Sign in to follow this  
Dr Ligle

Puntland Galkacyo Diaspora Hold Meeting. London

Recommended Posts

Dr Ligle   

SANY1567-w800-h600.jpg

SANY1549-w800-h600.jpg

SANY1550-w800-h600.jpg

SANY1560-w800-h600.jpg

 

Kulan Lagu Qabtey London oo Looga Hadlay Falalkii Amaandarada ahaa ee Gaalkacyo Ka dhacay (Sawiro)

 

September 1, 2009 filed under

 

Ahmed Yasir

Horseed Media

London UK

 

Kulankan oo ahaa mid ay kasoo qaybgaleen culimada diinta, aqoonyahanka, iyo waxgarad ka tirsan jaaliyada reer Puntland ee ku nool Magaalada London.

 

Waxaa shirkan diirada lagu saarayey dilalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo mudooyinkii u danbeeyey iyo sidii wax looga qaban lahaa, waxaana laga soo saaray baaq iyo talo soo jeedin ku aadan xalka arrimahaas.

 

Sidoo kale waxaa alle loo baryey looguna duceeyey kulankaas dadkii falalkaas ku nafwaayey oo ay ka mid ahaayeed wasiirkii warfaafinta Puntland warsame Cabdi Shirwac oo 5tii Ougst lagu dilay Gaalkacyo iyo waliba culimo wadaadada tabliiqa ahaa ee iyaguna lagu dilay isla magaalada Gaalkacyo.

 

Waxaa lagu booriyey in dowlada Puntland ay sii wado dedaalka iyo xasilinta ay ugu jirto Gobolka, waxaana lagu amaanay dowrka ay xukuumada Puntland ka qaadatay nabadeynta magaalada Gaalkacyo.

 

Dadkii kulankaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyha Jaaliyada Puntland Prof.Warfaa A. Garweyne oo ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay nabada, isagoo xusay in loo baahan yahay in colaadaha ka taagan Mudug iyo Ufeyn ee macno darrada ah loo baahan yahay in laga waantoobo.

 

Sawiro Badan Halkan Ka daawo

 

Mukhtaar Sh, Osman oo isaguna u hadlayey culimada ayaa sharxay in qofkii qof dila uu mudanyo cadaab aakhiro, waxaan ka codsan lahaa daalimiintii wax dishay ee culimada iyo wasiirkaba dilay in la soo qabto oo cadaalada la horkeeno.

 

Yusuf Nuur Osman oo isaguna aqoonyahanka u hadlayey ayaa sheegay in dowlada kaligeed aan waxba laga sugin oo la la shaqeeyo si ay dowladu markaas howsheeda u gudato, laakiin dowladu kaligeed danbiilaha masoo qaban karto, hadii ay shacabku gadaal marsadaan danbiilayaasha.

 

Kulankaas waxaa loogu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Ufeyn in ay dagaalka ku joojiyaan si shuruud la,aan ah oo ay miiska wadahadalka fariistaan.

 

Dhamaan dadkii kasoo qaybgalay waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dilalka iyo aanooyinka qabiilka ku dhisan oo ay dadku wali ka waantoobi la,yihiin, waxaana dhamaan Bulshada reer Puntland lagu adkeeyey inay ilaashadaan nabadooda oo ay gacan siiyaan dowlada Puntland.

 

Ugu danbayntii C/rashiid Mohamed Daahir oo shirka soo agaasimay ayaa u mahadceliyey kasoo qaybgalayaasha shirka ,wuxuuna dadkii goobjooga ahaa kula dar-daarmay in dadku ay wax walba uga tagaan nabada darteed, oo dhibta la xakameeyo intii qof muslim ah oo aan waxba galabsan loogu dili lahaa aano qabiil.

 

Source: http://horseedmedia. net/2009/09/kulan-la gu-qabtey-london-oo- looga-hadlay-falalki i-amaandarada-ahaa-e e-gaalkacyo-ka-dhaca y/

 

Good on you boys. Excellent to see Galkacyo diaspora realizing that something needs to be done regarding that city's security.

 

See Recognition of the problem is always the first step, the remedy to the solution will follow.

 

Galkacyo inshallah in a year time will be the safest city in east-africa.

 

smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this