Sign in to follow this  
NASSIR

Gen. Cadde sacks prominent officer who took part the war btw 'him' $ A/Y

Recommended Posts

NASSIR   

Madaxweynaha Puntland oo durbaba bilaabay koox kooxaysi iyo isagoo xilkii ka xayuubiyey Taliyihii Ciidanka Asluubta ee Puntland Col. Maxamed Jaamac (IndhoYare ) 2/2/05

 

Boosaaso: (dhahar.com) Warar xog ogaal ah oo aanu ka helnay Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya inuu Jeneraal Cadde Muuse Xirsi ka xayuubiyey Xilkii Taliyihii Ciidanka Asluuubta Puntland Gaashaanle Sare Indho Yare , iyadoo la sheegayo inuu Jeneralaaku Xilkaasi u magacaabi doono Gaashaanle Sare Xirsi Gaataa oo horay u ahaan jiray Taliye Ciidan Boolis oo Maamulka Puntland ah .

 

 

Wararkaasi waxay intaas ku darayaan in Jeneraalku uu wado ka sifayn uu Maamulkiisa kaga sifaynayo Dadka ka soo jeeda Gobolka Sanaag , gaar ahaan kuwa uu ku tuhmayey inay horey ula soo shaqeeyeen Xukuumaddii C/laahi Yuusuf xilligii uu dib usoo celineyey Puntland kala danbaynteeda , isla markaasina kasoo horjeeday Xukuumaddii Jaamac Cali Jaamac iyo Isbahaysigii Beesha Cismaan Maxamuud ee uu Cadde Muuse Hogaamiyaha uu ahaa ee la magac baxday Golaha Badbaadada Puntland (GBP).

 

 

Arrinku siduu doonaba ha noqdaa waxaan la gadhanayn collaada weyn ee uu Madaxweynaha Puntland ee dhawaan la doortay u qabo Dadka kasoo jeeda Deegaanka Gobolka Sanaag iyadoo laga eegayey in dadku isku mid u noqdaan,oo uu madaxweyne u wada yahay dadkoo idil isagoo aan u eegin Ciddii kasoo horjeeday iyo cid kale .

 

Waxaan shaki ku jirin in Qalinka Gen Cadde aanuba marnaba qori karin Cid Macne leh oo Gobolkaasi ka soo jeeda iyo weliba inuu ku tiiqtiiqsanayo Xumayntooda iyo isagoo aanba ku darin Guddiyada Maamul ee loo xilsaaray Masiibooyinka Tsnami iyo Ilaha Dhaqaale iyo Ciidan toona .

 

 

Qaybo dadka kamid ah ayaa ku tilmaamaya in uu Madaxweynuhu waa Jeneraaal Cadde 'e Aargoosi ugu jiro Dhamaan Dadkii ku lidka ahaa xilligii uu Jabhadaynayey iyo weliba Dadka uu is leeyahay waxay aqoon dheer u leeyihiin Siyaasadda iyo Maamulka , iyadoo uu Madaxweyne Cadde hayo sida ay sheegayaan Tubtii lagu riday Maamulkii Jaamac Cali Jaamac ee Beel la tashiga , sedbursiga iyo Jilicsanaaanta ku caanka ahaa .

 

 

Dhanka kale waxaa jira awoodo is kaashanaya oo kasoo jeeda Gobolka Sanaag oo wada dedaal ay ku doonayaan inay ka goostaan Maamulka Puntland maadaama uu Gen. Cadde wado Colaad lid ku ah Gobolka Sanaag iyo Siyaasiyiintiisa mar hadiiba uu ku gaadhay Kursigii uu Waqtiga badan usoo halgamayey oo uu ku waayey inuu qori ku qabsado balse loogu hiiliyey in Cod lagu gaadhsiiyo halkaasi .

 

 

Sedbursiga Cadde Muuse iyo koox jeclaysigiisa ka dhanka ah Mas'uuliyiinta kasoo jeeda Gobolka Sanaag ma ahan oo qura tan uu wado ee waxaa jirta sida ay noo sheegeen Xildhibaano ka tirsan Beesha Warsan**** in uu qaabili waayey oo uu ka baxay Heshiis uu la galay oo ahaa inuu Siin doono Waxay xaq u leeyihiin iyo Awood Qaybsi Cadaalad ku salaysan , iyo weliba Wasaarado Mug leh iyo Jagooyinkii ay horay u hayeen kadib markii ay u codeeyeen oo la xaqiijiyey in codadka uu kaga guulaystay Maxamed Cabdi Xaashi ay ahaayeen kuwa uu ka helay 9 Xildhibaan oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag .

 

 

Isku soo xooriyoo waxa Arrinku isugu biyo shubanayaa in ay Puntland noqotay Maanta mid gacanta ugu jirta Jeneraal Reer Koonfureed ah oo aaminsin Digtaatooriyad ku salaysan Boqortooyo doon ahna Nin usoo halgamey oo aargaaso doon ah isla markaasina aan marnaba dheg u jalqin doonin cid kasta oo ka hadasha Demoqraadiyada , Awood qaybsi iyo xaqsoor intaba .

 

Maxamed Cabdi Ibraahim

moha_abdi@dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this