxda ka yahay.

 

Wuxuu sheegay in xiligii lasoo doortay shariifka uu xarunta baarlamaanka tegay islamarkaana uusoo dhaweeyay go'aankoodii ahaa ku dhaqanka shareecada ayaan qaadanay ee baarlamanka balse arrinkaasi isku bedelay in ay shisheeye aan Muslim ahayn kaashadaan shacab badan ku lahaayeen AMISOM.

 

"Muslim wax u sheeg waxna ka qaado ayaa layiri ee Markii aan baarlamanka u tegay waxaan iri Riddo ayaa laydinku sheegee ashahaata xataa anigaa Towxiidka uqabtay laakin hal xukun oo islaami ah ma fulin gaaladii ayay Muslimiinta ku laayeen anigu sanam meel iska taagan maahi waxbaan fahmay waana ka laabtay Fikirkaas"ayuu yiri Abshir Bacadle.

 

Bacadle oo wax laga weydiiyay Fikirkiisa ku aadan shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul islaam ayaa ku jawaabay "been ilaahaa caayay shabaabul Mujaahidiin waa niman ay ka go'antahay ku dhaqanka shareecada islaamka xisbigana sidaas oo kale khaladaadna wuu ka dhici karaa laakin qolada KMG ah iyo Ahlusuna kuwa labaxay gaalada ayay u adeegaan"ayuu si cad u yiri Bacadle.

 

Gudoomiyaha Golaha Abwaaniinta wuxuu ugu baaqay shacabka in ay Maal in yo nafba diinta ku difaacaan islamarkaana ay iska qabtaan AMISOM "Shacabku waa in ay Dibad baxyo dhigaan oo ay muujiyaan sida ay u diidanyihiin gumaadka gaalada AMISOM, Soomaali hadaan nahay AMISOM khasaara ayaan ku qabnaa mid caqiido, mid deegaan iyo mid dhaqaale waa in aan kuwaan iska qabanaa"ayuu hadlakiisa sii raaciyay Abwaan Abshir.

 

Xoogaga Islaamiyiinta oo u dhabar adaygay Dacaayado iyo ceebayn ay ku mutaysteen dagaalada ay kula jiraan AMISOM,DKMG ah iyo Qabuura galeenka ayaa sanad kadib helay taageeradii ay ku lahaayeen shacabka taas oo muujinaysa in Fikirka Islaamiyiinta uu ahaa mid xaq ah kuwa diidanaa halgankoodana ay khaldanaayeen.

 

Golihii Abwaaniinta oo kala tegay ayaa hadda dib boorka isaga jafay waxayna bilaabeen in ay baraarujiyaan shacabka Muqdisho, Abwaan Abshir Bacadle iyo taakow macalin Ciise ayaa maalmahan magaalada ka wado baraarujin dhanka shacabka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Waa iska khayr jecelyahay! sidaasuu Shariif u taageeray markii uu yimid, haddase runtuu arkay!, horena qaladaad sidaas oo kale ah waa jiraan, lakin: KULLU 'BNI AADAM KHADHAA'UUN....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this